KHILAAF CIRKA ISKU SHAREERAY OO KA DHEX-QARXAY WASIIRKA KALLUUMAYSIGA IYO AGAASIMAHA SAXEEXINA KA JOOJIYAY.

0
Thursday January 30, 2014 - 19:07:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 861
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    KHILAAF CIRKA ISKU SHAREERAY OO KA DHEX-QARXAY WASIIRKA KALLUUMAYSIGA IYO AGAASIMAHA SAXEEXINA KA JOOJIYAY.

    Hargeysa(xogreebnews.com-Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cali Buureed ayaa Shalay shaqo joojin ku sameeyey Agaasimihiisii Guud ee wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Maxamed Cilmi Aadan (Il-kacase).

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com-Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cali Buureed ayaa Shalay shaqo joojin ku sameeyey Agaasimihiisii Guud ee wasaaradda Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Maxamed Cilmi Aadan (Il-kacase). Shaqo ka joojinta uu wasiir Buureed ku sameeyey Agaasime Ilkacase war faahfaahsan lagama hayo hase yeeshee sida ay wararku sheegayaan waxa uu salka ku hayaa muran dhinaca maamulka wasaaradda ah oo la isku fahmiwaayey.
Si rasmi ah looma oga khilaafkoodu waxa uu daaran yahay balse tibaaxo hoose oo aanu ka helnay ayaa sheegaya in ay isku qabteen nidaamka shaqo iyo qorshayaal la doonayey in wasaaraddu fuliso, kuwaas oo midkoodba dhan ula kacay.

Wasaaradda kalluumaysiga Somaliland oo ah wasaarad balaadhan ayaa ka hawl-gasha dhamaan goboladda teedsan xeebta dhereran ee Somaliland, taasoo ay ka fuliso mashaariic isugu jira horumarin iyo Iibinta Kalluunka ku duugan iyagoo bixiya Ruqsado sharci ah, halka inta badan la musuq maasuqo khayraadkaasi.
Wasiir Cali Buureed ayaa wasaaradda Kaluumaysiga loo magacaabay dhawaan isagoo ka soo wareegay dhinaca Maamulka Puntland oo uu xilal heer wasiiro ah ka soo qabtay, halka Agaasime Ilkacase oo wasaaradda uga soo horeeyey uu kala soo shaqeeyey Wasiirkii kan ka horeeyey C/laahi Geel-jire.Maaha markii ugu horaysay ee sidan oo kale uu wasiir ka tirsan xukuumadda silanyo uu sidan oo kale shaqadan uga joojiyo agaasime guud,iyadoo hore wasiiradda Diinta iyo Awqaafta,cadaalada ay sidan oo kale shaqo joojin ugu sameeyeen agaasimeyaashii wasaaradahooda,kuwaasi oo ilaa wali uu khilaafkoodii uu aloosan yahay,dadka u dhuun daloola arrimaha ay isku qabtaan wasiirada iyo agaasimeyaasha ayaa la sheegaa in ay salka ku hayso awoodaha ay agaasimeyaashu ka haystaan dhinaca madaxtooyada taasi oo keenta in ay isku dhacaan wasiirka iyo agaasimuhu.
xogreebnews.com- Hargeysa Office



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured