WAXAAN MADAXWEYNHA WEYDIIN LAHAAWaxaan dhegeystay barnaamajyo wareysi ah iyo qoraalo uu aqoonyahan Axmed Xasan Carwo lagu wareystay iyo qaar uu qorayba,

0
Wednesday February 05, 2014 - 20:21:57 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1083
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    WAXAAN MADAXWEYNHA WEYDIIN LAHAAWaxaan dhegeystay barnaamajyo wareysi ah iyo qoraalo uu aqoonyahan Axmed Xasan Carwo lagu wareystay iyo qaar uu qorayba,

    waxaanan dhegetstay qudbadiisii uu ka jeediyey Liverpool isagoo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha. Waxaanan ka mid ahaa dhalintii uu ku soo xidhay xisbiga kulmiye. Anigoon aqoon u lahayn ayuu qoraaladi uu KULMIYE ku taageeri jiray igu qancisay inaan u c

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaanan dhegetstay qudbadiisii uu ka jeediyey Liverpool isagoo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha. Waxaanan ka mid ahaa dhalintii uu ku soo xidhay xisbiga kulmiye. Anigoon aqoon u lahayn ayuu qoraaladi uu KULMIYE ku taageeri jiray igu qancisay inaan u codeeyo oon waliba u ololeeyo. Waxaan ku

waxaanan dhegetstay qudbadiisii uu ka jeediyey Liverpool isagoo ka mid ah wafdiga Madaxweynaha. Waxaanan ka mid ahaa dhalintii uu ku soo xidhay xisbiga kulmiye. Anigoon aqoon u lahayn ayuu qoraaladi uu KULMIYE ku taageeri jiray igu qancisay inaan u codeeyo oon waliba u ololeeyo. Waxaan ku qanacsanaa inuu xil weyn ka qaban doono xukuumadda. Waana arrin aanan liqin ilaa hadda.Waxa muuqata inuu Axmed Carwo wax weyn ka tari laha kor u qaadka dhaqaalaha dalka hadii loo dhibi laha xil wasaaradeed. Ma jiro cid kaga habboon inuu noqdo Wasiirka maaliyadda oo u baahan nin aqoonteed leh oo dhaqaajiya isbedel dhab ah oo looga baahan yahay in lagu hagaajiyo nidaamka cashuuraha iyo ilaalinta hantida oo cilmiyeysan, wey dhaaftay lacag uruursiga kaliya ee Wasiirada soo maray wasaaraddani ay ku hawlanaayeen, waxa loo baahan yahay kobcinta dhaqaalaha iyadoon kor loo qaadin cashuuraha iyo in la helo cashuur ku dhisan cadaalad ijitimaaci ah oo culayska laga saaro danyarata garbo beeshay, waana mid u baahan xirfad iyo xeelad aqoonaysan. Dhugdhug iyo lab la garaac uma baahna, umana baahan rag hadaf kale leh oo meesha u jooga lacag uruursi ay barnaamajyo u gaar ah oon dani qaranka ugu jirin iyo Madaxweynaha u xusul duuban’.

Madaxweyne Axmed Carwo waa nin abaal badan xukuumadda iyo qaranka ku leh, waa aqoon yahan qayb libaax ka qaatay guusha aad ku hantiday kursiga, waa nin aftahan ah aad u yaqaan sida uu dadka wax uga dhaadhiciyo, qoraa ah Soomali iyo Ingriisiba dadku ku raaxaystaan qoraaladiisa. Waa nin bulshadu is weydiiso waxa uu xukuumadaada dabada uga joogo ee aad u siin weyday mansab wasiir oo dalka wax ugu taro, si gaar ahna uu kuugu hiiliyo oo uu noqdo hormood aad ku faanto. Waa su’aasha aan ku weydiin lahaa haddaan mar uun kula kulmo. Waxaan ka codsanaya inta badan ee fikraddan ila wadagta iyo si gaar ah saxaafadda oo uu Axmed qiimo weyn ku leeyahay inay su’aashaas ii weydiiyaan madaxweynaha markay suurtagal noqoto .

Waxa inagu waajib ah inaynu is barbar taagno cidda dalka horumar u keeni karta aynu muujino dadka u qalma inay xil siyaasi qabtaan. Waxaynu ognay in xukuumadda dhibta ugu weyn ee haysata tahay aqoon darro iyo xilal loo dhiibay dad aan aqoonteed iyo kartideed midna lahayn. Wasiirada muuqdaana yihiin inta yare e aqoonta u leh xilalka ay hayaan.

Dunida aqoon ayaa leysku dhaafay iyo karti. Waxa waqtiga badan loogu lumiyaa waxbarashada waa in qof waliba xilka ku haboon waxa uu soo bartay loogu dhiibo. Ruux aan darawalnimo soo baran baabuurkaaga u dhiibimeysid, laakiin waxaynu caadaysanay inaynu qof aan aqoon iyo khibrad midna lahayn u dhiibno wasaarad dhan.

Madaxweyne arrintan hoos u eeg oo wallaahi wax aan wadaniyad ahayn oo iga hadlinaysa ma jirto, Illaahayna ha ku waafajiyo siday danta guud ku jirto hana kuu fududeeyo doorashada iyo xulashda masuuliinta qaranka.

Sabaah Saaxil

Sabahsaaxil@gmail.com




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured