“Waa barnaamij loo suubiyey Soomaali Inay ku midowdo” — Hordhaca Faaliyaha Qaranka Ee Universal

0
Tuesday February 04, 2014 - 19:11:04 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1049
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Waa barnaamij loo suubiyey Soomaali Inay ku midowdo” — Hordhaca Faaliyaha Qaranka Ee Universal

    Waxa sidaa ku taageersan inta diidan qarannimada Somaliland. Waxa sidaa ugu sacabo tuma inta aanay ku weyneyn waxa dadkooda iyo dalkoodu suntadeen ee kaga talo galeen aayahooda. Waxa sidaa la qaba mucaarad aan is dhegeysan, cid kalena dhegeysan oo iy

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa sidaa ku taageersan inta diidan qarannimada Somaliland. Waxa sidaa ugu sacabo tuma inta aanay ku weyneyn waxa dadkooda iyo dalkoodu suntadeen ee kaga talo galeen aayahooda. Waxa sidaa la qaba mucaarad aan is dhegeysan, cid kalena dhegeysan oo iyaga ay madax martay qof-nacaybku. Waxa sidaa la soo saftay rag mas’uuliyiin sheeganaya oo ka raalli ah in haybadooda, tan qarankooda, tan calamnkooda, tan hoggaankooda, tan aayaha kumanaanka u codeeyey masiirkooda lagu jeesjeeso, oo lagu dhex tuuro badweynta ma-garawdada ah ee riyada Somaliweyn ka soo toosi kari la’.
Waxa ayaan darro ah in rag sheeganaya inay dalkan u dhasheen ku garabgalaan taliska taagta daran ee Xamar iyo maamul-goboleedkiisa Ountland inay maseeyaan ama la simaan Jamhuuriyadda Somaliland maamul-tuuleedyada xadhkaha gioostay ee ay isku urursadaan.

Waxa TVga Universal ku dooday inay barnaamijyo la mid ah kan ay Somaliland ka sameeyeen ku abbaareen qabqablayaasha Puntland, Muqdisho iyo Jubaland. Waa yeelkadooda. Tani waa Jamhuuriyadda Somaliland. Lama ag dhigi karo kuwa aad sheegaysaan. Idinkaa is ah!
Universal TV kuma aha keli docadocaynta iyo handadaada joogtada ah ee lagu hayo goonni-isu-taagga Somaliland. Waxa hamiga iyo hiyiga Somalia oo dhami isugu soo ururay inay ku midoobaan — sidii weligoodba ay ahaayeen — inay xooggooda, diblomaasiyadooda, telefishannadooda, idaacadahooda, barnaamijyadooda, wararkooda, maaweeladooda .. dhammaan awoodooda isugu geeyaan hoos-u-dhigidda qarannimada Somaliland.Somalia waxa ay bartilmaameed ka dhigatay Somaliland. Ma aha qaybihii kale ee riyada Somaliweyn ku dul burburtay sida Jabbuuti, Hawd & reserve area, iyo NFD. Somaliland oo keli ah.
Shalay markii weriye ka mid ah weriyeyaashii uu u yeedhay uu weydiiyey su’aal aha sida uu ka yeeli lahaa haddii isaga oo hoggaamiye qaran ah sida Universal samaysay loogu bahdili lahaa, Faysal Cali Waraabe af labadii ayuu furtay. Waxa erayadiisii ka mid ahaa, oo saxaafaddu kala xishootay, qabiil-cay, qof cay, handadaad nabadgelyada dhaawacaysa, aflagaaddo aan xataa ciyaala suuqu ku hadlin, iyo wax badan oo kale oo markiiba jawigii madasha or iyo alalaas dhiillaysan ka kiciyey. Waxa uu qabiil-caayey mas’uul xil qaran haya. Waxa uu ku hanjabay inuu madaxa xabbad kaga dhufanayo mas’uulkaas, oo xafiiskiisa ugu tegi doono. Waxa uu ku hanjabady inuu, sidoo kale, telefishanka qaranka weerari doono.
Waxa Faysal ku gubanayey oo sidaa u yeelay, oo cumaamadda mar kale isaga tuurayey ‘waa la I caayey’! Faysal sidaa ayuu ku difaacayey cid kale oo hoggaankii dalkiisa aflagaaddo ula badheedhay! Mise, Somaliland ayaanu Faysal isu aqoon?
“Waxa aan ballan ku qaadayaa inaan gacan saaro wasiirkaas! TVga Qaranku Hargeysa ka dhisnaan mayo!” Faysal ma sidaas ayuu dulqaad uga hadlaa! Funny!
Barnaamijka Universal sina uma aha mid Somaliland u soo dhoweyn karto, ama wax ha kaga sheegto ama yaanay kaga sheegin si toos ah, waayo waxa uu qayb ka yahay hawlgallada xukuumadda taagta daran ee Muqdisho u abaabushay waxa ay ugu yeedheen ‘Midaynta Somalia’. Hadda weliba, waa Muqdisho habeen walba ku seexata daryanka madaafiicda mucaaradkeeda hubaysan ee kula jira magaalada. Waa Somalia ka dhigi kari weydey Muqdisho Somaliweyn, oo haddana u soo hanqaltaageysa dadkan iyo dalkan aayahiisa ka tashaday. Hadda waa Muqdisho wasiirradeedu soo dhaafi la’yihii Villa Somalia iyo Villa Baidoa, oo aan ku dhic Karin inay hawl-maalmeedkooda si caadi ah ugu gutaan xafiisyada wasaaradahooda.
Somaliland waa dal tashaday. Mar buu tashaday. Talo dambe isuguma hadhin. Mucaarad iyo muxaafad sidaa ayaa la isku ogaa. La iskuma ogeyn in badheedh look ala dhantaalo qarannimada Somaliland, oo loo soo raaco cadawgeeda, aan isagu taako kuu oggolayn. Qofkii taa shaki kaga jireyow dagaalka UNIVERSAL soo qaadday 2dii Feberuary ilaa 3dii oo keli ah dib u milicso.
Dagaal aan loo kala hadhin oo saanadda teedii u dambeysey uu adeegsadey ayaa uu ku soo qaaday qaddiyadda, dalnimada, dadnimada Somaliland ka dib markii dadkeedu ka damqaday sida uu bahdilaad aanay geyin ula soo tiigsaday qarannimadeeda, calankeeda iyo hoggaankeeda, isaga oo aan waxbaba iskaga tirin.
Somaliland kama dulqaadan karto, lagumana dagi karo hadimooyinka maldahan ee dhinac walba ay kaga waddo Somalia. Mucaaradka Somalilandna waxa aan leeyahay: “waxa aad tihiin Somaliland horrayso iyo dambayso. Hadalkiinna u meel-daya oo joojiya qofnacaybka idin indha tiray!”Somaliland ha Midowdo!
Jimale Madar “Somalilander”
Turkey



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured