“ Waxa Ayaan Daro Ah Wixii Xalayto Badhasaabka Gobolka Togdheer Uu Kaga Hadlaayay TV Xukuumadda Ee Cayda Badan ,Waxa Uu Sheegay Been Qaawan Waxaanu yidhi Cidiba Ismay Hortaagin Waftiga Ucid,wixii Dhacay-na Caalamka Oo Dhan Ayaa Ogaa Oo Wax La Dafirikaro Maaha ,waxyaabaha Noocaas Oo kale ahna Afweyne Ayaa lagu yaqiinay "Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen

0
Thursday February 06, 2014 - 21:46:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 932
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “ Waxa Ayaan Daro Ah Wixii Xalayto Badhasaabka Gobolka Togdheer Uu Kaga Hadlaayay TV Xukuumadda Ee Cayda Badan ,Waxa Uu Sheegay Been Qaawan Waxaanu yidhi Cidiba Ismay Hortaagin Waftiga Ucid,wixii Dhacay-na Caalamka Oo Dhan Ayaa Ogaa Oo Wax La Dafirikaro Maaha ,waxyaabaha Noocaas Oo kale ahna Afweyne Ayaa lagu yaqiinay "Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen

    Jamaal Cali Xuseen ayaa sidaasi ku sheegay Munaasibad il-yartu is qabaday oo ay kula hadlayeen Masuuliyiinta Ucid taageerayaasha Xisbigaasi iyo dadweynaha reer Burco oo ka dhacday Hoteelka Cigaal ee duleedka Waqooyi ee Burco taasi oo si farshaxan-nim

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jamaal Cali Xuseen ayaa sidaasi ku sheegay Munaasibad il-yartu is qabaday oo ay kula hadlayeen Masuuliyiinta Ucid taageerayaasha Xisbigaasi iyo dadweynaha reer Burco oo ka dhacday Hoteelka Cigaal ee duleedka Waqooyi ee Burco taasi oo si farshaxan-nimo leh loo soo dhigay. Burco,(xogreebnews.com-Musharaxa Jagadda Madaxtinimo ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Ucid Jamaal Cali Xuseen ayaa Xukuumadda Siilaanyo ku eedeeyay in ay Kicin iyo xaalada abuur ka dhex-wado shicibka Somaliland .
Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa Xukuumadda Uga Digay hadii ay joojin waydo Xad-gudubyadda Xisbiyadda Qaranka ka dhanka ah ,Cadaalada Daradda Xadhkaha goosatay ,iyo xaalad-abuurka ay bulshadda ka dhex hurinayso in ay gadood shicib horseedi-doonto isla markaana Madaxtooyadda loogu daadan-doono sidii ku dhacday Baarqabadii awooda wayn- lahaa ee ka talin-jiray Masar ,Liibiya iyo Tunisiya.


Jamaal Cali Xuseen ayaa sidaasi ku sheegay Munaasibad il-yartu is qabaday oo ay kula hadlayeen Masuuliyiinta Ucid taageerayaasha Xisbigaasi iyo dadweynaha reer Burco oo ka dhacday Hoteelka Cigaal ee duleedka Waqooyi ee Burco taasi oo si farshaxan-nimo leh loo soo dhigay.
“ Waxa ayaan daro ah wixii xalayto Badhasaabka gobolka Togdheer uu kaga hadlaayay TV Xukuumadda ee cayda badan ,waxa uu sheegay been qaawan waxaanu yidhi cidiba ismay hortaagin Waftiga Ucid,wixii dhacay-na Caalamka oo dhan ayaa ogaa oo wax la dafirikaro maaha ,waxyaabaha noocaas oo kale ahna Afweyne ayaa lagu yaqiinay oo inta dagaal dhaco odhan jiray Kubad ayaa la ciyaarayaa .Markaa anagu sidaas waxba ku noqon-mayno laakiin waxaanu ku wargalinaynaa Masuuliyiinta Qaranka in ay fahmaan in aanu Xisbi Qaran nahay ,bahdilaada iyo karaama-daradda markasta ay doonayaan in ay nagu sameeyaan wanaag uun ayaanu ka sii qaadnaa “ Sidaasi ayuu Jamaal yidhi waxaanu intaasi raaciyay isagoo hadlkiisa sii wata .
“ Waxaanu leenahay Xukuumadu waa in ay fahantaa Qaranka waxa loogu dhiibay ,maaha in ay dimuqraadiyadda afduubaan ,maaha in aynu dib u noqono ,shalayto wixii ay ka cabanayeen maaha in ay wax ka daran sameeyaan umadda ayaa karaamadeedii idiin dhiibatay ,hadii aad joojin-waydaan khal-khalka iyo xaalad abuurka aad wadaan ,shalayto sidii laydiin jiidhay ayaa laydiin jiidhi-doonaa ,Walaahay Madaxtooyadda ayaa laydiinku soo galayaa hadaad waxan dayn waydaan ,umadu waa mawjad hadii ay dareerto mawjadaas ayaa idin soo galaysa waad ogtihiin wixii Masar ka dhacay ,waad ogtihiin wixii Tunuusiya ka dhacay ,waad ogtihiin wixii Libiya ka dhacay ragii Doobyi-jiray ee xooga ,ciidanka iyo diyaaradaha lahaa ,”hal maalin” oo dadweynuhu kaceen ayay ku carareen oo ay cagaa wax ka dayeen ,kuwanina iyagu waa “Nus Galin” markaa waxaanu leenahay waar dalkeena haynaga burburinina ,dal ayaa laydiin dhiibay waar bal intii laydiin dhiibay uun halaydiinku yimaado “ Sidaasi ayuu Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen yidhi.
“ Anaga waxay nagu eedeynayeen oo ay lahaayeen kaambayn ayay wadeen maalintii hore ayaanu u sheegnay waxaananu ku nidhi xafiiskayaga Burco ayaanu tagaynaa oo taageerayaashayada ayaanu la hadlaynaa meelkale oo aanu tagaynaa ma jirto ,dadka Kaambayna wada ee dalka lagu soo wareejiyo ee meelkasta inta ay dhagaxa dhigaan iskaga taga Kaambaynka ugu darani waa kaas Xukuumadda Siilaanyo wado ,anagu waligayo maanu arag Dawlad carqalad samaysa ama xaalad abuur ,shalayto waxa la lahaa ,dhibaato ayaa dhacaysa dhalinyara reer Burco ayaa islaayay ,waad arkayseenoo dhalinayaradee reer Burco eel ala lahaa way islaayeen iyagoo dhinaca isku haya ayay na soo dhaweeyeen ,Deerana Deero kumay hirdiye ,taasina waxay cadaynaysaa in ay iyadu xaalad-abuurka samaynayso oo ay dhalinyaradda iska horkeenayso “ Sidaasi ayuu Musharaxa madaxtimnimo ee Xisbiga Ucid halakiisa kaga baxay.
Sidoo kale waxa isna halkaasi ka hadlay Ku Xigeenka Musharaxa Mataxtinimo ee Xisbiga Ucid Cabdirashiid Xasan Mataan iyo Masuuliyiin kale oo Xisbigaasi ka tirsan kuwaasi oo dhamaantood eedo qaro waaweyn huwiyay Xukuumadda Siilaanyo oo ay ku eedeeyeen in Musuq-maasuq iyo Cadaalad-daro aafaysay isla markaana baaxada taageerayaasha Xisbiga Ucid Bayr ka qaatay .
Geesta kale Waftigan Ucid ee magaalada Burco ku sugan ayaa xalayto iyo maanta kulamo gooni gooni ah la lahaa Cuqaasha ,Aqoonyahanadda iyo qaybaha bulshadda Burco oo si weyn usoo dhaweeyay .



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured