HUBAAL TV: Beenneey Waa Runtii-Wasiirka Warfaafinta Oo Sheegay In Xukuumaddu Ka Dembeyso Laba Dibleynta SONSAF Waddo Ee SOLJA Ka Qeylisay

0
Tuesday February 04, 2014 - 12:04:37 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 960
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    HUBAAL TV: Beenneey Waa Runtii-Wasiirka Warfaafinta Oo Sheegay In Xukuumaddu Ka Dembeyso Laba Dibleynta SONSAF Waddo Ee SOLJA Ka Qeylisay

    Hargeysa (xogreebnews.com-Xukuumadda Somaliland ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) ayaa Xaqiijisay In ay Warbaahinta Madaxa banaan u Hadoodilayso Xeer Laba dibleynaya dhaqdhaqaaqa iyo madax bannaanida Xorriyada Hadalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa (xogreebnews.com-Xukuumadda Somaliland ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) ayaa Xaqiijisay In ay Warbaahinta Madaxa banaan u Hadoodilayso Xeer Laba dibleynaya dhaqdhaqaaqa iyo madax bannaanida Xorriyada Hadalka. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa shaaciyey in ay Dabada ka riixayaan Xeer Lagu Xakamaynayo Saxaafada Madaxa banaan oo ay Mashruucasanayso Dallada Jilayaasha Aan dawliga ahayn ee SONSAF.
Dhawaan ayaa Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Qaylo-dhaan ka sameeyey Kulan warbaahinta la isugu yeedhay oo ay SONSAF Qabanqaabisay, kaasi oo dulucdiisu ahayd in masuuliyiinta hay’adaha warbaahinta madaxa banaan laga dhaadhiciyo in xeerkan ay ogolaadaan, kaasi oo waxoogaa faro guudkood ah lagu bixin doono, si golaha wakiillada loogu gudbiyo isla markaana lagu ansixiyo.

Haddaba Ururka SOLJA Cambaarayntiisa oo wax badan daaha ka fayday ayaa Xukuumadda oo adeegsanaysa xubno kale iyo SONSAF waxa ay olole dufan leh ku qaadeen Hoggaanka SOLJA, iyaga oo Markii dembe ku guulaystay in ay guddoomiyaha SOLJA jiitaan.
Guddoomiyaha SOLJA ayaa isaguna Madal ku beeniyey War saxaafadeedkii Hoggaanka SOLJI soo saaray, eek a dhiidhiyayay Dabinnada SONSAF qoolayso, waxaana uu xaal ka siiyey SONSAF iyo Xukuumaddaba warkaas
Maxaa ka dembeeyey?
Muddo Dhawr maalmodo ah ka dib, Markii Hadal haynta iyo doodad xeerkani dadka wareeyey isla markaana SONSAF iska fogaysay in cid kale adeegsanayso, ayaa Dooddii SOLJA waxa u rummeeyey oo Markhaati u noqday Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi gelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir oo shir jaraaid oo uu shalay ku qabtay Xafiiskiisa ku shaaciyey ku lug lahaanshaha xeerka SONSAF Waddo iyo saamaynta ay ku leeyihiin.
Haddaba Shirkii Jaraa’id ee Cukuse, qaybta uu kaga hadlay Xeerka SONSAF halkan hoose ka daawo



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured