Gudomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Mudane Ciro Oo Ciidanka Qaranka Ku Hambalyeeyay 20 Guuraddi Kasoo Wareegtay Aasaaskooda

0
Sunday February 02, 2014 - 17:12:56 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 863
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudomiyaha Xisbiga Mucaaridka Ah Ee Waddani Mudane Ciro Oo Ciidanka Qaranka Ku Hambalyeeyay 20 Guuraddi Kasoo Wareegtay Aasaaskooda

    Hargeisa(xogreebnews.com-Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa wuxuu Hambalyeeyey Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo qoysaskooda caruur iyo xaasasba dabaal-degga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa wuxuu Hambalyeeyey Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo qoysaskooda caruur iyo xaasasba dabaal-degga Hargeisa(xogreebnews.com-Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa wuxuu Hambalyeeyey Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo qoysaskooda caruur iyo xaasasba dabaal-degga 20-guurada ka soo wareegtay markii la aasaasay oo maanta oo Axad ah ku beegan. War-Saxaafadeed laga soo saaray xafiiska Warfaafinta xisbiga WADDANI ayaa u dhignaa sidan
“Guddoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka xisbiga WADDANI, Guddida Fulinta, Golaha Dhexe iyo dhammaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga WADDANI, wuxuu hambalyo iyo bogaadin aan lasoo koobikarin u dirayaa Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo labaatan jirsaday xuska munaasibadda aasaaskoodii oo ku beegan 02/02/2014 oo axad ah.

Geesiyaasha Ciidanka Qaranka, Qoysaskooda xaasaskooda iyo Carruurtoodaba wuxuu Illaahay uga rajeeyey inay sannadkan kiisa kale ku gaadhaan bash-bash, barwaaqo iyo caafimaad qab wuxuuna ku boogaadiyey halyeeyada Ciidammada Qaranka sida waddaniyadda iyo adkaysiga leh ee ay heeganka ugu jiraan ilaalinta Qarannimada, xuduudaha iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland.
Gabo-gabadii, Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (CIrro), wuxuu u rejaynayaa Ciidammada Qaranka iyo guud ahaanba shacabka Somliland guul iyo gobanimo waarta.”



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured