Baarlamaanka Socda Qalinkii: khadar Gureyte

0
Friday January 31, 2014 - 20:46:12 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1134
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baarlamaanka Socda Qalinkii: khadar Gureyte

    Waa goob aan la garanayn, hadba cida shir gudoominaysa, dooda iyo ajandayaashu waa kuwo marwalba ah qaar aan dhamaanayn, hadba waxaa lagaga hadlayaa xaalada dalku maraayo,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa goob aan la garanayn, hadba cida shir gudoominaysa, dooda iyo ajandayaashu waa kuwo marwalba ah qaar aan dhamaanayn, hadba waxaa lagaga hadlayaa xaalada dalku maraayo, Waa goob aan la garanayn, hadba cida shir gudoominaysa, dooda iyo ajandayaashu waa kuwo marwalba ah qaar aan dhamaanayn, hadba waxaa lagaga hadlayaa xaalada dalku maraayo, dhaqanka iyo waliba doodo kale oo isagu jira kaftan iyo sheekooyin, waa mudanayaal udooda sidii oo ay yihiin kuwo u kala safan mucaarad iyo muxaafad. Ku waasi oo hadba uga u dooda sida ajandahu yahay. Waa mudanayaal aan ku iman doorasho, xilka mudada ay hayaana aanay ka badnayn 30-miridh, maaha kuwo xilka u jecel sida baarlamaanada jira, waa kuwo u dhaga nugul inay booska baneeyaan marka xilku ka dhamaado, sida oo kale hadii uu rabo inuu markale kamid noqdo xildhibaanada aanay cidi uu diidayn, xildhibaano cusubina iney ku soo biiro waa mid iyadana lasoo dhaweynayo si dagdagana loo ansixiyo. Baarlamaankani waxaa uu leeyahay meel uu ka socdaalo iyo sida ookale meel uu ku soo afmeermo, hadba inta uu sii socdo , waxaa uu ka dhaqaaqaa goobta loo cayimay inuu ka socdaalo, lama yaqaano xiliga uu dhaqaaqayo, laakiin waxaa u shardiyaa inuu dhaqaaqo marka kooramku u soo buuxsamo , waa golaha caadadii in marka uu dhaqaaqsameeyo ay bilaabaan dood aan lagaranayn sida ay ku bilaabmayso, badiba mudanayaashu waxaa ay ku warhelaan dooda ka dhexsocota golaha , iyaguna halkaasi ayaa ay kala sii qabsadaan iyaga oo aan garanayn faa’iidada ugu jirta ka doodi taankeeda iyo falanqaynteeda , se waxaa uun ay u arkaan inay tahay mid isaga dhagahiisa ka badatey , hadana uu fursad u helay inuu si xor ah uga doodo, hadii doodoodu kululaatana ma aha sida baarlamaanada kuwo islaaya, waxaa ay isa siiyaan nasteex hadba cidii khaldan, Mana aha kuwo xeerar iyo anshaxmarino isu adeegsada, waa kuwo isku ixtiraama dhaqankooda iyo diintooda islaamka ah. Geele waa oday da’diisu haatan ay cagacagaynayso ku dhawaad qarni, laakiin waa oday xoogiisa iyo muuqiisa markaad aragto aadku qiyaasi lahayd inuu yahay afartameeyo sano, waa oday u eeg nin u ehel ah cibaada, balwadna aan hore usoo marin , waxaana uu kamid yahay mudanayasha baarlamaanka lasocda ,marqudha ayuun bey gabi ahaanba mudanayaasha golahu ay ku warheleen isaga oo ku tiraabaya Adeer xukuumadan Siilaanyo Ma’ wadooyinka ayuunbey inagu mashquulinaysaa? Maxay nolosha sii adkaanaysa ee dalka ay wax uga qaban ladahay? Igawala wax kale iska daayoo manta Dhuxushii ayaa noogu daran oo aanu iibsan kari la’nahay, Hilibkii xoolaha isagana waanu jari la’nahay oo kaa bari horaa noogu danbeysay cunistiisa, caanana ma aragno, biyahana booyadahaa noo dhaamiya. Oday Geele oo wali hadalkii sii wata ayaa mudane kale oo isaguna gadaal fadhiyey kor usoo hadlay isaga oo leh adeer Geeloow taa waxaa kasii daranba qorsha laanta xukuumada ee dhaliyarta maalinba maalinta kadanbeysa badaha isku tuuraysa inta joogtaana ay camal la’aan gidaarada la taagan yihiin nin kale oo isaguna xaga hore ee golaha fadhiyey ayaa soo eegay oday Geele iyo ninkii kale waxaa uu ku yidhi adeer dee soomaalibaad tihiinoo kii wax qabtaba waad caayeysaan, xukuumadan haatan talada dalka haysaa waa tii ugu horeysay ee gobalada bari lacagta gaadhsiisay, mushaharkii shaqaalaha dawlada iyo ciidankaba kor uqaaday, darajooyinkii bixisey , dhalinyarta siyaasada u fasaxday inay ka qayb qaataan, adeer maxaad indhaha iskaga tuuraysaan. Doodii halkii kasii socotey hadba xildhibaankale isna dhiniciisa ka eeg, buuq iyo sawaxan farabadan ka dhaley,, ma jarihii doodu lahayd ka habaab, dhinackale iyo reernimo gashay, xukumadani talada dalka hayska wareejiso, laysla gaadh iyo wareejinmayso xildhibaanada intii aan hadal, ku wii kale waar shaydaanka iska naara ku dhehe, taladiina faraha ka baxday. Mudane kasta waxaa uu xilku ka dhamaanayaa muda cayiman, durba xildhibaanadii qaar xilkii ka dhamaa , halka ay qaar kalena yaabeen goorta ay soo gaadheen meesha ay marayaan. Oday Geele oo ahaa ninkii dooda furay xilkii ka dhamaa waana uu ka hadhay baarlamaankii, waxaana uu marka uu daadagayey uu kasii codsaday mudanayaasha in laysasaamaxo, balse qaar kamida kuwii ay si xooga isula doodayeen ayaa si jeesjees ah ugu dhahay , ee naga hadh oday shaydaana ayaad tahee adigaa fidmadaasoo dhan bilaabee. Hada lakala yara aamus ,xaaladuna sidii hore kasoo raysay, laguna dhawaa mid walba xiligii uu ka dhamaan lahaa Xilku, waxaana ay durba wada dareemeen inay yeesheen dood xaasaasi ah taasi oo mid waliba uu dhankisa uu isula saxnaa hadba afkaarta iyo doodaha uu ku doodaayey. Akhriste baarlamaanka socda ee aynu ka hadlaynay waa basaska u kala goosha gudaha magaalada hargeysee, oo ah kuwo badiba dadka inta badan raacaa ay hadba ku munaaqishoodaan xaaladaha siyaasadeed ee dalku maraayo, waxaana aynu todabaad walba aynu kaga hadli doonaa arimaha iyo doodaha ay is waydaar sadaan dadka rakaabka ah ee lasodada basaska, gaar ahaan xaaladaha khuseeya arimaha bulshada iyo siyaasadaba.. Qalinkii: khadar Cabdi Xasan Email: gureyte2014@live.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured