Xarunta Dahab Shiil Ee Dalka Qatar Iyo Dhibtii Iga Qabsatay Walee Dib Ayanan Ugu Noqon Shirkadu Se Ma Ogtahay ?????fAALLO –Xasan Cumar

0
Thursday January 30, 2014 - 20:00:20 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 991
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xarunta Dahab Shiil Ee Dalka Qatar Iyo Dhibtii Iga Qabsatay Walee Dib Ayanan Ugu Noqon Shirkadu Se Ma Ogtahay ?????fAALLO –Xasan Cumar

    20 bisha ayaan soo gaadhay dalka Qatar wax qarasha maan sidan lacagtaydu waxay ku jirtay akoonkayga aan ku leeyahay shirkada dahabshiil subixii ayaan u baahday lacagtaydii in aan la soo baxo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

20 bisha ayaan soo gaadhay dalka Qatar wax qarasha maan sidan lacagtaydu waxay ku jirtay akoonkayga aan ku leeyahay shirkada dahabshiil subixii ayaan u baahday lacagtaydii in aan la soo baxo Marka hore waxaan salamaya dhamaan saxaafadda madaxa banan marka labaad waxaan salamayaa masuliyiinta shirkada Dahab Shiil waxaan rabaa in aan halkan ku soo bandhigo dhibato aad u fool xun oo aan kala kulmay dshirkada dahab shiil xarunteeda dalka Qatar oo aan runtii ku tilmaami karo xarumaha ugu liita tan iyo intaan marayay caalamka
Hadii aan guda galo dhibatada iyo silica iga soo gaadhay Dahab Shiil iyo dalka Qatar
19 bishii koobaad ayaa waxaan ka soo duulay dalka swedan

20 bisha ayaan soo gaadhay dalka Qatar wax qarasha maan sidan lacagtaydu waxay ku jirtay akoonkayga aan ku leeyahay shirkada dahabshiil subixii ayaan u baahday lacagtaydii in aan la soo baxo
Balse markaan tagay xafiiskii ayaa waxaan ugu tagay wiil aad u da.yar oo aan aqoon u lahayin sida macamiisha loola hadlo.Waxaan u dhiibay akoon lanbarkaygii waxaan ku idhi lacag intaa leeg iiga soo saar wuxuu iigu jawaabay lacag kama soo saarno ee waanu ku shubnaa intaan yaabay ayaan ku idhi adeer waayo miyaanay dahabshiil ahyin mayee way tahay laakiin adeer lacag kama saarno anagu waanu ku shubnaa
Inta aan niyada ka qoslay ayaan ku idhi adeer masuliyiintii shirkada halkay fadhiyaan waxa uu iigu jawaabay adeer meeshan anagaa ka masuula ee sidaa aanu kuu sheegnay ku soco wiilkii wuu iidiiday in uu masuliyiinta shirkada ila hadal siiyo ama ituso
Balse taas kuma tagine anoo yaaban oo u qaadanwaa igu dhacay ayaan tagay goob internet waxaan raadiyay webka shirkada dahabshiil waxaan ka helay wakiilka shirkada dahabshiil ee dalka Qatar runtii phoon number ayaan ka helay waan garaacay nasiib daro wuu qaban wayay ninkaas telkiisii.
Maxay ku dhacday in aan lacagtaydii la soo bixi kariwayay maxay ku dhacday in shirkada dahabshiil ay heer kaa ka gaadho dalka Qatar
Waxaan kaloo ku arkay xafiiska 2 qof oo iyana sidaa u cadilan oo wax akoonkooda lacagta uga soo saaro waayay dhibatada haysata bulshada ku nool dalka Qatar waa mid aan laga sheekayn karayin halkii ay marayeen 1988 kii dalalka qarabta ee lacagaha gacanta lagu qaadi jiray ayay maanta dalka Qatar maraysaa xawaalad la.aan
Walahay rag aan la sheekaystay waxay ii sheegeen in aan laba tagin xafiiska dahabshiil ee dalka Qatar marka la tagana waxaa loogu tagayaa 50 qof oo kayuu ku jira gacan cuslaan hal qof oo aan aqoonba u lahgayin shaqada masuuliyiin la,aan iyo nadaam xumo
Shirkada dahabshiil miyaanay ka warhayin dalka Qatar iyo xafiis laa.aanta
Masuliyiinta shirkadu ma sidaas ayay ugu tala galeen xaruntooda dalka Qatar
Waxaan kula talin la.aah madaxda shirkada dahabshiil in ay dalka Qatar timaado oo bal aragto dhibta haysata dadka raba in ay lacag xawishaan akoonadoodana kala soobaxaan lacag
Waxaa kaloo meesha ka siibaxaysa macamiisha shirkada dahabshiil ee caalamka una soo safraya dalka Qatar in aanay lacag dhigan dahabshiil maxaa yeelay meel ay kala baxaan ayaan jirin
Sida ay ii sheegeen dad mudo dheer joogay dalka Qatar wakiilka shirkada dahabshiil ee dalka Qatar oo ah nin shaqooyin kale iska haysta oo aan warba uba hayin ninkaa halka kursi ku soo fadhiya ee xafiiska lagu sheegayo
Sidan si ugu dhaama ayaan idin leeyahay reer Dahab Shiilaw Dalka Qatar Hadii kale walee waa la idin ka yaaci
Xasan Cumar
Xasan299@hotmail.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured