“Waxanu Qabnaa In Lagu Dagaalamo Sidii Dalku Aqoonsi Buuxa U Helilahaa”. Madaxweyne Axmed Silaanyo

0
Sunday February 02, 2014 - 17:31:12 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1000
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Waxanu Qabnaa In Lagu Dagaalamo Sidii Dalku Aqoonsi Buuxa U Helilahaa”. Madaxweyne Axmed Silaanyo

    Liverpool(xogreebnews.com-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo booqasho ku jooga waddanka Boqortooyadda Ingiriiska, ayaa kulan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liverpool(xogreebnews.com-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo booqasho ku jooga waddanka Boqortooyadda Ingiriiska, ayaa kulan Liverpool(xogreebnews.com-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mud. Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo booqasho ku jooga waddanka Boqortooyadda Ingiriiska, ayaa kulan ballaadhan la yeeshay Jaaliyadda rer Somaliland ee ku dhaqan dalkaasi, kulankan oo ka qabsoomay Magaaladda Liverpool, wuxuu ahaa mid si weyn loo soo agaasimay, waxaana ka soo qaybgalay shacabka rer Somaliland ee ku dhaqan gobolada waddanka Ingiriiska, Wasiiro safarka ku wehelinaayay Madaxweynaha, Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Uk, iyadoo dadweyne tirobadana ay ka tageen Caasimadda dalkaas ee London. Madaxweyne Axmed Silaanyo oo khudbad soo jiidatay dadkii madasha ku sugnaa ka jeediyay goobtii kulanka wuxuu ka hadlay marxalada dalku hatan maraayo, waxyaabaha u qabsoomay iyo isku duubnaanta shacabka. Waxaana hadaladii Madaxweynaha kamid ahaa.

“Waxaan jecelahay inaan idin soo jeediyo sharaf iyo bogaadinta aad mudantihiin sidaad nosoo dhawayseen, Annagu waxaanu dalkii ka soo maqnayn muddo 13 cisho ah, oo aanu safarkan ku soo maqnayn, annagoo waddanka Faransiiska kula kulanay dawladda Faransiiska, iyo Golaha guurtida ee dalkaasi, sidoo kale waxaanu la kulanay sherkada weyn ee Bolor, oo ah sherkadaha ugu waawey Faransiiska ahna sherkad ka shaqaysa horumarinta Dekedaha, sidoo kale danaynaysa maalgashi ay ku sameeyaan Dekadeena Berbera, si ballaadhan ayaa na loo soo dhaweeyay. Dawladda Faransiiska ka sokow waxaanu la kulanay Jaaliyadda Somaliland ee waddamadaas oo iyaga oo isudhan aanu kulan la yeelanay.”.
Madaxweynaha Somaliland oo khudbadisi sii wata ayaa yidhi. “Dalkii waxaa ka waramay Wasiirada ila socday oo tilmaamay horumarka uu gadhay, runtii horumar baaxd leh ayuu dalkii ku talaabsaday, haday ciidamadda tahay, haday wadooyinka iyo tacliinta tahay, haday caafimaadka tahay, dhinac kasta runtii horumar weyn oo baaxad leh ayuu dalku sameeyay, balse wax kasta oo la sameeyay waxay noogu-muuqata inaanay fari ka cawayn, oo intaas wax ka badan loo baahanyahay intuu gaadhaayo halka aynu rabno iyo sidii hore halkaas looga sii marin lahaa. Takale waxaan qabnaa in lagu dagaalamo sidii uu dalku aqoonsi buuxa uga heli lahaa caalamka, waxyaabaha ay dunidu inagu qiimaynayso ee ay aakhirka innagu Ictiraafayso-na waxaa ka mid ah horumarka uu sameeyo dalku ee dadkiisu sameeyaan ee dhinac kasta ka gaadhaan. Waxaynu ku naala mandaqad xaasaasiya waxaynu joognaa dhulka argagixisadu ka shaqaysato, shacabkeena iyo culimadeena iyo dadkeenu runtii aad iyo aad ayay ula dagaalamaan oo uga soo horjeedaan oo u muujiyaan. Waxaynu joogna mandaqad budhcad badeedu ka dilaacday oo ka shaqaysato, maanta inta xabsiyada ku jirta budhacad badeed, oo aan mandaqadeena lagu qaban ee mandaqadaha kale lagu soo qabtay dunidu way ogtahay. Marka waxaynu nahay dad adduunka u tirsan oo ay masaalix ku leeyihiin, mana nihin dad toodun ka shaqaysanaaya, markaa masaalixaas waynu ka faa’iidaysanaynaa oo hore ayaynu uga marinaynaa, waxaase lama huraan ah inaynu isku xidhnaano oo ilaashano midnimadeena iyo wadajirkeena. Hadad tihiin dadka debadda ku dhaqan mar walba door laxaad leh waxaad ka qaadanayseen dhismaha dalka iyo dadka, waxaan qabaa maanta inaad halkii ka sii wadaysaan wanan idinku dhiiri galinaynaa wanan ku kalsoonahay.
Khudbada Madaxweyne Axmed Silaanyo u jeediyay shacabka rer Somaliland ee ku dhaqan dalka Ingiriiska ayaa ahayd mid si weyn dadku u soo dhaweeyeen, iyadoo xadladaas uu Madaxweynuhu kula hadlaayay qurbajooga si toosa looga daawanaayay Telefeeshinada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured