guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa luqad adag kula hadlay xukuumada uu hogaankeeda hayo madaxweyne Siilaanyo.

0
Thursday February 06, 2014 - 20:03:03 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 905
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa luqad adag kula hadlay xukuumada uu hogaankeeda hayo madaxweyne Siilaanyo.

    Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid waxa uu sheegay inaanu talada dalka gacanta ku hayn madaxweyne Siilaanyo, waxaanu tilmaamay inay gacanta ku hayaan koox wadanka ka dhigtay mid bilaa nidaam ah oo ixtiraamkii lagu yaqaanay Somaliland meesha ka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid waxa uu sheegay inaanu talada dalka gacanta ku hayn madaxweyne Siilaanyo, waxaanu tilmaamay inay gacanta ku hayaan koox wadanka ka dhigtay mid bilaa nidaam ah oo ixtiraamkii lagu yaqaanay Somaliland meesha ka saartay. Hargeysa(Xogreebnews.com-guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa luqad adag kula hadlay xukuumada uu hogaankeeda hayo madaxweyne Siilaanyo.
Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid waxa uu sheegay inaanu talada dalka gacanta ku hayn madaxweyne Siilaanyo, waxaanu tilmaamay inay gacanta ku hayaan koox wadanka ka dhigtay mid bilaa nidaam ah oo ixtiraamkii lagu yaqaanay Somaliland meesha ka saartay.
Eng Faysal Cali Waraabe oo la hadlay Universal Tv waxa kale oo uu sheegay inuu wadanka ka socdo boob hantidii umada ah, isaga oo tilmaamay in wadanka laga xaraashayo shirkadaha waaweyn ee caalamka ah, taasna waxa uu dhabarka u saaray xukuumada wakhtigeedu soo yaraanayo maalinba maalinta ka danbaysa ee uu hogaanka u hayo madaxweyne Siilaanyo.

Ugu horayn gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe oo ka hadlaya hab dhaqanka wakhtigan ee xukuumada Kulmiye iyo xaalada wadanka ee haatan lagu jiro waxa uu yidhi “Kulmiye waxa uu lahaan jiray idaacad aan sharci ahayn oo Horyaal la odhan jiray, distoorka Somaliland waa mid aad u fiican marka la akhriyo waana distoor ku talinaya wada tashi, is ixtiraam iyo wada qaybsi awood iyo dhaqaalaba , wax kasta oo distoorku jideeyey wuu baabiiyey dawladan uu madaxda ka yahay Siilaanyo, maantana wixii xaaraanta ka ahaa dawladii Daahir Rayaale xalaal ayuu ka dhigtay Siilaanyo, waxaana iska cad inaanu Siilaanyo taladii dalkan gacanta ku haynin oo uu dalkani meehanaabayo oo hogaan midaysani aanu jirin, qof walba oo masuul ahina uu wuxuu doono ku hadlayo oo aan baratakool, nidaam iyo barnaamij toona lahayn , waxaana cadaawada naloogu qaaday wax aynu hagaajisano oo umadeena aynu wax u qabano, maanta waxbarashadii waa lacag, Biyihii waa lacag, wadadiina waa lacag oo waa la dhisanayaa, laydhkii waa lacag, caafimaadkii waa lacag.”
Guddoomiyaha xisbiga Ucid waxa uu sheegay inaanu xisbiga Kulmiye samayn isbadalkii uu umada u balan qaaday taas badalkeena waxa uu sheegay inuu wadankii galiyey wax uu ugu yeedhay xaraash waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Kulmiye waxa uu yidhi isbadal ayaan keenayaa waana inuu wax ka qabtaa arimaha bulshada oo caafimaadka sida caalamka lacagta bixiyaa oo uu waddooyinka dhisaa oo biyaha iyo laydhkana bixiyaa, intaas oo dhana midna ma keenayo dalkiina xaraash ayaa la galiyey waxaana laga iibinayaa shirkadihii waa weynaa ee aduunka oo Milyan Milyan laga siisanaya khayraadkii uu dalku lahaa ee shiidaalka, dalkana waxa ka socda boob, Siilaanyana taladii dalka ma hayo waxaana dalka haysta koox, dalkana waanu ka badbaadinaynaa si aanu u khal khalin.”
Ugu danbayntiina guddoomiyaha xisbiga Ucid waxa uu sheegay inay xukuumadu si khalad ah u xidhay xafiiska telefishanka Universal uu ku leeyahay Somaliland, isaga oo sheegay in barnaamijkii laga sii daayey telefishankaasi uu la mid yahay kuwa hadyo jeer ay baahiyaan wargaysyada ka soo baxa gudaha Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured