Dadka Danyarta ah ee Degmada Laasgeel ayaa Ku eedeeyey Maamulka Degmadaasi Musuq-Maasuq ay Ku Sameeyeen Mucaawino Wasaarada Caafimaadka iyo Hayada UNICEF Ugu Deeqeen Dadkaasi Danyarta ah.

0
Thursday February 06, 2014 - 12:04:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 847
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dadka Danyarta ah ee Degmada Laasgeel ayaa Ku eedeeyey Maamulka Degmadaasi Musuq-Maasuq ay Ku Sameeyeen Mucaawino Wasaarada Caafimaadka iyo Hayada UNICEF Ugu Deeqeen Dadkaasi Danyarta ah.

    Laasgeel(Xogreebnews)-sida ay shabakada wararka ee Xoriyonews.com u sheegeen dad danyar ah oo ku nool degmada laasgeel ayaa ku eedeeyey maamulka degmadaasi in ay musuq-maasuq ku sameeyeen mucaawino wasaarada caafimaadka iyo hayada UNICEF

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Laasgeel(Xogreebnews)-sida ay shabakada wararka ee Xoriyonews.com u sheegeen dad danyar ah oo ku nool degmada laasgeel ayaa ku eedeeyey maamulka degmadaasi in ay musuq-maasuq ku sameeyeen mucaawino wasaarada caafimaadka iyo hayada UNICEF

Laasgeel(Xogreebnews)-sida ay shabakada wararka ee Xoriyonews.com u sheegeen dad danyar ah oo ku nool degmada laasgeel ayaa ku eedeeyey maamulka degmadaasi in ay musuq-maasuq ku sameeyeen mucaawino wasaarada caafimaadka iyo hayada UNICEF ugu deeqeen dadka danyarta ah eek u dhaqan degmada laasgeel.

Suleekha Xasan oo khadka telefanka nagula soo xidhiidhay ayaa faahfaahin ka bixisay mucaawinadaasi waxa ay ahayd waxayna tidhi”mara kaneecooyin ah kuwa qaaliga ah ee ay tayadoodu sareyso oo tiradoodu ahayd ilaa 1000 xabo ayaa waxa musuq ku sameeyey maamulka degmada laasgeel ,iyadoo xili habeenimo ah mucaawinadaasi la qaybiyey tirade la qaybiyeyna waxay ahayd ila 250 XABO intii kale waa la musuq-maasuqay ayay tidhi”

Sidoo kale waxaa iyaguna faahfaahin ka bixiyey Xasan Daahir iyo nin isna lagu magacaabo Maxamed Xasan ayaa iyaguna sheegay in musuq-maasuqani uusan ahayn kii ugu horeeyey balse uu yahay kii sadexaad ee maamulka degmada laasgeel ku sameeyey mucaawinooyin loogu talo galay dadka danyarta ah ee degmada laasgeel.

Dadka danyarta ah ayaa cabashadooda waxay ku miijiyeen sida ay xun yihiin cadaalad darada inta lee gee lagu sameynayo isla markaana waxay ka codsadeen xukuumada Somaliland in ay si deg deg ah u soo faro-geliso cadaalad daradaasi inta badan lagula kaco marka ay mucaawino u timaado.

Dhanka kale mar aanu isku dayna in aanu wax ka weydiino maamulka degmada laasgeel noomay suurto gelin in aanu khadka telefanka ku helno.

Xukuumada Somaliland oo ah xukuumadii codka shacabka ku timid ayaa waxa looga baahan yahay in dhamaan shacabkii soo doortay ay ku ilaaliso cadaalad iyo sinaan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured