URURKA AN DAWLIGA AHAYN EE DALADA SONSAF OO FARAHA LA GALAY SHAQOOYINKA WARBAAHINTA IYO URUR-WEYNAHA SAXAFIYIINTA OO UGA DIGAY INAY FARO-GELINTA AY WADAAN

0
Tuesday January 28, 2014 - 09:30:25 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 898
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    URURKA AN DAWLIGA AHAYN EE DALADA SONSAF OO FARAHA LA GALAY SHAQOOYINKA WARBAAHINTA IYO URUR-WEYNAHA SAXAFIYIINTA OO UGA DIGAY INAY FARO-GELINTA AY WADAAN

    Hargeisa(xogreebnews.com-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, isagoo ka duulaya masuuliyada iyo waajibaadka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa(xogreebnews.com-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, isagoo ka duulaya masuuliyada iyo waajibaadka Hargeisa(xogreebnews.com-Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, isagoo ka duulaya masuuliyada iyo waajibaadka uu u hayo Hay’adaha Warbaahinta iyo Suxufiyiinta Somaliland, waxaa uu si kulul u cambaareynayaa faro-gelinta qaawan ee Ururka la baxay Jilayaasha aan Dawliga ahayn ee ka hawl-gala Dalalka aan dawladaha lahayn {Somaliland Non-State Actors Forum} uu ku samaynayo Xoriyada iyo xuquuqda uu u damaanad qaaday Dastuurka Qaranku Warbaahinta.
Sidaa darteed Ururka SONSAF isagoo u adeegaya shakhsiyaad caan ku ah qalalaasaha iyo qulub-gelinta Saxaafada Somaliland, kuwaasoo shaqo maalmeed ka dhigta iska horkeenka iyo isku dhufashada Saxaafada Maxaliga ah, iyagoo ka dhex raadinaya derajooyin ama dhaqaale lagu siiyo, Ururka SONSAF waxa uu Saxaafada Somaliland ugu baaqay shir qarsoodi ah, kaasoo ay ku damacsan yihiin inay ku aasaan madax-banaanida Saxaafada Somaliland iyo xoriyada hadalka, iyagoo food saaro ka dhiganaya inuu jiro khilaaf u dhaxeeya Warbaahinta Maxaliga ah iyo Hay’adaha Dawlada (Xukuumada, Goleyaasha Sharci Dejinta iyo Garsoorka). Hase-yeeshee kulankaas ula jeedadiisu tahay in lagu abuuro Xeer Saxafadeed cusub oo lagu cabudhinayo Madax-banaanida Saxaafada Somaliland iyo Xoriyada ra’yi dhiibashada ee bulshada, balse suurtogalnimadiisa lagu qurxiyay ajendihiisa waxyaabo aan jirin oo lagu sheegay Is waraysi, Wadahadal Iyo Lafo-gur lala yeelanayo Saxaafada.

Ururka SONSAF oo sida magaciisa ku cad ah ka mid ah Ururada dalalka reer galbeedku u abuuraan inay danahooda uga fuliyaan Wadamada aanay Dawladi ka jirin, sida; Koonfurta Soomaaliya, Afgaanistaan, Ciraaq iyo Kosovo, waxa uu dhaqaale quusan waa ah xakamaynta Saxaafada kaga soo qaatay Hay’ada Safer World, oo iyaduna dhaqaaalahaa kasoo dheegatay Ururka Midawga Yurub (EU)
Haddaba ururka SOLJA isagoo si cad u qeexaya aragtidiisa ku aadan Shirqoolkaas iyo mawqifka uu ka taagan yahay Shirkaasi waxa uu yahay;.
In aanu marnaba aqbali doonin go’aamada iyo natiijada kasoo baxda, sidoo kalena waxa uu shirkaa u arkaa shirqool dhagaraysan oo Warbaahinta ka dhan ah.
Waxaa uu ku boorinayaa Hay’adahs Warbaahinta Somaliland iyo Suxufiyiinta in aanay ku dagmin shir ku sheegaa lagu xabaalayo madax-banaanida Saxaafada iyo xoriyada hadalka
Ururka SOLJA waxa uu ugu baaqaya Ururka SONSAF inay dib uga laabtaan shirkaa, hadiise ay ka dhego adaygaan fariintan waxay dusha ku qaadi doonaan cawaaqibka arintaa ka dhasha
Ururku digniin culus u dirayaa guud ahaan hay’adaha Samofalka Caalimaga ah in aan dhaqaalahoodu noqon mid lagu curyaamiyo xuquuqal insaanka iyo xoriyatul-qawlka Somaliland, kana digtoonaadaan in mashaariicda ku saabsan Saxaafada inay soo mariyaan Hay’ado iyo NGO aanay khusaynin.
waxaa ururka SOLJA u dirayaa hay’adaha maxaliga ee inay ka waantoobaan caadaysiga fadhataysigs Mashaariicda Warbaahinta, balse haddii ay iska dhego-tiraan fariintan ay ku talo galaan jawaabta ku haboon ee Warbaahintu ka bixin doonto.
ALLA MAHAD LEH
Maxamed Cabdi Guuleed
Gudoomiye Kuxigeenka SOLJA
Maxamed Rashiid Muxumed Farax
Xoghayaha SOLJA



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured