XILDHIBAAN KA MID AH GOLLAHA WAKIILADA OO SOO SAARAY SIL-SILAD SUUGAANEED OO KA NIXIN-DOONTA XUKUUMADDA SIILAANYO,(AKHRISO SILSILADA QABILE)

0
Tuesday January 28, 2014 - 19:33:00 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 836
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    XILDHIBAAN KA MID AH GOLLAHA WAKIILADA OO SOO SAARAY SIL-SILAD SUUGAANEED OO KA NIXIN-DOONTA XUKUUMADDA SIILAANYO,(AKHRISO SILSILADA QABILE)

    Waxay daba socotaa silsiladii Garbadiir ee uu bilaabey Abwaan Axmed awgeedi ee sida qotoda dheer uga warameysey wacyiga jira, iyo marxalada adage e dalku marayo. Xildhibaanku wuxuu ku bilaabey sidatan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay daba socotaa silsiladii Garbadiir ee uu bilaabey Abwaan Axmed awgeedi ee sida qotoda dheer uga warameysey wacyiga jira, iyo marxalada adage e dalku marayo. Xildhibaanku wuxuu ku bilaabey sidatan (Dundumo Maydh).. Maansadan la magac baxdey (Dundumo Maydh) oo uu curiyay Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, Caawa oo ay taariikhdu tahey.
28/01/2014. Waxay daba socotaa silsiladii Garbadiir ee uu bilaabey Abwaan Axmed awgeedi ee sida qotoda dheer uga warameysey wacyiga jira, iyo marxalada adage e dalku marayo. Xildhibaanku wuxuu ku bilaabey sidatan:-
1. dedan maahee daalacan,
2. geedi wuxuu u duurxuley
3. deeley u halabsadey,
4. nabar doogtu furantoo

5. damqashiyo xanuunba leh,
6. cidi kuma duduucine
7. dareen buuxsamaa jira,
8. waqtigaa u direy hawl
9. dadku uu ubaahnaa,
10. duufaanadii carab
11. ku dirqiyey waxyeelada
12. tuuniisiya wixii durey
13. masar daadkii wadagaley
14. liibiya ku daadegay
15. dabridkeedii yamaniyo
16. suuriya wixii degay
17. dakharadaa xasuutale
18. waxa didiyey waa cadho
19. dabuub horaa waxey tidhi
20. foodsaar daleysnaa
21. dabasaarkii loo celi
22. dulucdeedu waxay tahey
23. sharcigoo la daahiyo
24. xeerarkoo la daba marey
25. waxaan doono aan falo
26. ruuxna yuu i dabagelin
27. sidaa waxa daliishadey
28. nin dookhiisa sahansadey
29. waa dirkii nabruudiyo
30. fircoon dala’asigiisii
31. dushuunbaa la taabtee
32. wali looma daadegin
33. waxa daafta kale yaal
34. dilaal iyo malaaliyo
35. dibjiradu alooseen
36. himiladii dadku lahaa
37. danabadu ku le’edeen
38. duunyadeena loo hurey
39. duubyadu ku laabmeen

40. badhna aakhiro u degay
41. dib inaan u celiyaa
42. dariiqyga maahee
43. dibindaabyo kale iyo
44. cadawgaan mar hore direy
45. inaan daawo lala gelin
46. marlabaadna lay dagin
47. dawgaynu hayno
48. daliilkiisa yaa saxey
49. maxaa ii damaanada ,
50. afartaa daleeyaye
51. waxa aan ku darayaa.
52. dalka oo bukoodoo
53. cid dabiibta loo helin
54. eebaha deeqda bixiyiyo
55. daa’inkaan ka magangaley
56. su’aal baana daba taal
57. Xumaan daafaceediyo
58. Digarogoshodeedii?
59. abwaanadaan u dirayaa
60. iney doorkan keenaan
61. deelqaaf anoon ridin
62. waxan taa ku sii darey
63. d’a yartii dareertee
64. saxaraha ku dabar go’ay
65. ama raacey doonyaha
66. badahaa ku daakiyey
67. hilibkooda darabta ah
68. bahaluhu daldalayeen

69. ka dibirey libaaxiyo

70. kaluunkoo is daba galey

71. damanuhu ma moogyahey

72. dugayeeyda yeedhiyo

73. baroortaan mar qudha damin

74. ma damqadey ma jiidh naxey

75. dad ma dhaqe ma moogyahey

76. waxa didiyey maatada

77. waxa debad baxoodiyo

78. dabeyl raaca ugu wacan

79. waa su’aal deldelanoo

80. abwaanadaan u dirayaa

81. iney doorkan keenaan
82. afartaa daleeyaye
83. waxa aan ku degayaa
84. tu kaloo ka sii daran
85. cadligii dushu’u baxey
86. garsoorkaa dayaxa korey
87. xaqiibaa la dacal marey
88. sinaan laga dibooyoo
89. dadku wada jirkii lumi
90. dirsoociyo waswaasiyo
91. qabiilbaa darka u galey
92. samihiina laga durug
93. nin danlaa ka taajiray
94. ma durbaano khaliyaan
95. deymada ku dhowraa
96. ma dudada banaanbaan
97. ku dugaashadaa khalad
98. duurka waxan u galayiyo
99. meeday dawladnimadii
100. waa su’aal deldelanoo
101. abwaanadaan u dirayaa
102. dawadeedu waxey tahey
103. iney doorkan keenaan
104. afartaa daleeyaye
105. wax aanku darayaa
106. wali daalaleeydiyo
107. danta aan ka leeyahey
108. dabnaheygu mey furin
109. diihaalka gaajada
110. duruufaha adkaadiyo

111. danyaraha saboolka

112. daryeel li’ida haysiyo

113. dacartiyo dhibtuu qabo

114. nin dibirey ka xoogsadey

115. tiiyoo diifi haysoo

116. boqolaal dabloo shidin

117. cashuur lagu dalacayiyo

118. xisaabaha dul socodka’ah

119. dakhli laga uruursado

120. waxa loogu sii darey
121. nimcaa dedan dhulkeeniyo
122. kibir laga dul heesaa
123. cid u diirnaxaysoo
124. debecseni ku eegtoo
125. u damqada ma leeyiin
126. waa su’aal deldelanoo
127. abwaanadaan u dirayaa
128. iney doorkan keenaan
129. Axmedoow dundumo maydh
130. docna uma dhaqaaqee
131. waxaan doonisteedii

132. u dabaal-degaayiyo
133. waxan diidanee jira
134. inaan laba u kala deyo
135. diirka aan ka qaadee
136. dabayaaqadii mey
137. duhur laysu wada jiro
138. goosashadan dabka u ridey
139. go’aankii dadweynee
140. distoorkeena lagu dhigey
142. ninka dood ka celiyaa
143. danbi qaran inuu galey
144. dadwaynaa u markhaatiya
145. carab dalable laba jeer
146. ninka ila dul joogoow
147. dumadaada weeyaan
148. waqtiyaa is daba marey
149. dabinaa ku hoos xidhan
150. miinaan dulmarayaa
151. doonibaa badweyn jaban
152. mawjadaa dalacayoo
153. ku dib jirey horseedkii
154. dalcadaa la galey adag
155. jarbaa lagu dul joogaa
156. fikir laga dambariyiyo
157. hadaan taladu dabar helin
158. go’aan loo degdegiyo
159. runta doobir laga dhigan
160. door-roone loo xuley
161. aanu diirada u qaban
162. daba gala wixii lumey
163. dawga laga habaabiyo
164. ku dabaala xeerkii
165. daacadnimo ku maamula
166. rajo daadegeysiyo
167. darayiyo dhib mooyee
168. wax is doorsha lama filo



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured