Dhalinyarada Bariga Hargeysa Oo Casho Sharaf Ujeedadeeda Xukuumadu Ka Sastay U sameeyey G/kuxigeenkii Hore Ee Gobolka Togdheer Mr. Guuleed Daahir Samatar.

0
Sunday February 02, 2014 - 20:36:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1003
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhalinyarada Bariga Hargeysa Oo Casho Sharaf Ujeedadeeda Xukuumadu Ka Sastay U sameeyey G/kuxigeenkii Hore Ee Gobolka Togdheer Mr. Guuleed Daahir Samatar.

    Burco(xogreebnews.com-Dhalinyarada Beel-weynta Habar-yoonis ayaa habeenkii xalay Hotelka Kaah xaflad casho sharaf ah ugu sameeyey G/kuxigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Mr. Guuleed Daahir Samatar ee dhawaanta xukuumadu xabsiga u taxaabtay ,Xafladan c

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Burco(xogreebnews.com-Dhalinyarada Beel-weynta Habar-yoonis ayaa habeenkii xalay Hotelka Kaah xaflad casho sharaf ah ugu sameeyey G/kuxigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Mr. Guuleed Daahir Samatar ee dhawaanta xukuumadu xabsiga u taxaabtay ,Xafladan casho sharafta ah oo Kaah xaflad casho sharaf ah ugu sameeyey G/kuxigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Mr. Guuleed Daahir Samatar ee dhawaanta xukuumadu xabsiga u taxaabtay ,Xafladan casho sharafta ah oo ahayd mid si heer sare ah loosoo agaasimay ayaa waxa kasoo qayb galay Gudoomiyaha Dhalinyarada Beesha Habaryoonis ee shirkii Talo iyo TawfiiqGud. Maxamuud Farxaan C/laahi . G/Kuxigeenka Dhalinyarada Talo iyo Tawfiiq Mr. Xamse Cabdi Axmed , Xoghayaha Maaliyada ee Talo iyo Tafwiiq Deeq C/laahi Cawaale , Eng:C/rashiid Siciid Sulub, C/raxmaan Mujaahid Maxamed Talyaani.

Eng.Qaasim Ismaaciil Xasan, Saxafi Miyir Cali Xuseen ,Cabdi Khadar Cabdi , Prof. Axmed/khaliif Jaamac Saalax, Ciid Axmed Daair ,Xasan Axmed Aw Xasan Asafe, iyo dhalinyaro aad u tiro badan oo isugu jiray aqoonyahanka iyo wax-garadka ugu miisaanka culus ee dhalinyarada beesha Habaryoonis

Xafladan oo ahayd mid jawi wacan ku bilaabantay kuna dhamaatay ayaa waxa ugu horeynhadalka furey Gudoomiyaha Dhalinyarada Beesha Habaryoonis Ee Talo iyo Tawfiiq Gud. Maxamuud Farxaan C/laahi isagoo isla markaasina daboolka ka qaaday in dhalinyarada beel-weyn Habaryoonis meel uga soo wada jeedo dulmigii iyo xaqdaradii lagula kacay Mr, Guuleed Daahir Samatar isagoo sidoo kalena xusay inay haboon tahay in laga gilgisho isla markaana laga dhiidhiyo cabudhinta iyo dulmiga ummadda lagula kacayo
Sidoo kale waxa isna madasha hadalo kooban kasoo jeediyey Xoghayaha Maaliyada ee Talo iyo Tafwiiq Deeq C/laahi Cawaale isagoo isla markaasna xusay in Gudoomiye Guuleed kaliya aanu ahayn nin reer Burco uun ahe uu yahay nin balaadhan oo ka dhashay qabiilweyn oo wada dega dhamaan gobolada dalku ka kooban yahayisla markaana aan lagu sifeyn karin nin meel qudha ku koobnaan kara
Dinaca kale Mr. Guuleed Daahir Samatar ayaa isna xog waran mugle madasha ku siiyey dhalinyaradii casho sharafta kasoo qayb gashay isagoo si miisaaman uga waramay marxaladihii kale duwanaa ee uu soo maray xadhigiisu iyo waxyaabaha sababay in la xidhoba
Guud ahaanba dhalinyaradii xaflada kasoo qayb galay ayaa waxayka midaysnaayeen in ka beel ahaan aanay helin saamigii ay dhalinyarada beeshoodu xaqa ugu lahayd Xukuumada hada talisa, taasi oo ah fikirkii gudoomiye guuleedna uu ku muteystay xadhiga iyo cabudhinta cadaalad daradaa ee xukuumadu ku hayso
Gabagabadii xaflada ayaa waxa soo gunaanaday C/rashiid Siciid Sulub oo ka mid ahaa xubnahii doorka muhiimka ah kulahaa qabanqaabinta iyo qabsoomida xafladan casho sharafta ah



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured