SADDEXDA XISBI QARAN IYO KOOMISHANKA DOORASHOOYINKA OO KULAAN KA YEESHAY DIWAAN-GELINTA CODBIXIYAASHA

0
Tuesday February 04, 2014 - 19:21:51 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1020
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    SADDEXDA XISBI QARAN IYO KOOMISHANKA DOORASHOOYINKA OO KULAAN KA YEESHAY DIWAAN-GELINTA CODBIXIYAASHA

    “Wax kulankan laga wadahadlayey side ayey doorasho inoogu qabsoonta wakhtigeeda, kulankan waxa ka soo qaybgalay saddexda xisbi qaran, iyo deeqbixiyaasha, iyo Komishanka Doorashooyinka, shirkuna maanta ayuu si rasmi ah u bilaamay illaa caawana w

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

“Wax kulankan laga wadahadlayey side ayey doorasho inoogu qabsoonta wakhtigeeda, kulankan waxa ka soo qaybgalay saddexda xisbi qaran, iyo deeqbixiyaasha, iyo Komishanka Doorashooyinka, shirkuna maanta ayuu si rasmi ah u bilaamay illaa caawana wuu soconayaa, marka shirku markuu soo gabogaboobo ayaan ka hadli doona natiijada.”Ayuu yidhi Gudoomiyha xisbiga kulmiye muuse biixi Hargeysa(xogreebnews.com-Komishanka Dorashooyinka Qaranka ee Somaliland iyo saddexda Xisbi qaran ayaa maanta kulan albaabadu u jidan yihiin ka yeeshay QabsoomidaDiwaangalinta Codbixinta, kulankaasi oo ka dhacay xarunta komishanka ee magaalada hargeysa.
Kadib markii uu dhammaaday kulankii albaabadu u xidhnayeen ayaa waxa warbahainta la hadlay Guddomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi iyo Guddomiyaha Xisbiga Ucid Faysal cali waraabe, iyo cabdirashiid riyo raac oo ka socday xisbiga Waddani.

“Wax kulankan laga wadahadlayey side ayey doorasho inoogu qabsoonta wakhtigeeda, kulankan waxa ka soo qaybgalay saddexda xisbi qaran, iyo deeqbixiyaasha, iyo Komishanka Doorashooyinka, shirkuna maanta ayuu si rasmi ah u bilaamay illaa caawana wuu soconayaa, marka shirku markuu soo gabogaboobo ayaan ka hadli doona natiijada.”Ayuu yidhi Gudoomiyha xisbiga kulmiye muuse biixi
Faysal cali Waraabe Guddomiyaha Ucid oo isna shirkaasi ka hadlay waxa uu yidhi.“Runtii wadahadaladii laga wadahadlayey Diwaangalinta Doorashada iyo sidii ay doorasho inagu qabsoomi lahayd way socdaan, deeq bixiyaashina way nala joogan,waxanu filaynaa in wax wanagsan ka soo baxo oo doorashadu wakhtigeeda ku dhacdo uu ka soo baxo Barri.”Ayuu yidhi.
Cabdirashiid Riyo raac oo ka socday Xisbiga Waddani oo isagana warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkaasi shangeesoodka ahi uu ahaa in diwaangalinta codbixiyaashu la qabto, doorashada wakhtigeeda lagu qabto, kulanku wuu sii soconayaa.”Ayuu yidhi.
xogreebnews.com- Hargeysa Office



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured