Samo, kuna saabsan maamul maalmeedka madaxtooyadeenna Kaaraamardha waxa allifay Daljirka Dahsoon

0
Sunday January 26, 2014 - 09:44:51 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1123
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Samo, kuna saabsan maamul maalmeedka madaxtooyadeenna Kaaraamardha waxa allifay Daljirka Dahsoon

    Raasbutiin: Hawl-wadeen firifircoon oo shaqooyin badan qabta-Mahaye-moog: Odayga reerka Araweelo: Maamada guriga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Raasbutiin: Hawl-wadeen firifircoon oo shaqooyin badan qabta-Mahaye-moog: Odayga reerka Araweelo: Maamada guriga ok Jilayaasha Masrixiyadda:
Raasbutiin: Hawl-wadeen firifircoon oo shaqooyin badan qabta-Mahaye-moog: Odayga reerka Araweelo: Maamada guriga
Cali-Guulwade: Xildhibaan galgal badan
Baaniyaal: Xoghaynta Mahaye-moog
Fara-Xadiid: Askari gaadh-haye ka ah qasriga kana tirsanan amniyaadka Alshabaab
Ma Gafe: Wiil guriga jooga oo cunto badan
Been-masheege: Basaas suuqa u jooga oo warka u keena Araweelo iyo Raasbutiin
Xoriyo: Waddaniyad daacad ah oo adeegto ka ah qasriga

Xaq-u-dirir: Waddani daacad ah oo suuqa bilaa camal ku ah
Muuqaalka koowaad:
Baaniyaal: waa ayo odayaashan cumaamadaha cascasi
Fara-Xadiid: waa odayaal doonaya in ay arkaan Mahaye-moog. Waa odayaashii reer Saba-wanaag iyo reer Gurya-samo.Baaniyaal: Murkha, doqon baad tahay, yaa ku yidhi soo daa, maxaad u soo deynaysaa, sow ma ogid in Mahaye-moog shir qaadanaya 11 saacadood kula jiro wefdigii ka socday Dowladda aynu walaalaha nahay ee Highland. Hadda celi waxyow qalbadda li’i, haddii kale wallaahay waxan kuu sheegayaa…..Araweelo: waa ayo dadka bannaanka ka qaylinayaa?Baaniyaal: waa odayaal doonaya xaajiga.Araweelo: Waxaa kala madaxyada xunxun baa nalagu saliday, ma wanaag bay u rabaan baad moodaysaa waa wada shaxaad doon.Waxay odayaasha ka dhex arkaysaa Beenmasheege oo dabadooda taagan, Baaniyaal ii soo daa Beenmasheege, waa dadkaygiiye.Beenmasheegaa hore u soo tallaabo dheeraynaya illeen madaxdii reeraha oo dhan baa laga soo dhex xulay oo la soo dhaafiyaye.
Araweelo: Beenmasheege soo dhaaf eeddo, eeddo Beenmasheege maxaa la lahaa, dadku miyey ogyihiin in Mahaye-moog maqane jooge yahay oo aannu aniga iyo Raasbutiin guriga dusha iyo hoostaba ka maamulno?Cali Beenaale: Maya maya eeddo, dadku waxay aaminsan yihiin in Mahaye-moog majaraha u hayo maamulka guriga oo dhan, weliba!
Araweelo: hee eeddo heee!Beenmasheege: Weliba waxay shacabku isla dhex marayaan in Mahaye-moog mar kale isa soo sharaxayo,Araweelo: oo ma in ay na ridaan bay rabaan sidii askartii Masar!
Beenmasheege: Dee mayee in ay doortaan bay rabaan
Araweelo: Allaylehe iyagaa Mahaye-moog ah.
la soco Berri qeybo kale oo xiiso badan………..
Ahmed Adan
daljir222@yahoo.com



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured