Madaxweyne Siilaanyo oo Wis-wis iyo Shaki ka Kala Bixiyey Shirkada Bollore, Wasiir Maxamed Iyo Qareenada ay Macaruufka Yihiin

0
Friday January 24, 2014 - 19:23:15 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 988
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilaanyo oo Wis-wis iyo Shaki ka Kala Bixiyey Shirkada Bollore, Wasiir Maxamed Iyo Qareenada ay Macaruufka Yihiin

    “..Waanu ka Fiirsanaynaa Heshiiska Shirkada [Bollore] ee Dekeda Berbera..”Wasiirka Ganacsiga Iyo Maalgashiga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

“..Waanu ka Fiirsanaynaa Heshiiska Shirkada [Bollore] ee Dekeda Berbera..”Wasiirka Ganacsiga Iyo Maalgashiga Paris(xogreebnews.com--Wasiirka Arimaha Dibedda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, ayaa weji-gabax kala kulmay heshiis lagu waday inuu dhex-maro Xukuumada Somaliland iyo masuuliyiinta Shirkada Bollore Africa Logistics, oo xubno ka mid ah wefdigiisu ay ka wis-wiseen qorshe uu Wasiir Maxamed Biixi ku doonayey inuu ku Mindi-roorteeyo heshiiska, isla markaana kaga dhigo ‘Gees lo’aad kulaylkaa lagu gooyaa’. Hase-ahaatee Madaxweyne Siilaanyo waxa uu dib uga joogsaday meel-marinta heshiiska Shirkada Bollore kadib markii arinta heshiiska ay soo dhex-galeen Dilaaliin reer Galbeed ah oo ay Macaruf yihiin Wasiirka Khaarajiga, balse lagu sheegay Qareeno, oo hadda ka hor dhacdadan oo kale mid ku dhow isku soo arkeen Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Waxa kale oo ilaha aanu Wararkan ka helnay tibaaxeen in Madaxweyne Siilaanyo dareen cadho leh kaga jawaabay dalab kasoo yeedhay Wasiirka Arimaha Dibedda oo ku saabsanaa in heshiiska Shirkada Bollore la dedajiyo gar-yaqaanada ay Macruufka yihiin-na ay soo dersanaan heshiiska, iyagoo metelaya Xukuumada Somaliland, sidoo kalena ajendeyaal aan la shaacin oo lamaanaa heshiiska Dekeda Berbera, waxana Madaxweyne Siilaanyo u dedajiyey Wasiir Maxamed ereyo kakan oo ay ka mid yihiin ‘ku deg-degi mayno heshiiska Bollore oo waanu ka fiirsanaynaa’, Wararka intaa ku dareen in fikirkaa Madaxweynaha ay ku raaceen Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Qorsheynta Qaranka iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland. Waxana sidaa ku buray meel-marinta heshiiskii Wasiirka Arimaha Dibeddu gadh-wadeenka ka ahaa ee Shirkada Bollore iyo Xukuumada Somaliland.
Sidoo kale, waxa iluhu xuseen in aanay labada dhinac isla meel dhigin muddada Xukuumada Somaliland uu ku qaadan doono kasoo fiirsashada arintan iyo waqtiga uu suurtogal noqon doono kulanka kan xiga ee labada dhinac.

Dhinaca kale, Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar oo Daqiiqado kadib kulanka ay la qaateen Shirkada Bollore Warbaahinta ka hadlay, waxa uu sheegay muddadii ay kulanka ku jireen in masuuliyiinta Shirkada Bollore ay soo bandhigeen qorshahooda dheer iyo ka gaaban ee ku aadan Dekedda Berbera, halka Wefdiga Madaxweynuhu ay soo gudbiyeen himilada Mustaqbalka ay ka leeyihiin Dekedda Berbera, taasoo Wasiirku ku fasiray inay tahay in Dekedda Berbera noqoto Marso Caalami ah laga adeegsado dalalka Mandaqada Geeska Afrika, sida Itoobiya iyo Koonfurta Suudaan. Sidaa darteed-na waxa uu Wasiirku tilmaamay inay qorshaha ugu jirto diyaarinta Mashruuc ballaadhan oo ku saabsan Baaxda, Istiraajiyada iyo ku talogalka dhow iyo qorshaha dheer ee Dekedda Berbera, iyagoo kaashanaya Gar-yaqaano iyo Khabiiro maxali ah oo arintaa kala shaqeeya. Isagoo arinkaa ka hadlaya waxa uu Wasiir Maxamed Cabdillaahi yidhi; “..Waanu ka fiirsanaynaa heshiiska {Bollore} anagoo eegaynaa inuu yahay wax faa’ido ugu jirto dalka iyo dadkaba, Dhaqaalahana kor usoo qaadaya”. Waxana Wasiirku xaqiijiyey in kulankii dhex-maray Wefdiga Madaxweynaha iyo Maamulka Shirkada Bollore aanay labada dhinac wax heshiis ah ku gaadhin, Wasiirka oo arintaa ka hadlayana waxa ereyadiisii ka mid ahaa; “Heshiis ku saabsan Dekedda Berbera oo dhex-maray Xukuumada Somaliland iyo Shirkada Bollore ma jiro, hase-yeeshee waxa wada-hadalkayagu ku koobnaa qorshaha Mustaqbalka ee Shirkadu ka leedahay Dekedda Berbera iyo dal ahaan ku talogalka Xukuumada Somaliland ee ku aadan horumarinta Dekedda Berbera”.
Dareenka Heshiiska Bollore:
Arinta ku saabsan kulanka Madaxweyne Siilaanyo iyo Madaxda Shirkada Bollore oo hadal-hayntiisu todobaaddo ka hor soo gaadhay bulshada, ayaa ahayd mid dareen xasaasi ah ka dhalisay dalka, waxana sida fiinta Madaxda Axsaabta Mucaaridka iyo Siyaasiyiin Madax-bannaan, kuwaasoo dhamaantood ku fasiray qorshaha la xidhiidha in Dekedda Berbera lagu wareejiyo Shirkad Ajnebi ah mid dhawaac weyn ku ah hanaanka dawliga ee Somaliland, sidoo kalena dhaawac ku keenaya jiritaanka hay’adaha Qaranka, sida Ciidamada iyo Shaqaalaha Dawlada oo 80% Mushaharkoodu ku xidhan yahay Dakhliga kasoo Xarooda Dekedda Berbera.
Waxa kale oo arintan si weyn isha loogaga hayey Gobolka Saaxil oo Magaalada Madaxdiisa ay ku taalo Marsadu.
Hase-yeeshee, natiijada hadda kulanka kasoo baxday ayaa ah mid ka turjumaya go’aanka Masuuliyada leh ee sida Madaxweynuhu ka qaatay heshiiskii Dad dano gaar ah lihi ku maaganaayeen inay si jujuub ah iyadoo laga fiirsan u dhaxal wareejiyaan Dekedda Caalamiga Berbera.iyadu damacsanayd inay gacanta ku dhigto Maamulka Dekedda Berbera, kadib markii Madaxweyne Siilaanyo uu ka giigay inuu Qallinka ku duugo heshiiska labada dhinac.
Warar Wargeyska “Yool” ka helay ilo ku dhow-dhow labada dhinac, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne
Siilaanyo iyo


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured