“Oday Gaboobe Muu Garawsado Guusha Macdanta” Qalinkii Calimahdi Jibriil

0
Tuesday February 04, 2014 - 08:12:13 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1080
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Oday Gaboobe Muu Garawsado Guusha Macdanta” Qalinkii Calimahdi Jibriil

    sida aynu wada ogsoonahay geyigeena somaliland waxaa ku gedaaman macdan tiro iyo tamar badan oo u baahan sidii aynu uga faa’iidaysan lahayn ulana soo bixi lahayn si aynu u noqono dal qani ku ah soo-saarka macdanta iyo shidaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sida aynu wada ogsoonahay geyigeena somaliland waxaa ku gedaaman macdan tiro iyo tamar badan oo u baahan sidii aynu uga faa’iidaysan lahayn ulana soo bixi lahayn si aynu u noqono dal qani ku ah soo-saarka macdanta iyo shidaalka. Waa qaran xal lagu wado
waa in aan xumaantiyo
xaasidnimo ka dhawraa
oo xad-keena garanaa”
wasaarada macdanta iyo tamartu waa xarunta qaranka u qaabilsan macdanta mahadhada ah ee dalkeenu ku duugan hadaba wasaaradaasi waxay kamid ahayd wasaarada ugu dhaqdhaqaaqa yaraa xukumadii kala horeeyey ee dalka ka soo arimiyey, waxay ahayd mid kamida wasaaradaha aan cidi danayn jirin kamid noqoshadeeda balse tan iyo markii uu wasiirka hada maamulka wasaarada hayaa mudane Xuseen Cabdi Ducaaale loo dhiibay waxaa soo if baxay kordhayna dhaqdhaqaaqa iyo horumarka is daba jooga ah waxay noqotay mid kamida wasaaradaha loogu hadal haynta badnayd uguna shaqada badan .

wasiir ducaale waxa uu ka midho dhaliyey habsami u socodka wasaaradaas waxaanu dadaaal u galay sidii uu dalka u keeni laahaa maal gashadayaal dhinaca macdanta ah iyo shirkado saahimeed oo caalami ah.
waxaa uu wax badan ka badalay qaabkii hore ee wasaarada macdantu u shaqayn jirtay.
xaqu iin ma yeeshoo
xajiin kuma irdhoobee
dadka kii xisaabtama
iyo kaan xadkeed gelin
taariikhda xidhanbaa
xusi doonta maalmaha.
horumar baaxad leh iyo guulaha uu wasiir xuseen qaranka u soo hooyey waxaa kamid ah ;-
isagoo ka qayb galay shirar caalimi ah oo lagu soo marti qaaday kadib markii uu dunida wax badan ugu iftiimiyey macdanta noocyadeeda badan ee dalka ku duugan waxaana halkaas ka soo baxay daneeyeyaal caalami ah oo xiiso u qaaday maal gashiga macdanta soomaliland .
waxaa kale oo guul qaran oo la taaban karo karo ah in wasiirka wasaarada macdanta ku guulaystay in somaliland si meeqaam sare ah loogu soo marti qaaday shirka macdanta afrika oo ka dhacaya magaalada cape-town ee dalka koonfurta africa.
shirkaas ayaa ah shirka ugu balaadhan ee dhinaca macdanta aduunka waana mid si sanadle ah loo qabto hadaba somaliland waxa ay shirkaa ka qatanayd mudo 19 sanadood ah waxaana dadaal dheer oo uu wasiirku galay kadib somaliland ka qayb galaysaa kulanka 20-aad ee shirkaasi waana mid lagu falan qaynaayo macdanta africa oo sidii loo horumarin lahaa waxaana lagu soo qaadayaa sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha qaarada africa gaar ahaan dhinaca macdanta waxaana shirkaas ka hadlaya 20 wasiir macdan oo africaan ah waxaana dalkan guul u ah in somaliland kaalmaha hore kaga jirto qudbadaha halkaas laga jeedin doono.

waxaa kale oo kamid ahaa in somaliland maanta uu ka socdo dhqdhaqaaq macdan oo ay wadaan shirkado sahamina oo ajanabi ah qaarkoodna ay kamid yihiin kuwa kuwa ugu waawayn ee sahaminta dhinaca shidaalka aduunka sidoo kale waxaa jira dadaalo xukumada ugu jirto sidii ay bal mar uun u soo saari lahayd khayraadka dabiiciga ah ee dalka waana guul qaran oo loo baahanyahay in aynu gacmaha isku qabsano si aynu u labayno ilaha dhaqaalaha ee qarankeena una kobcino waxsoo-saarka dalkeena kana digtoonaano waxyaabaha wax u dhimaya
hakadna galinaya dadaalka macdanta dalka dhaawacayana niyada madaxdu u hayso ka dhabaynta riyadaas qaran .
dadka sida khaldan u fasila shirkadaha sahiminta waxaa ku waajib ah in ay ilaaliyaan waa jibaadkooda qaran ka’na waantoobaan dacaayadaha wax u dhimaya sumcada qarankeena iyadoona aynu ognahay in shirkadii Ganel Energy buun buunin iyo been abuur ahi sababto in shirkadii dalka ka baxdo kedib markii la cabsi geliyay..

Inkastuu xafiil tamo
ama xeelad daran dego
xumuhuna wanaag dhibo
ma xoogaysto weligii
xaqna kama adkaan karo.
somaliland maanta waa nabad waxayna maraysaa halkii ugu fiicnayd ilahayna waxaynu ka baryaynaa horumar sinaan iyo cadaalad iyo waliba aqoonsi buuxa.
dadaalka wasaarada macdanta waxynu u rajaynayaa in ilaahay u rumeeyo riyadooda qaran ayna sumcad dalka kaga tagaan waxaana ugu hanbalyaynayaa guulaha qaran ee ay gaadheen.
hadalkayga waxa aan kusoo af meeraya ma aha wax qabadka wasaarada macdanta iyo tamartu mid qarsoomi kara, ma aha sida jiic la jari karo, xaqana indhaha lagama saabtee Oday Gaboobe Muu Garawsado Guusha Wasaarada Macdantu Gaadhay wa bilaahi towfiiiq..
Qalinkii Calimahdi Jibriil
Calimahdi1@gmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured