XUKUUMADA SIILAANYO OO QAADAY DARIIQI DIGTEETARNIMADA MAGAALADA BURCO-NA KA HOR ISTAAGTAY INAY GUDAHA UU GALLAAN,XISBIGA UCID IYO TAAGEERAYAASHISINA AY MUUJIYEEN CUDUD.

0
Wednesday February 05, 2014 - 19:22:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1061
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XUKUUMADA SIILAANYO OO QAADAY DARIIQI DIGTEETARNIMADA MAGAALADA BURCO-NA KA HOR ISTAAGTAY INAY GUDAHA UU GALLAAN,XISBIGA UCID IYO TAAGEERAYAASHISINA AY MUUJIYEEN CUDUD.

    Burco(xogreebnews.com-musharaxa xisbiga ucid aqoon yahan jamaal cali xuseen oo ay weehelinayaan ku xigeenkiisa cabdi rashid xasan matan iyo yusuf budle oo ah hoghayaha jaaliyada ee xisbiga ucid ayaa maanta si ka baxsan anshaxa uu siyay dastuurku asx

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(xogreebnews.com-musharaxa xisbiga ucid aqoon yahan jamaal cali xuseen oo ay weehelinayaan ku xigeenkiisa cabdi rashid xasan matan iyo yusuf budle oo ah hoghayaha jaaliyada ee xisbiga ucid ayaa maanta si ka baxsan anshaxa uu siyay dastuurku asxaabta ay ula dhaqmeen Burco(xogreebnews.com-musharaxa xisbiga ucid aqoon yahan jamaal cali xuseen oo ay weehelinayaan ku xigeenkiisa cabdi rashid xasan matan iyo yusuf budle oo ah hoghayaha jaaliyada ee xisbiga ucid ayaa maanta si ka baxsan anshaxa uu siyay dastuurku asxaabta ay ula dhaqmeen Xukuumadda siilaanyo,xisbiga ucid kadib markii ay booqaasho ku taggaan magaalo madax-da gobolka togdheer,xukuumada ayaa tallaaban ay qaaday ka dhigaysa mid billa tamar ah oo an haysan taageero

Ugu yaraan Boqol Gaadhi ku dhawaad ayaa kaga hortegay inta u dhaxaysa Burco iyo Tuulada Qoyta kuwaas oo u soo gelbiyay dhanka magaalada Burco halkaas oo taagerayaal badani ku sugayeen,qaarkoodna wadooyinka hareerahooda caleemo qoyan la tubnaayeen,waxaana Jamaal iyo xubnihii la socday lagu soo wareejiyey laamiyada iyo sharicyada magaalada Bari iyo Galbeedba.
Jamaal ayaa dadweynaha reer Burco iyo taageerayaasha xisbiga Ucid kala hadlay meel fagaare ah oo ku taala badhtamaha Burco ( xarunta xisbiga Ucid horteeda
Geesta kale Badhasaabka Burco Maxamed Muuse Diiriye (oo ay Jamaal saaxiibo ahaan jireen,si gaarana u naasnujin jiray,busaaradana ka ilaalin jiray xilliyadii bilowga Burburkii Udub oo Jamaal Garab ka mid ah Udub Hogaamin jiray),Taliyaha Boliiska Burco iyo hawl —wadeeno ka tirsan Maamulka Togdheer oo adeegsanayey odayaal ay Jamaal isku hayb wadaagan oo uu ka mid ayahay Cabdillahi Awel-bari ayaa isku deyay inay Jamaal ku horjoogsadaan agagaarka Hotel Cigaal oo ku yaala wadada Berbera si aanu u gelin gudaha Burco,yeelkeede qorshahaasi wuu fashilmay,Odayadiina waxaa jiidhay taageerayaal qiraysan oo caleemo qoyan ruxaayey, wuxuuna Jamaal ,gaadiidkii la socday iyo taageeraaysiihuba toos ugu gudbeen Gudaha Magaalada Burco iyadaan deero dero hirdiyin,wax iska caabiyidana aanay la kulmin.
Xukumada Siilanyo ayaa mudo laba bilooda ka hor ka horjoogsatey Jamaal cali xuseen iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga Ucid inay galaan magaalada Gabilay iyadoo lagu horjoogsadey Tuulada Caabudla balse maanta ayey reer Burco ka maydheen Jamaal iyo Xisbiga Ucid Tacadiyadii loo gaystay dharaartaa.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured