“Waxaan Uga Digaya Xukuumadda In Ay Faraha Kala Baxdo Arrimaha U Gaarka Ah Golaha Wakiilada Oo Ay Ku Mashquusho Arrimaha Qaranku U Igmaday” Gudoomiye Cirro

0
Friday February 07, 2014 - 19:05:46 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 914
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Waxaan Uga Digaya Xukuumadda In Ay Faraha Kala Baxdo Arrimaha U Gaarka Ah Golaha Wakiilada Oo Ay Ku Mashquusho Arrimaha Qaranku U Igmaday” Gudoomiye Cirro

    Hargeisa(xogreebnews.com-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka ka dib safar kooban oo uu ku tagay dalka Ethiopia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka ka dib safar kooban oo uu ku tagay dalka Ethiopia. Hargeisa(xogreebnews.com-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka ka dib safar kooban oo uu ku tagay dalka Ethiopia.

waxaana Gudoomiyaha ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Cigaal International Airport badiba xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland oo gaadhayey ilaa afartameeyo xildhibaan oo isugu jiray muxaafid iyo mucaaridba.gudoomiyaha oo qolka nasashada ugu warramay warbaahinta ayaa waxaa uu faahfaahin ka bixiyay safarkiisii uu ku tagay caasimadda dalka Eithopia ee Adis ababa waxaana uu sheegay in safarkiisu ahaa mid shakhsi ah isla markaana uu qaatay muddo hal maalin ah.
Gudoomiyuhu wuxuu hadalkiisa ku bilaabay “waxaan illaahay ugu mahad naqayaa in aan dalkaygii si nabad gelyo ah ugu soo noqday waxaanan halkan ka salaamaya guud ahaanba shacbiga reer Somaliland”
Gudoomiyaha isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu diray fariimo dhawr ah waxanu yidhi “waxaan jecelahay laba ama saddex fariimood in aan shacbiga reer Somaliland gaadhsiiyo fariinta kowaad, waxaa weeye Golaha Wakiiladu intii ay jirtay xukuumadda Axmed Siilaanyo marna dagaal lamuu galin haddana dagaal kulama jiro fariinta labaad, waxaa soo if baxay oo si qaawan u muuqday in xukuumaddu ay arrimaha u gaarka ah Golaha Wakiilada Somaliland gacanta kula jirto fariinta sadexaad, waxaan kula talinaya xukuumadda in ay faraha kala baxdo arrimaha u gaarka ah golaha wakiilada oo ay ku mashquusho arrimaha qaranku u igmaday .fariinta afraad, waxaan salaamayaa mudaneyaasha golaha wakiilada meelkastoo ay joogaan rag iyo dumarba waxaanan ku kalsoonahay mudaneyaashu in ay sharaftooda iyo sharafta qaranka ilaalin doonaan” ayuu ku soo gabo-gabeeyay hadalkiisii Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured