Xildhibaan Cali Mareexaan oo Guul-darada siyaasadeed ee uu baday Kulmiye ku wanjalay Guddoomiyaha UCID

0
Tuesday January 28, 2014 - 18:55:48 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 818
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaan Cali Mareexaan oo Guul-darada siyaasadeed ee uu baday Kulmiye ku wanjalay Guddoomiyaha UCID

    Hargeisa(xogreebnews.com-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa xalay beeniyey in uu siiyey warbaahinta war sheegaya in uu hambalyeeyey Codayntii isla markaana in uu yidhi waa in Siilaanyana Mooshin Maamuus ka xayuubin ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa xalay beeniyey in uu siiyey warbaahinta war sheegaya in uu hambalyeeyey Codayntii isla markaana in uu yidhi waa in Siilaanyana Mooshin Maamuus ka xayuubin ah lagu qaadaa, hase Hargeisa(xogreebnews.com-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Feysal Cali Waraabe ayaa xalay beeniyey in uu siiyey warbaahinta war sheegaya in uu hambalyeeyey Codayntii isla markaana in uu yidhi waa in Siilaanyana Mooshin Maamuus ka xayuubin ah lagu qaadaa, hase yeeshee ay ahayd sheeko Telefoonka ku dhex martay markii Golaha laga soo dareeray Xildhibaan Cali Mareexaan oo ay kaftamayeen isna intii war uga dhigay warbaahinta.
Feysal Cali Waraabe oo la weydiiyay waxa ka jira war lagu baahiyey Mareegta Somalilandtoday oo sheegayey in uu Hambalyeeyey natiijada codayntii Xeer hoosaadku uu shalay ku meel mariyey Xeer hoosaad cusub oo guddida joogtada ahi soo dhigtay Golaha iyo in uu ku baaqay in Siilaanyana Mooshin xilka lagaga qaado waxa uu yidhi “ horta Dib danbe Telefoonba looga wadahadli maayo, la anahu shalay markii Golaha laga soo dareeray waxaan si kaftan ah ula hadlay Cali Mareexaan oo aan ku idhi maanta uun buu Golihii Gole noqday oo wixii loo doortay uu ka soo baxay, hadana anigoo la sii kaftamaya ayaan u raaciyey Siilaanyana waa in Mooshin xilka qaadis ah loogu daraa, intaas baan idhi. May jirin saxaafad aan la hadlay iyo wax aan ugu talogalay warbaahinta, dee intii haddii uu war ka dhigay diba loola kaftami maayo” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Hadalka warbaahinta la galiyey ee Faysal Cali Waraabe sheegay in uu ahaa kaftan isaga iyo Cali Mareexaan dhex maray ayaa ah mid la doonayey in dabka lagu sii huriyo isla markaana la sii fidsado mashaariicda ka dhex socota Xukuumadda, Axsaabta Mucaaradka ah iyo Baarlamaanka, kuwaas oo u eg in ay soo af-jarmeen kadib markii Guulo is daba joog ah ay ku talaabsadeen Xildhibaanada mucaaradka ah oo intooda badani ka soo jeedaan xisbiga Kulmiye, kuwaas oo saluugsan talooyinka ay Xildhibaan Cali Mareexaan iyo siiyaan Madaxtooyadda sida uu ku dooday Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda C/raxmaan Cirro oo dhawr jeer ku cel celiyey inaanu khilaaf ka dhaxayn Madaxweynaha balse ay jiraan carruur qalqaali ah oo u dhaxaysaa.
Si kasta ha ahaadee go’aankii shalay Golaha Wakiiladdu ku meel mariyey Xeer hoosaadka Golaha Wakiiladda ee cusub ayaa ah natiijaddii ka soo baxday hanjabaadii uu guddoomiye Cirro ugu quus goynayey Cali Mareexaan iyo bahdiisii ku wehelinaysay cawaaqib Xumada Xukuumadda kala soo daristay dhooqadii siyaasadeed ee ay galiyeen ee lagagala wareegay awoodii Golaha wakiiladda in ay ku leeyihiin lagu xaman jiray.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured