Madaxweynaha Iyo Wasiiro Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo Markale Ku Hanjabay Inay Gacanta Puntland Ku Soo Celinayaan Goballada Sool, Sanaag Iyo Cayn Oo Ka Mida Xuduudaha Somaliland.

0
Wednesday February 05, 2014 - 10:36:33 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 837
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Iyo Wasiiro Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo Markale Ku Hanjabay Inay Gacanta Puntland Ku Soo Celinayaan Goballada Sool, Sanaag Iyo Cayn Oo Ka Mida Xuduudaha Somaliland.

    Garoowe(xogreebnews.com- Madaxweynaha cusub ee maamul-gobaleedka Puntland ee Soomaaliyeed Cabdiwali Gas, ayaa mar labaad ku celiyay in sidii uu hore u balan qaaday xilligii uu ololaha doorashada ku jiray sida ugu dhakhsaha badan doonaayo inuu gacanta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoowe(xogreebnews.com- Madaxweynaha cusub ee maamul-gobaleedka Puntland ee Soomaaliyeed Cabdiwali Gas, ayaa mar labaad ku celiyay in sidii uu hore u balan qaaday xilligii uu ololaha doorashada ku jiray sida ugu dhakhsaha badan doonaayo inuu gacanta Puntland ku soo celiyo Goballada Sannaag, Garoowe(xogreebnews.com- Madaxweynaha cusub ee maamul-gobaleedka Puntland ee Soomaaliyeed Cabdiwali Gas, ayaa mar labaad ku celiyay in sidii uu hore u balan qaaday xilligii uu ololaha doorashada ku jiray sida ugu dhakhsaha badan doonaayo inuu gacanta Puntland ku soo celiyo Goballada Sannaag, Sool iyo Cayn oo ka mid ah xaduudaha Jamhuuriyada Somaliland. Isla markaana waxa uu sheegay wax uu ugu yeedhay dhaawacyo ku yimid midnimdii Puntland, kaas oo tilmamay inuu qaabanayo shir u dhan yihiin Isimada maamul-gobaleedka Puntland.

Hoggaamiyaha maamulka Puntland Cabdiwali Gas oo shalay khudbad ka jeediyay munaasibad ay ka soo qayb-galeen Madax-dhaqmeed, aqoon yahan iyo dhalinyaro oo lagu qabtay xarunta Puntland ee magaalada Garoowe, waxa uu si-cad farta ugu fiiqay inay ciidamada maamulkiisa ay marka ugu horaysa loo baahan yahay in tababar iyo qalabayn lagu sameeyo, balse waxa uu ugu baaqay ciidamada Puntland in looga fadhiyo sidii xaduudaha Goballadaaas iyo xaduudaha u difaacilahayeen. Isagoo sheegay in loobaahan yahay midnimada Puntland iyo Soomaaliya, waxaanu yidhi, “Waxaana loo baahan yahay midnimada Puntland iyo Soomaaliya, markaa dawlada Puntland waxay tixgalinaysaa dhamaan deegaamada iyo Goballada Puntland ee shakigu soo kala dhex-galay. Wixii khaldamay waxaynu ku saxaynaa gogosha Isimada Puntland, gogoshaasi waxay tixgalin-gaar ah siindoontaa mudnaanta kowaad ee Goballada Sool, Sannaag iyo Cayn.”
Cabdiwali Gas waxa kale oo uu sheegay inay wadayaan difaaca iyo doonista amniga, waxaanu yidhi, “Xukuumadu waxay masuul ka tahay difaaca iyo doonista amniga dhamaan inta nabada diidan waanu wadaynaa oo waanu xoojinaynaa. Shacabku ha ka feejignadaan kuwa dhagar-qabayaasha ah, gaar ahaan inta lagu jiro is-badelka.”
Sidoo kale Cabdiwali waxa uu ugu baaqay ciidamada maamulka Puntland in looga fadhiyo difaaca xaduudaha maamulkiisa, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “Ciidamada qaranka ee Puntland waxa looga fadhiyaa difaaca xaduudaha Puntland, waxaana kor u qaadaynaa tababarka ciidamada iyo tayaynta qalabkooda, si loo gaadho balantii aan qaaday xilligii ololaha doorashada ee ahaa sidii loo soo celin lahaa deegaamada Puntland.”
Hadalkan Madaxweynaha maamul-goballeedka Puntland Cabdiwali gas ayaa ku soo beegmaaya xilli bishii hore ee January Madaxda dawlada Somaliland uga digeen hoggaamiyaha maamulka Puntland inuu faraha la soo galo Goballada bariga ee xaduudaha Somaliland, kaas oo dhawr jeer oo hore ku celiyay dhawaaqo uu ku sheegaayo inuu dagaalo ku soo qaadaayo Goballada bariga ee xaduudaha Somaliland.
Dhinaca kale Wasiiro ka socda maamulka Puntland oo ay ka mid yihiin Wasiirada ganacsiga iyo Kalluumaysiga iyo Khayraadka badda Maxamed Xasan Soocadde iyo Cabdinuur Cilmi Biindhe, ayaa markii ugu horreysay ka hadlay in toddoba sannadood kadib dib loo soo celin doono gacan ku hayntii gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, waxayn sidaasi ka sheegeen munaasibad ay kaga qaybgaleen deegaanka Tukaraq oo ay ku soo dhaweeyeen laba xildhibaan oo ka tirsanna golaha deeganka gobolka Sool oo u goostay maamul goboleedka Putland.
Wasiirka ganacsiga Puntland Maxamed Xasan Soocadde oo ugu horeyn halka ka hadlaya ayaa sheegay in caddaadis laga qaadi doon dadka gobolada ku dhaqan isagoo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Dadka gobolada ku dhaqan waxaanu doonayna in aanu caddaadiska ka qaadno oo aanu gacanta ku soo dhigno gobolada xukuumada Somaliland gacanta ku hayso oo aanay xaq u lahayn sii joogitaankiisa.”Ayuu yidhi Wasiirka ganacsigu Maxamed Xasan Soocadde
Sidoo kale wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Cabdinuur Biindhe ayaa isagun sheegay in toddoba sanno kadib la soo celin doono gobolada Somaliland iska sheegato oo ay tahay ololihii uu madaxweynaha hada kaambaynka ku galay soo celintiisa “Xubnahan ma noqon doonaan kuwii ugu dambeeyey ee waxay ahaayeen kuwii ugu horreeyey ee garta masiirka dadkooda, cadaadiska ka jira deegaankooda iyagoo waayo-arag u ah..” Ayuu yidhi wasiirka ganacsiga Maxamed Xasan Soocade waxaanu inta ku daray hadalkiisii “Dadka shacabka ah ee ku dhaqan Sool waxaa lagu hayaa cadaadis laga joogo toddoba sannadood, waxaan xiligan la doonaya sidii Somaliland looga soo celin lahaa gobolka Sool, Sanaag iyo Cayn oo aanay xaq u lahayn inay maamulkeeda cagta ku hayaan.”Ayuu yidhi wasiirku
Read more: Madaxweynaha iyo Wasiiro ka tirsan Maamul-goboleedka Puntland Oo ku hanjabay in Toddoba sanno kadib soo celin doonaan Gacan ku haynta Goballo Somaliland maamusho.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured