“Maaha Markii Koowaad ee La Xidho,Sixiroolena Lagu Sheego,Gudida Wanaag-faristuna Way Deg-degaysaa,Cadayntana Waynu Sugaynaa” Ehelada Maxbuus Laga Been Abuuray Oo Beeniyay War Laga Faafiyay.

0
Saturday January 25, 2014 - 19:30:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 810
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    “Maaha Markii Koowaad ee La Xidho,Sixiroolena Lagu Sheego,Gudida Wanaag-faristuna Way Deg-degaysaa,Cadayntana Waynu Sugaynaa” Ehelada Maxbuus Laga Been Abuuray Oo Beeniyay War Laga Faafiyay.

    Hargeysa(xogreebnews.com=Maalintii shalay ayaa waxaa wargayska Waaheen ku soo baxay war been abuur ah oo sheegayay in Guddida Wanaag farista iyo Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Ay qabqabteen Sixiroolayaal aan haybtooda la garanayn oo dhaqan xumo iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com=Maalintii shalay ayaa waxaa wargayska Waaheen ku soo baxay war been abuur ah oo sheegayay in Guddida Wanaag farista iyo Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Ay qabqabteen Sixiroolayaal aan haybtooda la garanayn oo dhaqan xumo iyo Diin la’aan u horseeday Qoysas badan oo Reer Hargeysa ah,Waxaana warka lagu sheegay inay ku kaceen falal gabood fal Hargeysa(xogreebnews.com=Maalintii shalay ayaa waxaa wargayska Waaheen ku soo baxay war been abuur ah oo sheegayay in Guddida Wanaag farista iyo Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta Ay qabqabteen Sixiroolayaal aan haybtooda la garanayn oo dhaqan xumo iyo Diin la’aan u horseeday Qoysas badan oo Reer Hargeysa ah,Waxaana warka lagu sheegay inay ku kaceen falal gabood fal ku ah sharafta iyo dadnimada Haween badan oo la macaamilay.Hadaba warkan oo ah mid sharaf dil ah isla markaana ka fog xaqiiqada sida la sheegayna laga lahaa dano gaar ah ayaa waxaa si weyn jawaab kulul uga bixiyay ehelada Maxbuuskan laga baahiyay warkan ku tiri kuteenka ah ee la soo amaamuday waxaana ay ka dhawaajiyeen inay talaabo sharci ah ka qaadayaan cidii ka danbaysay falkaasi iyagoo sidoo kalena dhaliilay warbaahinta faafisay warkan xaqiiqada ka fog taasi oo ay sheegeen in aanay xaqiijin Xaalada dhabta ah Maadaama meesha ay warka ka heleen tahay hargaysa iyagoo sidoo kalena ka hawlgala isla hargaysa .

Ehelada Maxbuuskan ayaa sheegay mar ay la hadleen isla markaana sida wax u jiraan ay uga xog warameen wargayska Xogogaal waxaa ay ka dhawaajiyeen inuu maxbuuska oo magaciisa yahay Mustafe Jaamac Xirsi (Gaani) yahay Muwaadin U dhashay Dalka Haybtiisa Iyo Halkuu Degana La Garanayo Maadaama warka lagu sheegay inaan la garanayn Haybtiisa isagoo Magaalada Hargaysa gaar Ahaana Xaafada Daami Uu Ku Haysto Cilaaj uu dadka ku dabiibo,ayna jiraan boqolaal qof oo ilaahay dabiib ka siiyay oo ku sugan dalka ilaa iyo hadana aan la arag cid uu falay amase uu sixir u adeegsaday.Sidoo kale waxaa la sheegay in xadhiga maxbuuskan ay ka danbeeyeen dad ka lahaa isaga dano gaar ah kuna andacoonaya inay hayaan muuqaalo fiidyow ah oo muujinaya falal foolxun oo lagu kacay kuwaasi oo aan ilaa iyo hada aanu hayn wax cad oo xaqiiq ah oo ay hayaan dadkan soo dacweeyey maxbuuska kuna aadan dacwadooda xili ay ehelada maxbuuskan sheegeen inay u fadhiyaan sidii looga daw marin lahaa denbigan laga galay.
Hadaba wararka aan helayno ayaa sheegaya in waalidiin iyo caruur lagu sheegay in la faro xumeeyey ayaa xarunta CIDda Hargaysa ay u cadeeyeen Inaan arimahaasi waxba Haba yaraatee ka jirin ilaahayna uu ku ogyahay,waxaana ay intaasi ku dareen in ninkan dacwada noocan ah ka gudbiyay ay ka doonayaan inuu soo cadeeyo Kana Sugayaan warkaasi meesha uu ka keenay,cida siisay .Ninkan Dacwada Ka Gudbiyay Maxbuuskan Xidhan Ayaa la sheegay inay hada baadigoobayso Xarunta C.I.Dda Hargaysa taasi oo ka doonaysa inuu keeno wax cad oo ku aadan Dacwad uu u Soo Gudbiyay Iyo eedeyntan uu soo jeediyay ee dadka loogu qabtay.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in ninkan maxbuuska eedeeyay intii lagu gudo jiray baadhsita kiiskan oo isaga laga sugayay cadaymo uu warbaahinta siiyay una qaybiyay war borobagaando ah oo ku aadan maxbuuskan taasi oo ah kiis iyo denbi kale oo ay sheegeen ehelada maxbuuskan inaanay haba yaraatee kaga hadhayn Maxkamadna La Tiigsan Doonaan.Si kastaba ha ahaatee Maaha Markii ugu horeysay ee Maxbuuskan Xidhan Laguna magcaabo Mustafe jaamac Xirsi (Gaani) Kiis Noocan Oo kale ah lagu soo eedeeyo iyadoo maxkamadu waxba ku waydo isla markaana sii daysay marar hore waxaana aan la garanayn in gudida wanaagfarista iyo xumaan reebistu ka fiirsanin hawlaha noocan oo kale ah iyagoo Ku degdega.Magacyada Ehelada Maxbuuskan ee Warkaasi Beeninaya…
Chief Caaqil Cumar Xirsi Gaani
Saleban Maxamuud Cali
Cabdi Hurre Xirsi
Hinda Jaamac Xirsi Gaani
Maxamed Saleban Maxamuud



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured