AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA DEEGAANKA OO KA WARBIXISAY WAXYAABIHII U QABSOOMAY

0
Wednesday January 29, 2014 - 19:18:05 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 857
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AGAASIMAHA GUUD EE WASAARADDA DEEGAANKA OO KA WARBIXISAY WAXYAABIHII U QABSOOMAY

    Hargeysa(Xogreebnews.com-Agaasimaha Guud ee wasaaradda deegaanka Maxamed faarax Xirsi ayaa maanta ka warbixiyey hawlaha ugu waaweyn ee ay wasaarad ahaan xiligan gacanta ku hayaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(Xogreebnews.com-Agaasimaha Guud ee wasaaradda deegaanka Maxamed faarax Xirsi ayaa maanta ka warbixiyey hawlaha ugu waaweyn ee ay wasaarad ahaan xiligan gacanta ku hayaan. Agaasimaha guud oo maanta xafiiskiisa ugu waramay wakaaladda wararka Somaliland ee Solna ayaa sheegay inay sanadkan awoodda saarayaan arimaha ay ka mid yihiin:
1. wax ka qabashada dhuxusha iyo xaalufinta deegaanka lagu hayo.
2. in ay dabagal joogto ah ku samaynayaan arimaha keenaya xaalufinta deegaanka iyo sida wax looga qaban karo taasoo ay qorshaha sanadkan ugu jirto inay ugu yaraan 50% hoos u dhigaan dhibaatooyinka uu la kulmayo deegaanku
3. Dib u dhis lagu samaynayo xafiisyada wasaaraddu ku leedahaya gobolada kala ah Sool, sanaag, Togdheer, Saaxil daad-madheedh, Maroodijeex, xiligana ay dhamaatay dhismahii xarunta ee wasaaraddu lahayd oo dib u dhis lagu sameeyey.

Dhanka kale agaasimuhu waxa uu sheegay in iyagoo gacan ka helaya sanduuqa horumarinta Somaliland (Somaliland Devlopment Fund) oo ay maalgeliyaan dalalka ingiriiska iyo Denmark ay qorshaynayaan sidii tallaabooyin muhiim ah looga qaadi lahaa dhiirrigelinta ku saabsan isticmaalka Shooladaha iyo agabyada kale ee dhanka Energy-ga ee loo isticmaali karo dab ahaanta taasoo hoos u dhigaysa isticmaalkii dhuxusha iyo baabi’intii deegaanka lagu hayey,
Ugu dambayntii agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland Md Maxamed faarax Xirsi waxa uu mahadnaqa u jeediyey wasaaradda maaliyadda Somaliland oo cashuur dhaaf u samaysay Shooladaha yaryar ee dalka la soo gelinayo isagoo ku boorriyey dadweynaha Somaliland inay isticmaalaan.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured