Wasiirka Madaxtooyadda Oo Kusoo Laabtay Dalka Kana Hadlay Waxyaabihii Ay Kala Kulmeen Safarada Dalalkii Ay Soo Mareen

0
Monday February 03, 2014 - 22:07:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 949
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Madaxtooyadda Oo Kusoo Laabtay Dalka Kana Hadlay Waxyaabihii Ay Kala Kulmeen Safarada Dalalkii Ay Soo Mareen

    Wasiirka Madaxtooyadda Oo Kusoo Laabtay Dalka Kana Hadlay Waxyaabihii Ay Kala Kulmeen Safarada Dalalkii Ay Soo Mareen

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Madaxtooyadda Oo Kusoo Laabtay Dalka Kana Hadlay Waxyaabihii Ay Kala Kulmeen Safarada Dalalkii Ay Soo Mareen Hareisa(xogreebnews.com-wasiirka Madaxtooyadawasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa ka waramay kulamo isaga iyo wasiirka arrimaha debeda Somaliland ay ku tageen dalalka Faranca, socdaalkiisa dalka Britain iyo kulamadii ugu danbeeyay wadahadalada Somaliland iyo Somalia.
Wasiirka Madaxtooyadda Xisri Xaaji Cali oo maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib socdaalo mudo bil ah qaatay oo uu kusoo maray Turkiga, France iyo Ingiriiska ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Madaarka Hargeysa.

Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi waxa uu ka hadlay socdaakiisa, isagoo saxaafada kula hadlay qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa.
Xirsi Cali Xaaji Xasan oo calanka u sida xubnaha ugu dhaw-dhaw Kursiga Madaxweyne Axmed Siilaanyo, ayaa soo dhaweyn banaanka uu soo saartay Awoodiisa kala kulmay Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, Xildhibaano ka soo jeeda Xisbiga Kulmiye ee Golaha Wakiilada, Mayor Ku Xigeenka Caasimadda,Badhasaabka Gobolka Awdal, Dhalinyaro iyo Siyaasiyiin Rajo ka qaba in ay ku soo baxaan isku shaandhaymaha la rajaynayo.Wasiiradda, Ku Xigeenadda, Mayor Ku Xigeenka, Badhasaabka Gobolka Awdal, Xildhibaanadda iyo waliba siyaasiyiinta Kursi Doonka ah, ayaa saaxiib dhaw la ah Wasiirka Madaxtooyadda, waxaana la sheegaa in intan iyo kuwo ka badani ay ugu maran yihiin Wasiirka si inta xilalka haysa ay u sii xejisato, kuwa banaanka joogaana u soo fuuli lahaayeen salaanka xukuumadda Saddex Jirsatay ee uu hogaankeeda Hayo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Qaar Ka Mid Ah Warbaahinta Dawladu ay gacanta ku hayso ayaa dhawaan baahiyay in Wasiirka Madaxtooyadda oo xukuumadda kaga gudbanaa Dhimbiilaha ay daadinayaan Mucaaradka oo wakhtigaasi dalka ka maqnaa si weyn loo tabay.
Taas bedelkeeda Guddoomiye Ku Xigeenka Saddexaad ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), ayaa u adkaysan waayay Dhiiranaanta Wasiirka Madaxtooyada oo Habeen dhaweyd ka hadlay xaflad Magaaladda Liverpool Loogu sameeyay Madaxewynaha Somaliland.
Xafladan ayaa waxa uu Wasiir Xirsi kaga sheekeeyay Baahiyaadka ay xukuumaddu dabooshay, Dhismeyaal uu sheegay in laga hirgeliyay dalka iyo waliba jawaabo uu ka bixiyay fadhiyadii ugu dambeeyay ee Golaha Wakiilada iyo mucaaradka.
Geesta kale dadweynaha Reer Somaliland ee siyaasada u dhuun daloola ayaa isku raacay in Gulufyada siyaasadeed ee ay mucaaradku ku eekeeyeen Xukuumadda intooda badan uu sabab yahay Wasiirka Madaxtooyada oo ka mid ah raad baradka siyaasadda Somaliland oo isagu saddexdii sano ee ay xukuumaddu jirtay uun la talaabsaday.
Dhinaca Kale Awoodiisa ayaa la aaminsan yahay in ay wax ka bedeli karto xukuumadda uu seeskeeda Leeyahay Madaxweyne Siilaanyo, halka ay waxna ku soo kordhin karto.
Inta badan Siyaasiyiinta wajiyadoodu ku cusub tahay Madaxweynaha ayaa loo badinayaa in uu Wasiir Xirsi ku soo darsado, halka kuwa xilka laga qaadaana ay ka fadhiisintooda wax ka saaraan Wasiir Xirsi.
Marar kala duwan oo wax laga waydiiyay bal waxa ka jira awooda lagu xanto in uu ku dhex leeyahay Xukuumadda, Ganafka Ayuu ku dhuftay waxaanu sheegay in uu yahay Wasiir Shaqadii loo dirtay ku foogan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured