MUUQAALKA SOOMALIDII HORE

0
Tuesday February 04, 2014 - 19:30:28 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1133
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    MUUQAALKA SOOMALIDII HORE

    Qalinkii: khadar Mohamed Omer,Soomalidii hore waxay lahaayeen oo hadadan lagu arki karaa muuqaalo u gaaraha oo dadka aduun weynaha ku nool lagaga sooco, hadaba waxan in yar dul istaagi doona muuqaalkii somalidii hore .Muuqaalka jidhka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qalinkii: khadar Mohamed Omer,Soomalidii hore waxay lahaayeen oo hadadan lagu arki karaa muuqaalo u gaaraha oo dadka aduun weynaha ku nool lagaga sooco, hadaba waxan in yar dul istaagi doona muuqaalkii somalidii hore .Muuqaalka jidhka

Soomalidii hore waxay lahaayeen oo hadadanlagu arki karaa muuqaalo u gaaraha oo dadka aduun weynaha ku nool lagaga sooco, hadaba waxan in yar dul istaagi doona muuqaalkii somalidii hore .Muuqaalka jidhka

Soomaalidii hore waydhaadheeraayeen, midabkooduna wuxuu ahaa madaw iyo maariin dhalaal. Waxaynaahaayeen qaar aad u qurux baddan oo qorqoran (slim) jidhkooduna aad u xoogan yahay, waxayna isku muuqaal ahayeen faraaaciintii masar.Muuqaalka Huga

Ragga soomaalidu waxay hu, ahaan u xidhan jireen hoos_gunti hilaab sare. Timaha way la bixi jireen,waxayna galin jireen fidhine, waxayna sidan jireen waqtiga nabadda barkin iyo ul dheer, ninka guur doonka ahi waxa uuqaadan jiray jeedal.

Haweenka soomaliduwaxay xidhan jireen garees, xundhurta dusheeda ilaa dacalka hoose oo xagga horewaxayku xidhan jireen maro quruxbadan oo la yidhaahdo boqor waxaana ka sarayn jiray xadhig xariir ah oo labadiisa dacal ku leh bul oo ay dhexda ku xidhani jireen dhacaladaas oo isu qaban jiray gareyska iyo boqolka.

Gabdhuhumudada aanu naasku u soo bixin waxa hugeeda lagu xidhi jiray naasaha korkooda waxaana qaawanaan jiray xabadka sare ilaa madaxa waxa loo yeeli jiray dhoor. Gabadha marka ay naaso muuqda yeelato, huga waa loo gareysi jiray, timahanawaa loo tidci jiray.Gabadhamarkala bixiyo ee nin la siiyo waxa madaxa looguxidhi jiray sun ku leh badhanka meel buuran oo la xigsiiyo wajiga.gabadha marka lala guri galo waxa loo xidhi jiray shaash ama gambo rucubyo leh.

Tilmaamahaasaan soo sheegay baa lagu garan jiray marxalada gabadhuay ku jirto.

Hooyadu ilmaheedamarka ay meel dheer tageyso waxay ku qaadi jirtaye qayad oo ay dhabarkamarin jirtay amba ay marin jirtay dhinceeda hore.

Milgaha gabadhaha soomaalidu

Gabaddhaha soomaalidu waxay u ahaayeen beelaha danjire xidhiidhiya labada qabiil ee midna ay ka dhalatay midna ay u dhaxadaye. Labada qabiil ee dagaal dhexmaro aslaaxinta iyo heshiisiinta dhexmara waxa gogol_dhig iyo tiirar adag u ahaaa gabadho la is dhaafsado oo la idhaa “godob_reeb” godob_reebtu waxay ahaan jirtay gabadhaha kuwa u mudan ee la rabo inay xilka danjiraha si haboon u gutaan.

Dhaqanka iyo maamulkiisoomaalida

Soomaalidii hore waxa ay lahaayeen oo hadadanlaga arki karaa ismaamulka ku dhisan wadatashi,ismaqal iyo isu hogaansami ku dhisan cadaalad iyo iskaashi walalanimo. Waxa ay caam ku ahaayeen deeqsinimo, soo dhewyn iyo geesinimo. Waxayna lahaayeen madax ismaamul, xeerar, garsoor kala sareeya iyo ciidamo ku salaysan qabiil.Sumaddaha soomaalidaSoomaalidii hore waxay kala lahaayeen dad iyo xoolaba sumad u ah baadi_sooc oo ay isku kala gartaan. Sumada xoolaha oo ilaa hada jirta, balse sumadii dadku ay baaba,day inteeda badneyd. Sumada dadka waxa ka mid ahaa ilko qorid, dhaban-jeex, san_jeex ,iyo bog_jeex. Sumadahanoo beelaha somalida qaar ka mid ah laga helo hadda.Soomaalidu meherad ahaan waxay soomaalidii hore ku kala tilmaanaayeed saddex tilmaamoo d oo kala ahaa So,maal oo macnaheeduyahay kuwii ku tiirsanaa dheefta xoolahaiyo ugaadha,

Biyo maal oo macnheedu yahay kuwii ku tiirsanaaabiyaha sida beeraha, kalluumaysiga iyo ganacsiga. Tumaal oo macnaheedu yahay kuwii nolashoodu ku tiirsanayd farasamada_ gacmeedka.Hargeisa_ Somaliland

Qalinkii:khadar Mohamed Omer




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured