Mansadan barduul waxey la xidhiidhaa silsiladii garbo diir ee uu daah furey abwaan axmed awgeedi. Maaansadan waxa curiyey xildhibaan maxamed faarax qabil
Mansadan barduul waxey la xidhiidhaa silsiladii garbo diir ee uu daah furey abwaan axmed awgeedi. Maaansadan waxa curiyey xildhibaan maxamed faarax qabile, manta oo ay taariikhdu tahey 02/01/2014. Waa maansadii labaad ee uu kaga qayb qaadanayo silsilada garbo diir waana Mansadan barduul waxey la xidhiidhaa silsiladii garbo diir ee uu daah furey abwaan axmed awgeedi. Maaansadan waxa curiyey xildhibaan maxamed faarax qabile, manta oo ay taariikhdu tahey 02/01/2014. Waa maansadii labaad ee uu kaga qayb qaadanayo silsilada garbo diir waana tan hoos ku qoran:
1. Abaar duug ma reebta ah 2. Duunyadu xumaatiyo 3. Deegaan gabaabsiya 4. Darka ceel ka dheer yahey 5. Dirgan waayey geelii 6. Deylo geeri badisoo 7. Degelada bakhtigu yaal 8. Dadku xagalka daacoo 9. Warwar dacalka saareen 10. Allaa deeqda bixiyee 11 Deydo curashadeedii 12. Onkod diriirig leeyiyo 13. Hilaaca isku soo darey 14. Dalsankii intuu helay ]15. Dhulka uu ka simey doog 16. Nimco laga durduurtiyo 17. Degmadu nabad u taaloo 18. Wax dureeya lagu arag 19. Maalkuna u dararoo 20. Laga duugo caanaha 21. Ooy deris wanaagiyo 22. Deganaan ku noolyiin 23. Dadku damasha waaweeyn 24. Ku dingiigsadeenoo 25. Sibraaradu dulsudhanyiin 26. Dermo ciidu tahayoo 27. Ku gam’aan danqaw la’i 28. Oo bahal wax didiyiyo 29. Dugaaguna ka haajirey 30. Daaal tirashadeedaa 31. Sida loogu doogsado 32. Deeleyda socotee 33. Dawankeedu baxayaa 34. Aleylehe digbey tidhi 35. Ninba doorkii ka ciyaar 36. Dabaeylaha cirkee kacey 37. Mid xanbaarsan daaf’iyo 38. Dawo sidadu kala roon 39. Abwaanada dibnaha furey 40. Daajinaaya maansada 41. Sida dirirka cawleed 42. Laagaha durdurayee 43. Dambarsame ku xoogsadey 44. Halka wabigu kaga daro 45. Deymada layaabka leh 46. Ishaa daalka tiratee 47. Anna waxan ku diirsadey 48. Daadihintan quruxdale 49. Danta guud ujeedada 50. Daafaceeda qarannimo 51. Inuu sahanku dooyada 52. Ku degaayo meelwacan 53. Iney dararto maandeeq 54. Ku duwaan hirdoogloo 55. Inta ay ka dideysiyo 56. Dakharada ka bi’iyaan 57. Dani seeto weeyee 58. dhakhso loogu daadego 59. halkey deri ka leedahey 60. inkastoo nin diric yahey 61. diwaanada ku qoranyahey 62. dusha sare markuu koro 63. dadku darajo saaraan 64. caleemaha ku daadshaan 65. ama noqey duq qiimole 66. waayo arag dedaal badan 67. dulqaad iyo hubsiimo leh 68. xogta dabagalkeediyo 69. doorba garashadiisa leh 70. waxa jira dul & hoos 71. xalin kara duruufaha 72. hareeraha ka daah furey 73. ama noqey mid dib’u dhiga 74. ka sii dara wixii hore 75. dadka kala dirkiisyo 76. kala daadsanaan dhala 77. ka habaabsha dawgoo 78. dadeeys ka sii rida 79. anna waxanku daba karey 80. inta aan daluun dheer 81. baadidoonka laga dayin 82. dalandoolka geediga 83. danwadaagtu kala socon 84. duurka aaney kala xulin 85. duufaaanadoo kacey 86. baaqigu is deydayin 87. waxa iga dardaarana 88. dhegahii daloolaa 89. garoo hadalku deeqaa 90. dalqo bahal adoo galey 91. dirqi shaleyto kaga baxey 92. bulshooy raadkii dib u raac 93. halkii lagugu dagi jirey 94. manta waad dul joogtaa 95. taariikhda duuga ah 96. wax diiwaanka kuu gala 97. qarankana difaac u’ah 98. umaddana daryeel ule 99. tabashada daweyn u ah 100. kala duruga nololeed 101. dabaqado ka bi’nkara 102. Deeqaha xafidi kara 103. musuq dabar ka noqon kara 104. sharcigana daliil ku leh 105. maansadan barduul u ah 106. isku duubni dhalin kara 107. maskaxaha u duugoo 108. fariimahana soo dira 109. iney daabaneysiyo 110. iney doogaysaabaa 111. doodu kala dhextaalaa 112. malaa wey ila durugtee 113. waxan hadal ku daayaa 114. nin hayoowba sii daa 115. taladana ku soo durug WA BILLAAHI TAWFIIQ Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile Hargeisa Somaliland Leave a comment |
|
Mansadan barduul waxey la xidhiidhaa silsiladii garbo diir ee uu daah furey abwaan axmed awgeedi. Maaansadan waxa curiyey xildhibaan maxamed faarax qabil
Mansadan barduul waxey la xidhiidhaa silsiladii garbo diir ee uu daah furey abwaan axmed awgeedi. Maaansadan waxa curiyey xildhibaan maxamed faarax qabile, manta oo ay taariikhdu tahey 02/01/2014. Waa maansadii labaad ee uu kaga qayb qaadanayo silsil