Go’aanka IGAD ayaa lagu sheegay in kormeerayaashan ay 48-ka saacadood ee soo socda gaari doonaan dalka Koonfurta Suudaan, iyadoo go’aankan uu noqonayo kii ugu adkaa ee IGAD ay ka qaadato colaadda Koonfurta Sudan.

0
Friday January 31, 2014 - 19:01:08 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 855
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Go’aanka IGAD ayaa lagu sheegay in kormeerayaashan ay 48-ka saacadood ee soo socda gaari doonaan dalka Koonfurta Suudaan, iyadoo go’aankan uu noqonayo kii ugu adkaa ee IGAD ay ka qaadato colaadda Koonfurta Sudan.

    Adis-baba(xogreebnews.com- Madaxda dalalka urur goboleedka IGAD oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa isku raacay in guddi kormeerayaal ah oo hubiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Adis-baba(xogreebnews.com- Madaxda dalalka urur goboleedka IGAD oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa isku raacay in guddi kormeerayaal ah oo hubiya Adis-baba(xogreebnews.com- Madaxda dalalka urur goboleedka IGAD oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa isku raacay in guddi kormeerayaal ah oo hubiya hirgelinta xabbad-joojintii ay kala saxiixdeen dhinacyada isku haya siyaasadda dalkaas toddobaadkii hore.
Go’aanka IGAD ayaa lagu sheegay in kormeerayaashan ay 48-ka saacadood ee soo socda gaari doonaan dalka Koonfurta Suudaan, iyadoo go’aankan uu noqonayo kii ugu adkaa ee IGAD ay ka qaadato colaadda Koonfurta Sudan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa soo dhaweeyay heshiiskaas, isagoo sheegay in IGAD ay door muhiim ah ka qaadanayso sidii lagu joojin lahaa colaadda Koonfurta Suudaan oo salfatay kumannaan qof oo u badan shacab.
“IGAD door weyn ayay ka qaadatay xallinta khilaafka ka taagan Koonfurta Suudaan, dowladda Somalia oo kaashaneysa saaxiibbadeedna waxay ka shaqeysay inay isku soo dhawaadaan labada dhinac iyo in xabad-joojin lagu heshiiyo. Waxaa muhiim ah badbaadinta dadka iyo in la dhawro xuquuqda bini’aadamka. Waxaan kaloo aan ku heshiinay in barakacaayaasha si xor ah ay ugu noqon karaan guryahoodii,” ayuu madaxweynaha oo ka hadlayay go’aanka IGAD.
Shirka IGAD ay kaga hadleen colaadaha Koonfurta Suudaan ayaa waxaa ka qaybgalay xubno ka socday dalalka urur goboleedka IGAD kala shaqeynaya sidii xal loogu heli lahaa colaadda Koonfurta Suudaan oo uu Mareykanku ka mid yahay.
“Waxaan soo dhaweynaynaa xabbad-joojintii ay dhinacyadu kala saxiixdeen toddobaadkii hore, waxaana halkan ka sheegayaa inaan siinayno taageero walba oo dhinacyada dhaqaalaha iyo farsamada ah si loo dhaqangelin lahaa heshiiskaas, wakiillada IGAD-na waxaa laga doonayaa inay si dhaqso leh ku hubiyaan inay dhaqan-gashay xabad-joojintii la gaaray,” ayuu yiri ergayga Mareykanka ee Koonfurta Suudaan, Donald Booth oo kulanka ka hadlay.
Sidoo kale, ergaygu wuxuu sheegay in loo baahan yahay in ciidanka gurmad ahaanta uga yimid dibadda ee taageerayay labada dhinac ay dalkaas isaga baxaan, markaas kaddibna la billaabo ka hadalka sababihii ay ku billaabatay colaadda.
Qodobada kale ee shirka kasoo baxay waxaa ka mid ahaa in dadkii geystay xad-gudubyada ka dhanka ah xuquuqda bani’aadamka iyo dilalkii ka dhacay dalka Koonfurta Suudaan intii colaaduhu socdeen lala xisaabtamo.
Dhanka kale, waxaa kulanka ka hadlay dhexdhexaadiyada IGAD u qaabilsan xal u helidda colaadaha Koonfurta Suudaan, Seyoum Mesfin, isagoo xusay in la billaabayo la xisaabtanka kuwa dambiyada geystay.
“Waxaan ugu baaqayaa ururrada IGAD iyo Midowga Afrika in baaritaan dhab ah lagu sameeyo xadgudubyadii ka dhacay Koonfurta Sudan iyo dambiyadii la galay, ciddii lagu helana la horkeeno cadaaladda,” ayuu yiri Mesfin.
Ugu dambeyn, ergaygu wuxuu sheegay in guddiga kormeeray dhaqan-galka xabbad-joojintii ay dhinacyada Koonfurta Suudaan kala saxiixdeen ay gaari doonaan dalkaas labada maalmood ee soo socda si loo hubiyo in heshiiskaas uu dhaqan-galay iyo in kale.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured