Soomaali Laga Soo Tarxiilay Dalka Sacuudiga Oo Maanta Laga Soo Dejiyay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Muqdisho.

0
Sunday February 02, 2014 - 17:15:24 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 955
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Soomaali Laga Soo Tarxiilay Dalka Sacuudiga Oo Maanta Laga Soo Dejiyay Garoonka Diyaaradaha Ee Magaalada Muqdisho.

    Muqdisho(xogreebnews.com-Ilaa 300 oo ruux oo Soomaali ah oo laga soo tarxiilay Wadanka Boqortooyada ee Sacuudi Carabiya, ayaa waxaa maanta laga soo dejiyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com-Ilaa 300 oo ruux oo Soomaali ah oo laga soo tarxiilay Wadanka Boqortooyada ee Sacuudi Carabiya, ayaa waxaa maanta laga soo dejiyay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Dadkaan, ayaa waxaa billo kahor laga soo qab qabtay Magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi ku yaala, iyadoo ay muddo billo ah ku xirnaayeen xabsiyada ku yaala dalkaasi.
Diyaarad weyn, ayaa maanta dadkaan ka soo dejisay Garoonka Aadan Cadde, waxayna isugu jiraan caruur, dumar, rag iyo weliba ciroole.
Dadkaan waxaa qaarkood ka muuqaneysa diif iyo darxumo, waxayna Warbaahinta u sheegeen in dhibaatooyin badan ay ku soo arkeen xabsiyada ku yaala dalka Sacuudiga.

Sidoo kale waxay ka diggeen in dadka Soomaaliyeed ay u tahriibaan dalka Sacuudiga, iyagoo sababtu ku sheegay in ay suurta gal tahay, in ay khatar u geliyaan noloshooda, sidii ay Sacuudiga ku taggi lahaayeen, marka ay gaareena ay jawaabtoodu noqoneyso in la soo tarxiilo oo kaliya.
Dadka Soomaaliyeed ee aan Sharciyada ku heysan dalka Sacuudi Carabiya, ayaa si weyn looga soo qab qabtaa Magaalooyinka iyo tuulooyinka ku yaala dalkaasi.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured