Shirkadda TELESOM ha uga jawaabto macaamisheeda Somaliland su'aalahan oo khuseeya adeegga shirkadda iyo arrimo khuseeya xidhidhkeeda bulshada.

0
Tuesday February 04, 2014 - 12:00:42 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1404
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shirkadda TELESOM ha uga jawaabto macaamisheeda Somaliland su'aalahan oo khuseeya adeegga shirkadda iyo arrimo khuseeya xidhidhkeeda bulshada.

    W/Q: Yuusuf Ismaaciil Maxamed QAYBTA 1AAD.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

W/Q: Yuusuf Ismaaciil Maxamed QAYBTA 1AAD. Shirkadaha ganacsiga kala duwan ee adeegga bulshada iyo waxsoosaarka
ee dunidu sida ay shaqada ganacsigooda u ilaaliyaan, si ka badan ayay
u daneeyaan raalli ahaanshaha iyo qanacsanaanta macaamiishooda, waxana
taas dhinac taalla ama ugu muhimsanba shuruucda dawliga ah iyo
siyaasadda dawlada ee ku wajahan ilaalinta nolosha iyo danaha bulshada
ee xagga ganacsiga iyo hab dhaqanka shirkadaha iyo ganacsatada iyo
kobcinta ganacsiga dhinaca kale ee nidaamyada kala duwan ee dhaqaalaha

ay duwalka caalamku kala aaminsanyihiin. Waa xaqiiqo jirta oo aan la
dafiri Karin in labada dhinacba ee xaggaa hab dhaqanka shirkadaha
ganacsiga ka jira Somaliland iyo xagga shuruuda dawliga ah ee ku
aadanba ay waxbadani wali qabyo innaga yihiin ama khaas ahaan uu jiro
tacadiyo iyo saamayn dhaqaale taban oo shirkadaha ganacsigu ku hayaan
dhaqaalaha iyo gaadhsinta bulshada isticmaalka adeegooda ama
badeecadahooda ee bulshada iyo sidoo kale dakhligii cashuureed ee
dawladdu ka heli lahayd.
Shirkadda TELESOM waxay ka midtahay ama ugu horraysa wakhtigan
xaadirka ah shirkadaha isgaadhsiinta iyo kuwa ganacsigaba ee ka jira
Somaliland, waxanay ku kasbatay taas awood badan oo ay saartay
hirgelinta adeegeeda xilli uu tartanka isgaadhsiintu heerka uu immika
yahay ka hooseeyay ama aanu jirinba oo ay ku kaliyaysteen suuqa.
TELESOM marka loo eego shirkadaha kale ee isgadhsiinta iyo sharaaiga
waaweyn ee ganacsiyada kaleba waa shirkadda ugu dakhliga iyo macaashka
badan Somaliland ee malaayiin doollaar maalin kasta ka faaiida
mujtamaca Somaliland iyadoo saamiga ugu badan ee shirkaddana laga
leeyahay Somaliya.
Hadaba anigoo ka mid ah macaamiisha shirkadda TELESOM waxan doonayaa
inaan halkan ku waydiiyo maamulka iyo masuuliyiinta shirkadda TELESOM,
sidoo kalena aan dareensiiyo shacabka iyo dawladdaba arrimo aan u
arkayo inay dhaqaale burbur shirkaddu ku hayso dadka iyo dalkaba,
inay si danaystenimo ah oo aan dalka lexe jeclo ka gelin uga
ganacsanayso, dawakhaad laga qaadayo qaybo ka mid ah adeegga
telefoonkeeda iyo arrin ku saabsan sida loogu kalsoonaan karo adeegga
shirkadda ee ZAAD.
1. Su'aal: Telesom, maadaama oo ay tahay shirkadda dhaqaalaha ugu
badan dadka Somaliland maalin walba ka macaashta, maxay ku soo celisaa
dalka ee waxqabad ah ama ay uga gaysataa muwadiniinta ay faaruqisay
jeebkooda dhinacyada dhismaha iyo horumarinta adeegyadooda
aas'aasiga ah iyo daryeelka guud ee bulshada?
Waxan su'aashan u keenay waxa ii muuqata in sida ay uga macaashto
shirkadda TELESOM dadka Somaliland aanay waxba ugu celin ee ay ka
danaysato oo kaliya. Xataa waxa aad u yar marka shirkadaha kale ee
kala duwan loo eego, hantida gaar ahaaneed ee shirkadda TELESOM dalka
ka dhisato.
2. Su'aal: Dalka waxa ka jira shirkado isgaadhsiineed oo kala duwan
xagga telefoonada oo TELESOM ku jirto sida SOMTEL, TELCOM, Nation
Link iyo qaar kale. Kala duwanaanshaha shirkadahani waxay culays badan
ku hayaan macaamiisha iyo dadka isticmaalaya adeegooda oo aan wada
hadli karin. Waxa jiray sannad dhawaa hindise la doonayay in la
mideeyo shirkadahan si dadka loogu nasteexeeyo balse waxa la ogyahay
inay hindisahaa diiday shirkadda TELESOM oo iyadu ah tan ugu saamiga
badan suuqa. Marka ay shirkaduhu arrintan oo kale ka heshiinayaan,
waa sax in la tixgeliyo sida ay ugu kala saami badanyihiin suuqa
(Market share), haseyeeshee, marka ay shirkadda TELESOM ku dooday in
haddii sida ay iyadu doonayso aan loo dhigayn heshiiska dadka ugu
badan ee ay haysato awgeed, su'aashaydu waxay tahay TELESOM ma kooto
ayay dadka Somaliland ku haysataa oo madaxooda ayay siday doonto ugu
baayactamaysaa? Shirkaddu marka ay illaa heerkan ugu baayactamayso
saamiga ku leedahay suuqa ee aanay inyarna tixgelinayn maslaxadda iyo
danta bulshada, miyaanay ogayn kaliya inay jirtay fursad ay xilli
suuqani bannaana ay ka faaiidaysatay balse ay dadku awoodi karaan in
haddii ay dan u arki waayaan ay iyagu ikhtiyaarka leeyihiin oo
shirkad kale maalin kaliya u wada wareegi karaan? Midda kale,
shirkadda TELESOM iyadoo la ogyahay in saamigeeda ugu badan laga
leeyahay Muqdisho, miyaanay TELESOM ogayn in kootadu tahay waxay
Somaliland ka dagaalantay ee uga go'day Somaliya?
3. Su'aal: Shirkaddu waxay leedahay adeegga ZAAD oo run ahaantii aan
qirayo inuu yahay adeeg wanaagsan oo waxbadan ka taraya hawlaha
ganacsiga ama fududaynaya diritaanka lacagaha iyo shaqada guud ee
dadka balse ay jiraan arrimo xasaasi ah oo u baahan inay dadku u
fiirsadaan. Shirkaddu marka aad ZAAD furanayso, waxay ku waydiinayaan
oo kaa qorayaan yaa dhaxalkaaga leh. Haseyeeshee, waxay su'aashaydu
tahay taas waxa ka horreeya horta macmiilka adeegan isticmaalaya yaa
uga damiin ah inaanu waayi karin ama ku khasaari karin adeegga ZAAD ee
shirkadda TELESOM? Barmaamijyada "Software-ka" ah ee tiknooliyadda
casriga ah iyo Saatalaydhka dunida u adeegani la xidhiidho ee lacagtii
Somaliland oo dhami ku dhacayso maalin walba ama xataa ku kadyso ay
ku leeyihiin horta shirkadda TELESDOM ma iyadaa ka damiin ah inaanay
waxba ka xumaan nidaamkaas tiknoolajiyadeed ee adeegga shirkadda ZAAD
ee ay lacagtii dadka oo dhan ku ururiyeen? Midda kale, dawladda
Somaliland ma iyadaa ka masuul ah haddii dadkii adeegan isticmaalaya
maalin kaliya xumaado ama dadka la dhaco, waa maxayse siyaasadda uga
dejisan dawladda Somaliland adeegga ZAAD?
4. Su'aal: Qofka macmiilka ahi waxa jirtay in marka uu kaadh ka furto
shirkadda TELESOM, waxay u diri jireen lacag ay odhan jireen waa
"Promotion" ama abaalmarin ahayd taasoo ay shirkaddu joojisay immika.
Hadaba su'aashaydu waxay tahay shirkaddu lacagtaas ay soo diri jirtay
inta badan jimcayaasha u dambeeya bisha ma waxay ahayd lacag laaluush
ah oo ay uga jeedaan inuu qofku adeegooda jeclaato kadibna ay ka
go'yaan, mise waxay ahayd mid uu macmiilku xaq ugu lahaa shirkadda oo
immika innaga maqan? Qodod labaad oo su'aashan ku jiraa wuxu yahay,
abaalmarinta yar ama "Promotion" ka yar ee markaad immika ku shubato
ay sheegaan inuu kuula socdo, waxan ogaaday inuu qoraal uun yahay ee
waxa uu qofku isticmaalaya tahay intii uu ku shubtay oo kaliya, markaa
su'aashaydu waxay tahay shirkadda TELESOM maxay u khaayimaysaa
macaamiisheeda ay sida weyn uga macaashto?
5. Su'aal: Shirkadda TELESOM waxay uga ganacsatadaa adeegga
isgaadhsiinta noocyo tiro badan oo aan ta hadalku ku jirin kuwaasoo ay
ka midtahay farriimaha xayaysiiska ganacsatada ee joogtada ah iyo
wararka ay ilihii warbaahinta ku qabsatay. Farriimaha mobile-ka
TELESOM waxay noqdeen qaar xad dhaaf, oo aanay shirkaddu wakhti u
eegin ee saacad kasta soo dhaca. Waxa laga yaabaa adigoo hurda inay
ku toosiyaan oo hurdadaadii kaaga ciyaaraan, waxana laga yaabaa inay
ku toosiyaan oo cid aad farriin ka sugaysay aad mooddo balse aad ku
hungowdo. Hadaba su'aashaydu waxay tahay shirkadda TELESOM dadka
wakhtigooda miyay ka iibsatay oo siday doonto ayay markaas ula
dhaqmaysaa xagga dirista farriimaha?
Maqaalkan oo noqon doonaa mid taxane ah, waxan ku soo koobay qaybta
koowaad shantan su'aalood iyo nuxurkooda, waxanan ka sugayaa
jawaabaha su'aalahan maamulka shirkadda TELESOM inay uga soo
jawaabaan macaamiisha adeegooda telefoonnaa iyo ZAAD-ka ee
Somaliland.
LA SOCO-------
Yuusuf Maxamed Ismaaciil
Muwaadin Somalilander ah, macmiil TELESOM ah
Tel: 063 4346680
Hargeisa, Somaliland



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured