Madaxweyne Siilaanyo Oo Toddobaadkan Dalka Ku Soo Laabanaya, Safarkiisana U Soo Gaabiyay Xiisadda Ka Soo Korodhay Aqalka Golaha Wakiilada

0
Sunday February 02, 2014 - 17:22:21 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 918
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo Oo Toddobaadkan Dalka Ku Soo Laabanaya, Safarkiisana U Soo Gaabiyay Xiisadda Ka Soo Korodhay Aqalka Golaha Wakiilada

    Hargeysa(xogreebnews.com-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu Arbacada toddobaadkan dalka dib ugu soo laabto, ka dib socdaal uu ku tagay Ingiriiska iyo Faransiiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu Arbacada toddobaadkan dalka dib ugu soo laabto, ka dib socdaal uu ku tagay Ingiriiska iyo Faransiiska. Madaxweynaha oo dalka ka dhoofay 18 January, ayaa qorshihiisu ahaa inuu maqnaado muddo bil ku dhow, laakiin warar xogogaala ayaa xaqiijinaya in Madaxweynuhu go’aansaday inuu toddobaadkan dalka dib ugu soo laabto, ka dib markii ay dalka ka soo kordheen duruufo siyaasadeed oo Madaxweynaha ku qasbay inuu soo laabto.
Arrimaha la sheegay inuu Madaxweynuhu safarkiisa u soo gaabiyay waxa ka mid ah xiisada ka soo korodhay golaha wakiilada ee saamaysay labadii guddoomiye xigeen ee xisbigiisa KULMIYE ka soo jeeday kuwaas oo awoodii la wiiqay, islamarkaana hoos loo dhigay codadka xilka lagaga qaadi karo.

Shirar uu madaxweyne xigeenku labadii caano maal ee u dambeeyay uu u qabtay xukuumadda iyo xildhibaanada KULMIYE ku abtirsada ayaa la sheegay in aakhirkii la iskula qaatay in la sugo Madaxweynaha oo safarkiisa soo gaabiyay si uu talaabada la qaadayo taladiisa ugu biiriyo, waxaana jira warar sheegaya in Madaxweynaha laftiisu shirarkaas kaga qayb galay khadka telefoonka.
Si kastaba ha ahaate Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu Arbacada toddobaadkan dalka dib ugu soo laabto, waxaana la eegi doonaa sida uu u waajaho arrimaha siyaasadeed ee sugaya oo ay ugu horayso xiisadda ka taagan golaha wakiilada.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured