Khilaafkii Soo Kala Dhexgalay Wasiirka Kalluumeysiga Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradaasi Oo Guddi Uu Madaxweyne Kuxigeenku U Magacaabay Xalisay Iyo Xudunta Khilaafkoodu Uu Salka K u Hayo.

0
Tuesday February 04, 2014 - 08:15:42 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 896
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Khilaafkii Soo Kala Dhexgalay Wasiirka Kalluumeysiga Iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradaasi Oo Guddi Uu Madaxweyne Kuxigeenku U Magacaabay Xalisay Iyo Xudunta Khilaafkoodu Uu Salka K u Hayo.

    Hargeysa(xogreebnews.com-Khilaafkii u dhexeeyey Wasiirka Wasaarada Kalluumeysiga Somaliland Md.Cali Jaamac Faarax (Buureed) Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), ayaa maanta la soo afjaray, kaddib markii guddii Wasiiro a

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Khilaafkii u dhexeeyey Wasiirka Wasaarada Kalluumeysiga Somaliland Md.Cali Jaamac Faarax (Buureed) Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Maxamed Cilmi Aadan (Ilkacase), ayaa maanta la soo afjaray, kaddib markii guddii Wasiiro ahi dhex-dhexaadisay,isla markaana soo gebogabeeyay is-faham la’aantii u dhaxesay labadan masuul. kuxigeenka ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir, ayaan ilaa hada si rasmi ah u soo saarin natiijadda ka soo baxday xalintii ay wadeen.
Is faham la’aanta soo kala dhexgashay Wasiirka Kalluumeysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax Iyo Agaasime Maxamed Cilmi Aadan ayaa salka ku haysay, shir lagu qabanayey Magaalada Berbera oo lagaga hadlayey Siyaasada Kalluumeysiga, ayaa waxay sheegtay hay’adii maalgelinaysay shirkaasi inay ka soo qeybgalayaan shirka madax sare oo ka socota dawlada Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedka Puntland, taas oo uu Agaasime Maxamed Cilmi Aadan ganafka ku dhuftey, isla markaana uu ku dooday inay Somaliland ka madax-banaan tahay Soomaaliya oo wax Soomaaliya ka khuseeya aanay jirin oo shir loo wada qabanayaana aanay jirin labada dawladood.

Waxaanu warku intaasi ku daray inuu Wasiir Cali Jaamac Faarax ka diiday go’aankaasi uu qaatay Agaasime Maxamed Cilmi,kadibna waxa uu Wasiirku shaqada ka joojiyey Agaasimihii Wasaarada Maxamed Cilmi Aadan, isaga oo ku eedeynaya inuu hor-istaagay shaqadii Wasasaarada Kalluumeysiga Somaliland.
Wasiirka Kalluumeysuga Somaliland Cali Jaamac Faarax, ayaa maanta qirtey in uu khilaaf soo kala dhexgalay Agaasimihii Guud ee Wasaaradiisa Maxamed Cilmi Aadan,hasayeeshe waxa uu diiday inuu wax faah-faahina ka bixiyo waxa uu khilaafkoodu salka ku hayo.
Wasiirka Kaluumeysiga Somaliland Cali Jaamac Faarax, oo imika xilka Wasiirnimo ee Wasaarada Kaluumeysiga Somaliland hayay muddo todoba bilood ah, ayaa hore Wasiir uga soo noqday Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland,
Tan iyo intii ay jirtey Wasaarada Kalluumeysiga Somaliland ayaa noqonaysa markii ugu horeysay ee uu khilaaf noocan oo kale ahi soo kala dhexgalo Wasiirka Wasaarada iyo Agaasimihiisa,
Muddadii sadexda sanno iyo dheeraadka ahayd ee ay Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo talada waddanka haysay ayaa waxa soo noq-noqonayey khilaafka soo kala dhexgalayey Wasiirada iyo Agaasimayaasha Dawlada,kuwaas oo labaduba ay ku magacaaban yihiin digreeto madaxweyne,Waxaaney su’aasha meesha taala ee aadka la isku weydiinayaa ay tahay sida uu markiiba Wasiirku shaqada uga joojinayo Agaasimihiisa,haddiiba ay is-qabtaan khalad iyo saxba,iyada oo ay tahay inay cabashadooda ay u gudbiyaan ciddii u so magacowday shaqadani.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured