Xog-Culus:Wasiirka Duulsita oo laga horjoogsadey Shir-doceed ka socday Guriga Saylaci+Prof. Samatar oo Siilanyo u xushay Musharaxa Madaxweyne-xigeenka Kulmiye doorashada 2015-ka!.

0
Tuesday February 04, 2014 - 08:18:28 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 990
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xog-Culus:Wasiirka Duulsita oo laga horjoogsadey Shir-doceed ka socday Guriga Saylaci+Prof. Samatar oo Siilanyo u xushay Musharaxa Madaxweyne-xigeenka Kulmiye doorashada 2015-ka!.

    Shirkan loo diiday wasiirka duulista ayaa waxaa agaasimay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylaci waxaana ka qeyb galay Raxan wasiiro ah oo ay ka mid yihiin wasiirka arimaha gudaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkan loo diiday wasiirka duulista ayaa waxaa agaasimay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylaci waxaana ka qeyb galay Raxan wasiiro ah oo ay ka mid yihiin wasiirka arimaha gudaha Hargeisa-(xogreebnews.com-Sida xoggo Qarannews ka heshay ilo wareedyo Xogogaal ahi sheegayaan Wasiirka Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa maanta laga horjoogsaday, loona diiday inuu fooda geliyo ama ka qeyb galo shir-doceed ka socday Guriga Madaxweyne ku xigeenka Saylaci balse wasiirka laftiisa ayaa liqi kari waayey in shir Guriga Saylaci ka socda loo diido.
Shirkan loo diiday wasiirka duulista ayaa waxaa agaasimay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Saylaci waxaana ka qeyb galay Raxan wasiiro ah oo ay ka mid yihiin wasiirka arimaha gudaha Warancade,wasiirka Maaliyada Samaale,Wasiirka kalluumaysiga iyo xubno doora oo ka tirsan golaha xukumada Siilanyo iyo weliba kudlad xildhibaano ah oo ka tirsan Golaha Barlamaanka iyo Kaadiriyiin ku abtirsata xisbiga Kulmiye oo madaxweyne ku xigeenka Mawqif ahaan aad isagu dhawdhaw yihiin.

Shir-doceedkan ayaa inkastoo aan warbaahinta loo ogolayn ,haddana dad u dhuun daloolaa u sheegeen Qarannews inuu ahaa mid Saylaci taageero ku doonayo,Kuna xoojinaayey Awoodiisa musharaxnimo (Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga kulmiye Doorashada 2015-ka) oo tuhun iyo cidhiidh gashay.
Taa ka sakow waxaa jira Xoggo isa soo taraaya oo tibaaxaya in Madaxweyne Siilanyo yahay Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye doorashada soo socota ee 2015-ka hase yeeshee uu halkii ku xigeenkiisa Saylaci u xushay Prof.Axmed Ismaaciil Samatar oo beryahan danbe Goobaha Waxbarashada ku meeraysta, iyadoo markasta oo uu yimaado Hargeysa wixii kharashaada ee safaradiisa ku baxa uu bixiyo Qasriga Madaxtooyadu. Kuu darsoo Prof.Samatar ayaa ka dhex ololeeya goobaha waxbarashada si uu isu baro,isagana dhaadhiciyo dhalinyarada wax ka barata Jaamacadaha dalka iyo Iskuulaadka dalka si uu hadhow cod uga raadiyo.
Sidoo kale Saylaci oo aan khiyaamadaa loo maleegayo marna qorshaha ku darsan,horena u dareensayn ayaa dhawaan uun hanbaabiray oo ogaadey shirqoolkaas Qasriga Madaxtooyada debeda looga tuuraayo oo Prof.Axmed Ismaaciil Samatar daaqada laga soo gelinaayo,Yeelkeede Saylaci ,wuxuu markii u horeeyay Hangool fararo leh iskaga qabtay Wasiirka Duulista oo isago iska habaq-habaqle goobta shirku socday iskudeyay inuu qafqaf ku galo.
Isku soo wada duuboo waxay Xogguhu intaas ku dareen in Wasiir Maxamuud Xaashi Guriga Saylaci u tegay si uu shirkaas iyo dhaqdhaqaayada ka socda guriga wax uga ogaado hase yeeshee waa laga horjoogsadey,banaankana guriga looga saaray, waxaana la dareensiiyey inaan halkan looga baahnay ee uu hawlaha wasaaradiisa ka kala daadsan ku foofo.
Geesta kalena waxaa Caawa iyo Galabta ka socday Guryo iyo Goobo badan oo ku yaala Hargeysa shir doceedyo iyo kulamo xasaasiya oo ujeedo badana oo qaarkood wasiirka madaxtooyadu degdeg u abaabulay,halka qaarna siyaasiyiin kale wadwadeen,hase yeeshee waxaa jira wax kala riixasho iyo guux badan oo gudaha kulmiye iyo Golaha wakiilada ka istaadhan,balse ilaa berri ayaa la filayaa inay wax qarxaan oo damacyo is jiidhaan!.
cource qaranews.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured