Doorashooyinku waa inay waqtigooda ku Qabsoomaan..Q.4aad

0
Monday January 27, 2014 - 20:32:35 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1176
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Doorashooyinku waa inay waqtigooda ku Qabsoomaan..Q.4aad

    Musuqa iyo boobku waa waxa daashaday doorashooyinka,welina ma hayno dawlad qaab kale u dhigta.Xukuumadan maanta dalka ka talisaana waaba dhaqankeeda boobka iyo musuqu.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Musuqa iyo boobku waa waxa daashaday doorashooyinka,welina ma hayno dawlad qaab kale u dhigta.Xukuumadan maanta dalka ka talisaana waaba dhaqankeeda boobka iyo musuqu. Maxaa hadaba talo ah ee lagaga gudbi karaa jidadkan curyaamiyay qaabka cod-bixinta iyo habsocodka doorashooyinka.Ma jiraa se jid kale oo ka wanaagsan
Oo aynu kaga gudbi karno habkan qabiilaysan,jilibaysan ee doorashooyinka loo maraa.Waa mid u taala xukuumada bedeli doonta tan maanta jirta oo ku guul daraysatay inay wax ka bedesho.Waa mid u taala xildhibaanada bedeli doona kuwa hada golaha fadhiya ee 3dex sanno kaga lunta sacaba tunka xukuumada Axmed-Siiraanyo.Waa mid u taala xisbiyada mucaaridka ah inay qorshe dhaama kan xukuumadu ku hungoowday.

Waxaynu filaynaa doorashada wakiiladu inay qabsoonto sannadkan dabayaaqadiisa,ta madaxtooyaduna qabsoonto sannadka soo socda dhexdiisa hadii Eebe idmo.Waa sida dastuurka iyo xeerkaba ku cad.Balse waxa daroorta ka muuqda inay tahay mid aan hoorimaad soo wadin,doorashada wakiilada waxay u egtahay mid ay xukuumadu u riixayso laba miduun in la qaato:
1.Xukuumadu waxay dabada ka riixaysa in lays barkiyo
Doorashada madaxtooyada iyo ta wakiilada.
2.Ama doorashada wakiilada ay ka dabo marto
Madaxtooyada.
Labadan hab waxay xukuumadu ugu talo gashay musuq iyo boobkii ay u baratay inay 2da doorashaba u qabsoomaan.Waxa la yidhi(Dacawo halkay macal ugu baratay ayay macaluul ugu baqkhtidaa).
Xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo wadani waxay iyana doonayaan inay 2da doorasho mid waliba waqtigeeda qabsoomaan.Waxay cadaadis ku saaraan xukuumada inay doorashada wakiiladu qabsoonto bisha ugu danbaysa sannadkan,diiwaan gelintana la dhamays tiro 3,4 bilood.
Markaa waxa aan xisbiyada mucaaridka leeyahay ku adkaysta sidaa aad soo jeediseen,yaan laydinka hoos saarin ee arrimo kale laydin hor dhigin.Madaxweynahana waxa aan leeyahay fuli kelmadaadii ahayd(Maalin igu dhaafi mayso).Kulmiyana waxa aan leeyahay laba jeer ayaad boob iyo musuq ku hesheen guusha maanta se shacabka iyo xisbiyada mucaaridka ahi way soo jeedaan ee dalka u tudha.
Waxa aan ku soo gababaynayaa doorashooyinku waa inay waqtigooda ku qabsoomaan si aynu u kobcino habsocodka dimuqraadiyada,hogaamintuna inoogu hana qaado.
Dhamaad.
Xuseen Xasan Badmaax
Hargeysa/JSL



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured