Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar Ayaa ka Biyo Diiday Dammaanad Cali Waran-Cadde Oo La Isticmaalayey Loo Soo Dhiibay

0
Friday January 24, 2014 - 19:46:57 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1084
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar Ayaa ka Biyo Diiday Dammaanad Cali Waran-Cadde Oo La Isticmaalayey Loo Soo Dhiibay

    Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar Ayaa ka Biyo Diiday Dammaanad Cali Waran-Cadde Oo La Isticmaalayey Loo Soo Dhiibay..”

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar Ayaa ka Biyo Diiday Dammaanad Cali Waran-Cadde Oo La Isticmaalayey Loo Soo Dhiibay..” Hargeysa(Xogreebnews.com):- Guddoomiye Ku xigeenkii hore ee gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samater, ayaa sheegay in habeen-hore la soo-daayey, ka dib markii uu diiday sida uu sheegay dammaanad uu Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde doonayey inuu Saldhigga Booliska oo uu muddo ku xidhnaa kaga soo saaro.
Guuleed Daahir Samatar, waxa uu sheegay in markii uu diiday dammaanadda Wasiir Waran-cadde, ka dib isaga oo sharaf leh la soo-daayey, waxaanu ku dooday in sababta loo xidhay la xidhiidho la xidhiidho runta maxaad u sheegaysaa ee aad dawladda u dhalliilaysaa, sida uu isagu hadalka u dhigay.

Badhasaab Ku-xigeenkii hore ee gobolka Togdheer Guuleed Daahir, waxa uu sidaa sheegay mar uu shalay Warbaahinta qaarkeed kula hadlay magaalada Hargeysa oo uu ku sugannaa. “Anniga xadhigaygu wuxuu ahaa maxaad runta u sheegaysaa, maxaad u sheegaysaa dhaliisha dawladdu leedahay."
“Waxaan ku soo baxay oo aan xorriyaddayda helay markaan diiday dammaanad Cali Waran-cadde oo la isticmaalayey loo soo dhiibay oo markii hore xadhiggayga soo maleegay.” Sidaa ayuu yidih Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar, waxaanu xusay inuu markii dammaanadda loola tagay diiday, isla markaana ku dooday inuu hor-taagan yahay Maxkamad sharci ah si haddii uu dembi leeyahayna tallaabo looga qaado, haddii aanu lahayna ay Maxkamaddu u caddayso.
“Markaan diiday dammaanaddii ee aan idhi Maxkamadda sharciga ah ayaan hor-taaganahay (haddii dambi la igu haystay), markii 24 saacadood la isku wareegayey ayaa anniga oo xor ah oo sharaf leh aan soo baxay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenkii hore ee Togdheer Guleed Daahir Samatar.
Guleed Daahir Samatar waxa uu u mahad-celiyey Bulshada Somaliland ee xadhiggiisa ka damqatay sida Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Saxaafadda Madaxa-bannaan, waxaanu yidhi; “Marka hore waxaan u mahad-naqayaa, dadka reer Somaliland guud ahaan ee ka damqaday xadhigga xaq-darrada ah ee ka dhiidhiyey xaq-darrada. Keligay maaha ee dad badan oo dulmanayaal ah baa jira ee u dagaallama xaqa."
Waxa uu sheegay inuu Burco ku dhashay oo uu ku koray, oo uu ku dhalay, cid isaga ka jecel dadka reer Burco wanaaggooda, nabadgelyadooda iyo horumarkooda aanay jirin. “Burco muddo sagaal sano ah Madax (Guddoomiye Ku-xigeen gobol) ka ahaa, Mustaqbalkana waan rejaynayaa inaan ka noqdo. Muddaharaad iyo rabshado anigu aan ka dambeeyey oo aan abaabulayna ma jiraan ee dadku Masayrkooda la lumiyey ayay ka damqadeen oo ay ka muddaharaadayeen, waana la garanayaa cidda fashilantay ee muddo-kordhinta doonaysa, shacabkana waxaan leeyahay Illaahay baan idinku dhaariyee muddo ha u kordhinnina ee inna dhaafiya….” Sidaa ayuu yidhi Guuleed.
Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee Gobolka Togdheer waxa uu ka hadlay is-casilaadda Badhasaabkii gobolkaas Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi (Xamarje), waxaanu yidhi; “Axmed Cumar (Xamarje) waa nin dhalinyar ah, waa Badhasaabkayagii, waa Madaxweynahayagii, Axmed-na tayda oo keliya maahee tacaddiyo badan ayuu ka dhiidhiyey. Bal ka warrama Badhasaab dhan oo gobolkuu joogay aan waxba laga weydiinaynin ee loo dhaafayo? Xamarje dhib badan baa ka soo martay (gobolka Togdheer).” Sidaa ayuu yidhi Guuleed, waxaanu sheegay inaanu Xamarje keliya ka dhiidhin xaq-darrada isaga lagu soo xidhay, hase-yeeshee, ay jiraan dhibaatooyin iyo tacaddiyo badan oo uu ka dhiidhiyey oo uu ka damqaday illaa uu soo gaadhay sida uu xusay heer uu iska casilo Xilka Badhasaabnimada gobolka Togdheer ee uu hayay Xamarje.
Guuleed Daahir Samatar ayaa muddo toddobaadyo ah ku xidhnaa Saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Hargeysa, ka dib markii bishii hore ay Saqdhexe Ciidammada RRU-da ee Booliska Somaliland saqdhexe ka soo qabteen Gurigiisa magaalada Burco, isla markaana lagu soo xidhay Xabsiga magaalada Berbera oo afar maalmood ka dib laga siidaayey, loona soo dhaadhiciyey Hargeysa oo markuu maalmo joogay haddana dib loogu xidhay.
Ururrada u dhaqdhaqaaqa Xuquuqda Aadamaha ee Somaliland, Masuuliyiinta Xisbiyada Mucaaridka ah ee UCID, WADDANI, Siyaasiyiin kale iyo Madax-dhaqameed kala duwan, ayaa si kulul u cambaareeyey Xadhigga Guddoomiye Ku-xigeenkii hore ee gobolka Togdheer Mr.Guuleed, kaasoo ay ku tilmaameen xadhig sharci-darro ah iyo handadaad ay Xukuumaddu ku hayso Muwaaddin aan wax dembi ah gelin sida ay ku doodeen, waxaanay Xukuumadda marar kala duwan ka dalbadeen in xorriyaddiisa loo soo celiyo Guuleed.
Inkasta oo uu Taliyaha Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan ku eedeeyey inuu Guuleed abaabulay oo lagu haysto rabshado khasaare sababay oo ka dhacay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, isla markaana isaga oo aan wax Maxkamad ah la horgeynin, ayaa haddana waxaa xorriyaddiisa uu dib u helay dorraad fiidkiioo laga sii daayey Saldhigga Booliska oo uu muddo ku xidhnaa.
Xogreebnews.com
Burco Togdheer Office


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured