Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Qaabilay Wefti Ka Socday Shirkad Ingiriis Ah Oo Maalgalinaysa Dekedda Iyo Haamaha Shidaalka Berbera

0
Friday January 24, 2014 - 22:17:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 908
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxwayne Ku Xigeenka Somaliland Oo Qaabilay Wefti Ka Socday Shirkad Ingiriis Ah Oo Maalgalinaysa Dekedda Iyo Haamaha Shidaalka Berbera

    Hargeysa(xogreebnews.com - Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, ahna ku simaha Madaxwaynaha, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xarunta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com - Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, ahna ku simaha Madaxwaynaha, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xarunta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Hargeysa(xogreebnews.com - Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, ahna ku simaha Madaxwaynaha, Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xarunta qasriga Madaxtooyada ku qaabilay weftiga ka socday shirkadda DETOL ee la sheegay inay maalgalin ku samaynayso dekedda Berbera iyo haamaha kaydka shidaalka.
http://somalilandtoday.com/slt/wp-content/uploads/2014/01/Wasiiirka-Arrimaha-Dibadda.mpg_000480056.jpgWeftiga shirkadda ka socday oo ka koobnaa shan xubnood, ayaa waxay Madaxwayne ku xigeenka ugu tageen salaan, ka dib markii ay soo booqdeen dekedda Magaalada Berbera iyo haamaha kaydka shidaalka, si ay u soo indho indheeyaan isla-markaana u eegaan hanaanka ay u shaqeeyaan labada meeloodba.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland, Md. Saylici ayaa weftiga shirkadda DETOL oo laga leeyahay dalka Ingiriiska uga mahad celiyey booqashada ay dalka ku yimaadeen, isaga oo u soo bandhigay horumarka Somaliland ka socda iyo sida dawladdu u soo dhaweynayso cid kasta oo maalgalin ka wadda dalka.
Weftiga shirkadda DETOL oo Wasiirada arrimaha dibadda iyo Ganacsiga Somaliland ay qado sharaf ugu sameeyeen huteelka Ambassador ayaa markaa ka dib dalka dib uga dhoofay.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured