Kulan Khusuusiya Oo Guriga Saylici Ku Qabsoomay Laguna Go’aamiyey In La qaadaco Go’aankii G.Wakiilada Labada Ku-Xigeena Fadhiistaan Hareeraha Cirro.

0
Friday January 31, 2014 - 14:45:52 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 865
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kulan Khusuusiya Oo Guriga Saylici Ku Qabsoomay Laguna Go’aamiyey In La qaadaco Go’aankii G.Wakiilada Labada Ku-Xigeena Fadhiistaan Hareeraha Cirro.

    Hargeisa-(xogreebnews.com-Kulan xaasaasi ah oo lagaga tashanayo wixii laga yeeli lahaa go’aankii golaha wakiilada Somaliland ku ansixiyey xeer hoosaadkiisa ayaa xalay ka dhacay guriga madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-(xogreebnews.com-Kulan xaasaasi ah oo lagaga tashanayo wixii laga yeeli lahaa go’aankii golaha wakiilada Somaliland ku ansixiyey xeer hoosaadkiisa ayaa xalay ka dhacay guriga madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici. Kulankan oo ay ka qaybgaleen xubno wasiiro ah oo ay ka mid yihiin Arrimaha Gudaha, Ciyaaraha, Xanaanada Xoolaha iyo Maaliyadda iyo ilaa 16 xildhibaan oo ay ugu tunweyn yihiin labada ku xigeen ee Baashe Iyo Cali Yusuf iyo Cali Mareexaan isla markaasna uu hoggaaminayey Madaxweyne ku xigeenku ayaa nuxurkiisu ahaa sidii khilaaf iyo muran loo galin lahaa golaha wakiilada labada gudoomiye ku xigeenna looga taageeri lahaa inay diidaan inay fadhiistaan kuraasta hoose.

Xubnahan ka qaybgalay kulankan ayaa waxay rogrogeen qaabkii loo fulin lahaa diidmada gudoomiye ku xigeennada iyo qaska lala damcay golaha wakiilada, iyadoo xubnaha qaar ku doodeen inaan la hor istaagi Karin go’aan gole weyne ansixiyey balse ay furantahay in qalalaase laga abuuro gudaha golaha wakiilada ka dibna ciidanka RRU gurmad ku galaan golaha si shaqadu u istaagto.
“masuuliyiinta qaarkood waxay ku taliyeen in fadhiga sabtida la geliyo khal-khal isla markaasna buuq ka dib ciidamaddu la wareegaan oo ku kala guntadaan, waxana loo marayaa in ku xigeenadu ka qayb-galaan oo kuraastooda xeerkani cusubi hoosta u dhigay dib ugula guuraan halkoodii hore oo ay hareeraha ka fadhiistaan gudoomiyaha xildhibaanada codka laga adkaadayna ay buuq iyo gacan ka hadal sameeyaan ka dibna ciidanku gurmad kusoo galaan meesha” sidaas waxaa yidhi mid ka mid ah illaha xogtan laga helay.
Xubnahan kulanka ka qayb galay ayaa waxay kala ahaayeen Xildhibaan Cali Mareexaan, Xildhibaan Bukhaari, Xildhibaan Waabeeyo, Xildhibaan Maxamed Cumar Jiir, Xildhibaan Maxamed Jaamac, Xidhibaan Maxamed Baaruud, Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan, Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel XIldhibaan Garyaqaan Maxamed Jamac, Xildhibaan Bulqaas, Xildhibaan Mahdi Gees iyo Axmed yaasin ayaanle, halka wasiiraduna ay ka ahaayeen, Cali warancadde, Cali siciid raygal, Cabdi aw daahir iyo Cabdicasiis Samaalle.
Sidoo kale wuxu warku intaas ku darayaa in la go’aamiyey in laysugu yeedho xildhibaanaddii kulmiye inta la heli karo isla markaasna Gudoomiye Muuse Biixi lagu amro inuu kulankaas qabto si loogu diyaar garoobo fulinta go’aanka qaska golaha ee sabtida.
Arrinta ayaa ka dhalatay ka dib markii labada gudoomiye ku xigeen iyo xildhibaan Cali Mareexaan ay la hadleen madaxweye Siilaanyo oo ku sugan dalka Ingiriiska isla markaasna ka dhaadhiciyeen in ajandahan uu ku xigo mooshin Madaxweynaha lala beegsanayo taas oo keentay inuu madaxweynuhu soo canaantay madaxweyne ku xigeenkiisa iyo wasiirada dalka sii jooga.
Golaha wakiilada Somaliland ayaa ayaamo yar uu ka hor cod aqlabiyad ah ku meel mariyey xeer hoosaadkooda oo ay soo bandhigtay guddiga joogta ee golaha wakiilada oo ka duulayey fadhigii gole weynuhu isku qiimeeyey halka labada ku xigeenna ay ka baxeen fadhigii lagu meel mariyey aqlabiyadda golaha.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured