Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Arimaha Mustaqbalka Doorashooyinka Somaliland & Wadahadalada Somaliland Iyo Somaliya

0
Wednesday January 29, 2014 - 16:39:17 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 857
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Ka Hadlay Arimaha Mustaqbalka Doorashooyinka Somaliland & Wadahadalada Somaliland Iyo Somaliya

    Hargeysa(xogreebnews.com- Gudoomiyaha Xisbiga Wadani islamarkaana, ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro), ayaa ka waramey Arimaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com- Gudoomiyaha Xisbiga Wadani islamarkaana, ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro), ayaa ka waramey Arimaha Hargeysa(xogreebnews.com- Gudoomiyaha Xisbiga Wadani islamarkaana, ah Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro), ayaa ka waramey Arimaha Doorashooyinka Mustaqbalka kusoo aadan Somaliland, oo uu ku dardaarey Guud ahaanba Shacbiga iyo Xukuumadaba in wakhtigooda si rasmi ah loogu diyaar garoobo oo aan laga dib dhicin isagoo, dhinaca kalena si kooban uga waramey Arimaha Wadahalada Soomaaliya iyo Somaliland ee dhawaan ka qabsoomay dalka Turkiga Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (ciro) oo Xogwaran siiyay qaar ka tirsan Saxaafadda dalka ayaa ka waramey taageerada Xisbigiisa loo hayo Wakhtigan Xaadirka ah Arimaha Siyaasada geeska Afrika iyo xaalada Doorashooyinka la filayo Muistaqablka in ay ka dhacaan dalka Somaliland sida Doorashada Baarlamaanka iyo Madaxtooyada ee sanadaha soo socda ilaa sanadka 2015ka badhatimihiisa la filayo in ay dalka ka qabsoomaan, waxa kale oo Gudoomiye Ciro ka waramey

marxalada Siyaasadeed ee dalku kujiro Xiligan “Guud ahaan wadahalka Somaliland iyo Soomaaliya markii u horeysay waxa lagu galey midnimo dhinaca Somaliland laga wada socdey (mucaarid iyo Muxaafid), waxaaney aheyd ujeedooyinka laga lahaa in laga midha dhaliyo gooni isutaaga iyo madaxbanaanida Somaliland markaa mabdi,iyan inagu waxaynu qabnaa inaaney Siyaasada Somaliland ka leexan Karin go,aankii Shacbiga ee ahaa gooni isutaaga wadahaladaa u dambeeyeynaXukuumada iyo Xisbiga talada haya ayaa tagey markaa waxaa loo baahan yahey in Xogwaran dhameys tiran la siiyo Shacbiga iyo Baarlamaanka iyo axsaabtaba ma jecli inaan ka hor dhaco laakiin waxaan jecelnahay insha allah in ay warbixin dhameys tiran Baarlamaanka siiyaan waftigii ka qeyb galey wadahaladaasi”Ayuu yidhi Gudoomiye Ciro
Waxa kale oo uu ka hadley Gudoomiye Ciro ka qeyb gal la,aanta Xisbiyada Mucaaridka ah ee wadahadalada “Xukuumadu runtii iyadaa doorka hogaaminta Somaliland leh laakiin koley Somaliland waxey ku dhisneyd talo wadaag ama Xukuumadii hore ha ahaato ama Xukuumadan aha ahaato hadii lagu bilaabay talo wadaag iyo midnimana waa sida ugu quruxda badan, laakiin waxa ku waajib ah Xukuumada in Asxaabta Baarlamaanka iyo Shacbigaba xog laga siiyo wadahadalada” Ayuu yidhi.
Waxa kale oo Gudoomiye Ciro ka hadley Taageerayaasha Dhawaan kusii Biirey Xisbiga Wadani ee Gobolada Bariga Somaliland iyo Saameynta Xisbigisa ay ku yeesheen Wakhti xaadirkan mar wax laga weydiiyay, isagoo ka jawaabaya waxa uu yidhi. “Shacbiga Somaliland dhamaantii Xisbigu wuu u furan yahey, waanu soo dhaweynayaa rag iyo dumar dhalinyaro iyo cid walba Bari iyo Galbeed mid Xisbi kujirey iyo midaan kujirin iyo mid Ururadii hadhey kujirey intaba markaa Gobolada Bari wuu tagey Xisbigu maalmihii dhaweyto Galbeedna waanu tageynaa dhawaan, insha allah koritaanka Xisbiga Wadani ee Gobolada Galbeedkuna si dhakhso ah ayey usoo bixi doontaa hadii alle idmo”Ayuu yidhi.
Waxa kale oo Gudoomiye Ciro ka hadley Arimaha Doorashooyinka soo socda “Doorashooyinka wakhti kooban ayaa, ka hadhey, hada waxaanu ku dardaarmeynaa inaaney dib uga dhicin wakhtigii loogu talagaley Wadani ahaan waxaanu jecelnahay inay wakhtigeeda ku qabsoonto insha allaahu Doorashooyinka tii Baarlamaanka ayaa soo socota tii Madexweynahaa soo socota waxaan rajeyneynaa in laga wada qeyb qaato muwaadin kastaaba xaq ayuu u leeyahey rag iyo dumar iyo dhalinyaroba, koleyba waa latartamayaa Deegaan kasta iyo Gobol kastaa tiro go,an oo baarlamaanka
ah ayuu leeyahey markaa cid kasta oo ka qeyb galeysa wey jiraan
dhalinyar badan iyo dad badan oo mudakar oo siyaasiyiin iyo
aqoonyahanba leh iyo haweenba leh oo noo yimi Xisbi ahaan oo sheegay
in ay jecel yihiin in ay ka qeyb galaan runtii aadbaanu usoo
dhaweyneyaa laakiin wakhtigeedii iyo shaandheynteedu wakhtiga ku
munaasibka ah ayaanu galeynaa insha allah” Ayuu yidhi Gudoomiye Ciro.
Mar la weydiiyay Gudoomiyaha khilaafka ka dhex taagan Xisbi Xaakimka
Kulmiye iyo waxa ay ka filayaan Xisbi ahaan waxa uu yidhi. “Xisbiyada Qaranka hadey Ucid noqoto iyo hadey Kulmiye noqoto anagu ka Wadani ahaan waxaanu jecelnahey in khilaafkooda ay ku dhameystaan dhexdooda iyo shuruucdooda laakiin muwaadin kastaaba xaq ayuu u leeyahey mid Wadani kujiraa inuu Xisbi kale tago mid Kulmiye kujiraana in uu Xisbi kale tago, anagu muwaadin kasta oo jecel in uu yimaado Wadani waanu soo dhaweyneynaa”Ayuu yidhi.
Mar la Weydiiyay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani hadii Mustaqbalka ay Shacbiga Somaliland doorashooyinka soo socda ay siiyaan kalsoonidooda sida Doorashada Baarlamaanka iyo ta Madexweynaha waxa ay ka badeli doonaan Siyaasada xiligan iyo waxqabadka ay soo bandhigi doonaan, waxa uu yidhi. noqoneysaa”Anagu Wadani ahaan hadii aanu Guuleysano Mustaqbalka hadii alle yidhaa waxaanu jecelnahay wixii wanaag ah ee ay Xukuumadu qabatey sii wadno, wixii dhaliil ah ee jirana aanu saxno koley Barnaamij Siyaasi ah oo Xisbiga Wadani wakhtiga ku haboon soo bixi doona ayaa jira kaasaan ku dhaqmi doonaa oo aanu ka dhabeyn doonaa hadii alle yidhaa waxaananu jecelnahay inaanu wixii hurumar ah halkaa kasi wadno wixii dhaliil ahna saxno insha allah” Ayuu yidhi.
Mar la Weydiiyay Guidoomiyaha Xisbiga Wadani iyo Golaha Wakiilada in,ay xiligan jiraan dad aqoonyahan ah ama Bulshada kamid ah oo u saadaaliyay in uu noqonayo Madexweynaha Mustaqbalka ee Somaliland hogaamin doona, iyo waxyaabaha ay ku dardaareen waxa uu yidhi. “Doorashaa horta la galayaa oo Doorashaduna waa tartan waa imtixaan hadii alle yidhaa imtixaankuna wuxu ku xidhan yahey illaahay wuxu qorey oo aan sinaba looga tageyn iyo dedaalka, waxaanu jecelnahay inaanu dedaalka la nimaadno rajada aanu qabno in uu Xisbigu guuleysto ama aan anigu Madexweyne noqdo aad bay u weyn tahey laakiin guul aanu isa sii siineynaa majirto, wax waliba waxey ku xidhan yihiin ajiibista alle iyo dedaalka aanu la nimaadno, rajadayaduna aad bay u fiican tahey”Ayuu yidhi.
Gabagabdii Wareysigana waxa uu Gudoomiyaha Xisbiga Wadani iyo Golaha Wakiilada Somaliland ujeediyay Shacbiga Somaliland, Golaha Wakiilada iyo Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Waliba Xukuumada “Shacbiga Reer Somaliland hadey gudaha joogaan iyo hadey dibada joogaanba waxaan ujeedinayaa Siyaasada waa lagu tartmayaa axsaabta waa axsaab qaran dhamaantood wadankana weynu wada leenahay ee guud ahaan aynu wadanka ilaashano nabaedgelyadiisa, Dimuqraadiyadana aynu taageerno, doorashadana in lasoo dedjiyo aynu taageerno ayaan leeyahey” Ayuu hadalkiisa kusoo gunaanadey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada iyo Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro, waxa uu hoosta ka xariiqey in Xildhibaanada Golaha Wakiilada Somaliland u madaxbanaan yihiin xeer hoosaadkooda iyo howlahoodaba.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured