Barnaamijka Faaliyaha Qaranka Oo Ka Caydheysiiyay Xukuumada Siilaanyo+ Xayiraadna Saartay Telefishanka Universal Tv

0
Monday February 03, 2014 - 20:57:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1029
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Barnaamijka Faaliyaha Qaranka Oo Ka Caydheysiiyay Xukuumada Siilaanyo+ Xayiraadna Saartay Telefishanka Universal Tv

    Hargeysa(xogreebnews.com-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigalinta ee Somaliland Cabdilaahi Daahir (Cukuse) ayaa ku dhawaaqay in xukumada Somaliland xayirtay Telefeshinka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigalinta ee Somaliland Cabdilaahi Daahir (Cukuse) ayaa ku dhawaaqay in xukumada Somaliland xayirtay Telefeshinka Hargeysa(xogreebnews.com-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo wacyigalinta ee Somaliland Cabdilaahi Daahir (Cukuse) ayaa ku dhawaaqay in xukumada Somaliland xayirtay Telefeshinka Caalamiga ah ee UNIVERSAL oo uu sheegay in uu madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxmaed Maxaamuud (Siillaanyo) uu ka sameyey sawir film kartoon ah oo uu tilmaamay in uu qaranimada Somaliland meel kaga dhacayey iyo karaamada madaxweynaha.
Wasiirku waxa uu sheegay in go’aan ay ku gaadheen in ay xayiraan Telefeshinka Universal tan iyo inta ay raali gallin ka bixinayaan Gefka ay kula kaceen qaranimada iyo karaamada madaxweynaha.

Sidaasi waxa uu ku sheegay Shirjaaraa’id oo uu Maanta ku qabtayXafiiskiisa wasarada warfaafinta.
Wasiir Cukuse waxa kale oo uu sheegay in saxaafada looga bahan yahay in ay iska jiraan wixii anshax Saxaafada ka hor imanaya, karaamada Masuuliyiinta qaranka bahdilaya.
Xayiraadan la saaray Telefeshinka Universal ayaa ka danbeysay kadib markii uu teleshinkaasi Habeen hore siidayey Barnaamij taxane ah oo Tvigaasi ka bax oo la yidhado Faaliyihii Qaranka waana barnaamij qosol ah oo loogu tallo galay bulshada Somalida, waxana maalinba lagu gorfeeya madaxweyne ka mid ah madaxweynaaasha geeska Afrika gaar ahaan kuwa somalida, balse xukumada Somaliland ayaa si weyn uga cadhootay barnaamijaasi oo lagu soo qaatay Madaxweyne Siillaanyo oo Wajigiisa oo sameys tiivigu laga wareeystay iyada oo su’aalo lagu waydiiyey.
Maha Markii ugu horeysay ee Xukumada Siilaanyo ay xidho warbaahinta Madaxbaan Hore wax ay u xidhay Wargeyska Hubaal, iyada oo horena ay ururada Saxaafad a Somaliland u sheegen in saddexdii sanno ee ay jirta xukumada siillanayo ay xidhay tirro wariyaal ah oo ka baddan illaa 150 wariye.
xogreebnews.com-office Hargeisa



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured