Idaacad Cusub oo FM ah oo Kuliyada Saxaafada ee California College Maanta Furtay iyo Shahaado Sharaf La Gudoonsiiyey Wariye Nimco Samriye

0
Thursday January 30, 2014 - 18:15:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 972
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Idaacad Cusub oo FM ah oo Kuliyada Saxaafada ee California College Maanta Furtay iyo Shahaado Sharaf La Gudoonsiiyey Wariye Nimco Samriye

    Hargeysa(Xogreebnews)-Ardayda wax ka barta kuliyada saxaafada ee California College ayaa maanta soo bandhigtay natiijada ra'yi ururin ay ka sameeyeen wariyada barnaamijyadeeda loogu jecel yahay somaliland,iyadoo munaasibad lagu gudoonsiinayo war

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews)-Ardayda wax ka barta kuliyada saxaafada ee California College ayaa maanta soo bandhigtay natiijada ra'yi ururin ay ka sameeyeen wariyada barnaamijyadeeda loogu jecel yahay somaliland,iyadoo munaasibad lagu gudoonsiinayo wariye Nimco Samriye oo noqotay wariyada ra'yi ururintii Hargeysa(Xogreebnews)-Ardayda wax ka barta kuliyada saxaafada ee California College ayaa maanta soo bandhigtay natiijada ra'yi ururin ay ka sameeyeen wariyada barnaamijyadeeda loogu jecel yahay somaliland,iyadoo munaasibad lagu gudoonsiinayo wariye Nimco Samriye oo noqotay wariyada ra'yi ururintii ay sameeyeen Ardada wax ka barata kuliyada California ay wariyadii dadweynuhu barnaamijyadeeda ugu xiisaha badnaa.

munaasibadaasi oo maanta lagu qabtay xarunta Kuliyada California College oo ku taala magaalada hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay Ardayda Kuliyada Saxaafada wax ka barata,Macalimiinta iyo marti sharaf kale, ugu horeyna waxaa halkaasi ka hadlay Cali Saxafi oo ah Macalinka kuliyada saxaafada ee California College waxaanu Cali Saxafi halkaasi ka sheegay ahmiyada ay saxaafadu u leedahay shacabka iyo shaqada saxaafada,isla markaana waxa uu ku amaanay ardaydii soo ururisay ra'yi ururinta ay natiijadeedu noqotay in Wariye Nimco Samriye ay noqoto wariyaha shacabku barnaamijyadeeda aadka ugu xiisaha badan yahay wariye Cali saxafina waxaa ka mid ahaa hadaladisii"maanta waxay noo tahay farxad oo waxaa halkan shahaado sharaf lagu gudoonsiinayaa wariyada sanadka oo noqotay wariye Nimco Samriye oo ka hawl gashay tv.ga caalamiga ah ee Horn Cable Tv, runtii ardaydii soo ururisay ra'yi ururintana waxay galeen dadaal dheeraad ah oo ay ku ogaanayeen heerka ay gaadhsiisan tahay sida ay bulshada reer somaliland u kala xiiseeyaan barnaamijyada iyo wararka ay soo daayaan wariyaayaashu." Cali Saxafi oo ka hadlay kuliyada saxaafada iyo waxa ay ku dhigaana waxa uu yidhi" kuliyada saxaafada waxaanu ku dhignaa buugaag muhiim ah oo aanu ugu talo galnay in ay ardaydu wax ka bartaan buugaagtaasi oo kala ah 3 buug oo soomali ah iyo 3 buug oo english ah, waxa kale oo aanu u dhignaa Editing-ka oo aanu hab casri ah u dhigno, waxa kale oo ay ardayda kuliyada California dheeryihiin ardayda kale waxaanu u keenay idaacad aanu ugu talo galnay in ay ku qaataan tababarka iyo tv, kuwaasi oo ay ku sameeyeen pratikal-ka.


Wariey Cali Saxafi ayaa tilmaamay in shaqada saxaafadu tahay saddex qaybood oo kala ah wargelin,waxbarasho iyo madadaalo sidaa awgeedna saxaafadu ay ahmiyad weyn u leedahay guud ahaanba dunida somalilandna ay kaali weyn kaga jirto horumarka dalka saxaafadu.

Ardayad ku hadlasay afka ardayda saxaafada oo lagu magacaabo Museyba ayaa faah faahin ka bixisay mudadii ay soo ururinayeen ra'yi ururintii ku saabsaneyn sida ay bulshadu u kala xiiseeyaan daawashada barnaamijyada iyo wararka, waxayna tilmaantay in ay ra'yi ururintaasi ku soo ogaadeen in wariye nimco samriye oo ka shaqeysa tv.ga caalamiga ah ee Horn Cable Tv ay noqotay wariyada sanadka ee hormuudka u ah wariyayaasha gaar ahaana hablaha, waxay ku sifeysay wariye nimco in ay muujisay dadaal badan kaasi oo ay ku kabsatay in bulshadu daawato oo si weyn u xiiseyso barnaamijka wariye nimco samriye sidoo kale waxay sheegtay in ay ra'yi ururintani ka tujumayso sida ay buslahda somaliland u jeceshahay barnaamijka xiisaha badan ee wariye nimco samriye ka sii deyso tv.ga caalamiga ah ee Horn Cable Tv, waxayna Museyba ku hambalyeysay wariye nimco samriye guusha ay ka gaadhay ra'yi ururitii ay samaysay kuliyada california iyadoo nimco noqotay wariyada sanadka.

waxa kale oo halkaasi ka hadlay maamulaha guud ee kuliyadaha California Ismaaciil Cabdi Ibraahim oo sharaxaad ka bixiyey kuliyadaha California waxaanu sheegay in kuliyadaha kala duwan ee california ay badan yihiin waxaana ka mid ah ayuu yidhi isagoo ka hadlaya"kuliyadaha waxaa ka mid ah kuliyada saxaafada oo maanta inoo soo bandhigtay ra'yi ururin ay ardayda wax ka barataa ay soo sameeyeen taasi oo shaaca ka qaaday in wariye nimco samriye ay tahay wariyada sanadka, waxa runtii wax lagu farxo ah kol hadii maantaba ardaydii kuliyada saxaafadu shaqadoodii toos ay u bilaabeen oo ay markii ugu horeysay oo bandhigeen ra'yi ururintan,kuliyada california waxay ku soo kordhisay saaxada wax barashada waxbarasho casri ah iyadoo tusaale ahaan ardayda wax ka barata oo ay u keeneen idaacad casri ah oo ay wax ka bartaan kuna soo bandhigaan barnaamijyada,wararka iyo macluumaadka kale ee ku tacaluqa saxaafada,sidoo kale waxaanu u keenay tv aanu ugu talo galnay in ay ku qaataan pratikal-ka, kuliyadani waxaanu ugu magacdarnay It journalism oo aanu doonayno in aanu soo saarno suxufiyiin dhinac kasta ka dhisan,kuliyadaha kale waxaa ka mid ah kuliyada barshada computer-ka,luuqadaha kala duwan iyo bussiness administration-ka, maantana halkan waxaan shahaado sharaf ku gudoonsiineynaa wariye nimco samriye oo noqorta wariyaha sanadka.

ugu danbeyn waxaa munaasibadaasi ka hadashay wariye Nimco Samriye oo sheegtay in ay farxad weyn u tahay ra'yi ururinta ay soo sameeyeen ardayda wax ka barata kuliyada saxaafadu,aad ayaan idiinku mahad celinayaa ayay tidhi wariye nimco samriye, waxa kale oo ay sheegtay in ra'yi ururintu ay tahay qayb ka mid ah shaqada saxaafada taasina maanta ayaad sameyseen ayay wariye nimco samriye tidhi,waxa kale oo ay sheegtay in ay uga dhigan tahay shahaado sharaftan maanta la gudoonsiiyey in ay dadaalka halkaasi ka sii wado.

waa markii ugu horeysay ee kuliyada saxaafada ee california college ay sameeyaan ra'yi ururin noocan oo kale ah, tanina waxay tahay daraasad ay ku soo ogaadeen wariyaha sanadka in ay tahay wariye nimco samriye oo ka hawl gashay tv.ga caalamiga ah ee Horn Cable Tv, wariye nimco samriye ayaa si weyn barnaamijyada ay ka sii deyso Horn Cable tv dadweynahu aad u jecel yihiin oo habeenka jimcaha ayaa aad loo sugaa barnaamijkaasi oo murti iyo madadaalo ku jirto.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured