“Walaaleheyga, Afrikanka Ah Waxaan Leeyahay Soomaaliya Wey ka go’an tahay in ay si dhab Ahuga gaarto hiigsiga ajendada 2063. Waxaan rabnaa in ay Soomaaliya Si Dhab Ah Horumar Uga gaarto dhanka amniga, dowlad wanaagga, cadaaladda iyo horumarka dhaqaalaha.”Hassan sheikh maxamuud.

0
Thursday January 30, 2014 - 20:03:39 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 797
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Walaaleheyga, Afrikanka Ah Waxaan Leeyahay Soomaaliya Wey ka go’an tahay in ay si dhab Ahuga gaarto hiigsiga ajendada 2063. Waxaan rabnaa in ay Soomaaliya Si Dhab Ah Horumar Uga gaarto dhanka amniga, dowlad wanaagga, cadaaladda iyo horumarka dhaqaalaha.”Hassan sheikh maxamuud.

    Adis-baba(xogreebnews.com-Madaxweyne Hassan “Soomaaliya waxaa ka go’an nabad iyo horumar” War-saxaafadeed-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Adis-baba(xogreebnews.com-Madaxweyne Hassan “Soomaaliya waxaa ka go’an nabad iyo horumar” War-saxaafadeed- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka qeyb-galay Shirka Madaxda Midowga Afrika oo maant furmay.
Wafdigan ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Arimaha Dibadda Mudane Abdirahman Ducaalle Beyleh, Wasiirka Gaashaandhiga Mudane Maxamed Sheekh Xasan, Wasiirka Arimaha Gudaha Mudane Cabdullahi Goodax Barre, Safirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Mudane Axmed Cabdisalaan Adam, iyo la taliyayaal ka tirsan Madaxtooyada.

“Soomaaliya waa in ay shirkaan ka gaarto danaheeda gaarka ah ee ku aadan dhanka amniga. Waxaa farxad u ah shacabka Soomaaliyeed in sanad walba sanadka ka danbeeyo uu dalkeena kasoo baxayo mugdigii uu ku jiray. Waa inaan sii wadnaa dadaalkaan ilaa iyo inta aan ka gaareyno Soomaaliya oo nabad ah isla markaasna horumarsan.”
“Walaaleheyga, Afrikanka ah waxaan leeyahay Soomaaliya wey ka go’an tahay in ay si dhab ahuga gaarto hiigsiga ajendada 2063. Waxaan rabnaa in ay Soomaaliya si dhab ah horumar uga gaarto dhanka amniga, dowlad wanaagga, cadaaladda iyo horumarka dhaqaalaha.”
Ugu danbeytntii shirkan ayaa waxaa la soo af-jarayaa berrito. Madaxweynahana wuxuu kulamo la qaadan doona madax kala duwan si uu u xoojiyo xiirika Soomaaliya kala dhaxeeyo dalalka kale.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured