Agaasimaha Guud ee Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Deegaanka Oo Beeniyey in Khilaad Ka Dhex Qarxay Isaga iyo Wasiirka.

0
Wednesday February 05, 2014 - 22:18:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 934
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Guud ee Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Deegaanka Oo Beeniyey in Khilaad Ka Dhex Qarxay Isaga iyo Wasiirka.

    Hargeysa(Xogreebnews)-agaasimaha guud ee wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga mudane Maxamed Faarax Xirsi oo maanta xafiiskiisa magaalada hargeysa ugu waramayey warbaahinta ayaa beeniyey war saaka ku soo baxay wargeyska waaheen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)-agaasimaha guud ee wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga mudane Maxamed Faarax Xirsi oo maanta xafiiskiisa magaalada hargeysa ugu waramayey warbaahinta ayaa beeniyey war saaka ku soo baxay wargeyska waaheen

Hargeysa(Xogreebnews)-agaasimaha guud ee wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga mudane Maxamed Faarax Xirsi oo maanta xafiiskiisa magaalada hargeysa ugu waramayey warbaahinta ayaa beeniyey war saaka ku soo baxay wargeyska waaheen warkaasi oo nuxurkiisu ahaa I khilaad xoogani ka dhex qarxay agaasimaah guud ee wasaarada deegaanka iyo wasiirka wasaarada deegaanka marwo shukri xaaji ismaaciil baandare.
Agaasimaha oo faahfaahin ka bixinaya ayaaw axa uu yidhi”horta saaka warkaasi ayaan ku arkay wargeyska waaheen markaa dee waa war been abuur ah oo aysan waxba ka jirin,oo wasiirkii wasaarda deegaankuba waxay dalka kaga maqan tahay mudo ilaa bil ah arimo caafimaad,markaa hadii uu jiro khilaaf markii ay wasiirku joogtay ayaa la arki lahaa markaa waa war ay iska soo qoreen qoladan waaheen iyagaana looga fadhiyaa in ay warkaasi raali gelin ka bixiyaan,agaasimaha oo saxaafadu wax ka weydiisay in ay la soo xidhiidheen qolada wargeyska waaheen intaysan warkaasi qori aya waxa uu yidhi maya cidi nalamaysoo xidhiidhi oo hadii ay doonayaan in ay wax naga weydiiyaan way naga weydiin karayeen balse qorka ayuubay iska qoreen ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga somaliland mudane Maxamed Faarax Xirsi.Waxa uu agaasimuhu u soo jeediyey wargeyska waaheen iyo guud ahaanba warbaahinta in ay iska ilaaliyaan wararka aan xaqiiqada ku qotomin waayo ayuu yidhi iyaga laftigooda ayay sumcad xumo ku tahay in ay qoraan war aan la hubin,Maxamed Faarax Xirsi ayaa sheegay in ay wnaagsan tahay marka wargeys ama tv. Uu cid wax ka qorayo in uu cida uu wax ka qorayaa ay la soo xidhiidhaan oo ay wax ka weydiiyaan sidaasi oo ah sharciga iyo anshaxa saxaafaduba ee xitaa caalamiguba ay ku dhisan tahay waxna lagu qiyaaso, balse hadii ayuu yidhi nin walba waxa uu doono iska qoro waxa ka dhalanaya cawaaqib xun oo dee waxaa la isla tiigsan maxkamadaha sharciga oo sharciga ayaa lagu kala bixi ayuu maxamed faarax yidhi.Ugu daneytii agaasimaah ayaa fariin u diray saxaafada oo kula taliyey in wararkooda ku saleeyaa runta si dadkana ay uga helaan sumcad iyo akhristayaal ama daawadayaal, waxa uu sheegay gaasimaha guud ee wasaarada deegaanku mudane Maxamed Faarax Xirsi in loo baahan yahay sidii guud ahaanba saxaafadu uga shaqeyn lahayn danaha qaranka iyo horumarka arimaha bulshada iyo xaqiiqada iyo runta oo ay sheegto.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured