Somaliland oo Golihii Garnaqa Ee Turkiga ku Guul-daraystay Sheegida Sumadda Waxa ka Maqan

0
Friday January 24, 2014 - 19:15:44 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 885
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo Golihii Garnaqa Ee Turkiga ku Guul-daraystay Sheegida Sumadda Waxa ka Maqan

    Hargeysa(xogreebnews.com--Wefdigii Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo u igmatay inay Qaranka ku metelaan Wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee dhawaan dib uga furmay Magaalada Istanbul ee dalka Turkey-ga, ayaa ku guul-dareystay inay Golihii Garnaqs

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeysa(xogreebnews.com--Wefdigii Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo u igmatay inay Qaranka ku metelaan Wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee dhawaan dib uga furmay Magaalada Istanbul ee dalka Turkey-ga, ayaa ku guul-dareystay inay Golihii Garnaqsiga ka sheegaan Hargeysa(xogreebnews.com--Wefdigii Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo u igmatay inay Qaranka ku metelaan Wada-hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya ee dhawaan dib uga furmay Magaalada Istanbul ee dalka Turkey-ga, ayaa ku guul-dareystay inay Golihii Garnaqsiga ka sheegaan mabaadii’da Somaliland iyo Sumada waxa ka maqan Somaliland oo ah Xasuuqii Arxan-darada ahaa ee Taliskii Miletaga Soomaaliya uu kula kacay Shacbiga, iyagoo bedelkeeda Qallinka ku duugay heshiis ku tilmaamaya Tacadi Xasuuqii {Genoside) loo geystay Umadda reer Somaliland.

Heshiiskan oo sida laga dhadhasan karo hadaladii bogaadinta iyo rayn-raynta ahaa ee kasoo yeedhay Madaxweyne Maamulka fadhiidka ah ee Soomaaliya, waxa uu u muuqdaa mid Wefdiga Somaliland ku guul-dareystaan inay kasoo hooyaan Guullo Shacbigu ku qanco, hase-yeeshee ay guusha dhabta ah la caraabeen Ergadii Somaliweyn, waxana taa daliil u ah weedhihii dhiilada lahaa ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ugu bushaareeyey Baarlamaanka Dawlada uu Madaxda ka yahay, kuwaasoo ahaa; “Wada-hadaladii Turkey-ga ku dhex-maray Somaliland iyo Soomaaliya waxay kusoo dhamaadeen guul. Waxay himiladayadu tahay in si Nabadgelyo ku jirto aanu wax walba ku dhamayno, iyadoo hadafkayagu yahay in Mustaqbalka la helo Midnimo taam ah oo Soomaaliyeed, waxana Wada-hadaladu Maanta marayaan meel fiican, marba marka dambeysana waxa imanaya isu soo dhawaansho intii hore ka wanaagsan”.
Haddaba, waxa is weydiin mudan maxay Somaliland ku weyday Shirkan ama Wefdigii madasha inoo tegay uu il-duufay?.
Jamhuuriyada Somaliland oo ka dhalatay rabitaanka Shacbiga kadib markii Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka iyo Odayaasha Dhaqanka ee Beelaha Walaalaha ah ee ku wada dhaqan Somaliland Shir ay 18-kii May, 1991 ku yeesheen Magaalada Burco iyagoo eegaya Xasuuqa, Burburka iyo Colaadaha uu Shacbigii Walaalaha ah isu geliyey nidaamkii keligii Taliska ahaa ay gunaanadkii Shirkaa isku la gar-waaqsadeen in Somaliland noqoto Jamhuuriyad Madax-bannaan. Arintaasi waxay dhalisay inShacabka reer Somaliland ay aragti mideysan ka yeeshaan Mustaqbalkooda Siyaasadeed, waxana taa Daliil u ah Aftidii Madax-bannaanida iyo Dastuurka Qaranka oo si Wadajir ah Shacbigu 97% Shacbigu ‘HAA’ ku codeeyey Madax-bannaanida Jamhuuriyada curdinka ah ee Somaliland, taasoo aakhirkii uu ka dhashay Qaran uu Caalamku ka marag-kacay inuu buuxiyey Shuruudihii haykalka Dawlad-nimo iyo qabsoomida Doorashooyin tiro badan.
Marka la is barbar dhigo arinta aynu kasoo hadalnay, Maxsuulka qodobadii Shirka Turkey-ga kasoo baxay ee qaarkood ka hadlayeen si guud loo cambaareeyo wax lagu tilmaamay ‘tacadiyadii’ Xukuumadii Soomaaliya u geysatay Shacbi-weynaha Soomaaliyeed, iyo sidoo kale hadalkii Wasiirka Arimaha Dibedda Somaliland Md. Maxamed Biixi ku sheegay in Wada-hadalada Soomaaliya iyo Somaliland ku dambeyn doonaan Afti dambe oo waxba kama jiraan ka dhigay Aftidii hore ee Qaranku go’aansaday.
Sidaa arimuhu u cad yihiin waxa hubaal ah in Somaliland guul-daro weyni kasoo raacday Wada-hadaladii Turkey-ga ka dhacay, kuna lumisay astaamihii Sumada u ahaa Qaddiyada Madax-bannaanida Jamhuuriyada, sidoo kalena waxa cad in ergadii uu Madaxda ka ahaa Wasiirka Arimaha Dibeddu ay Golaha Garnaqsiga ka sheegan kari waayeen fikirka bulshada ay Wakiilka ka yihiin, kuwaasoo dood ay dhiibtaan ha joogtee tahli kari waayey inay kala saaraan labada erey ee Xasuuq iyo tacadi oo midba macne gaar ah ka turjumayo.
Sidaa darteed marka Raggii Aqoonta sheeganayey ee Qarankan Sahanka marka xaalkoodu sidaa yahay, sidee baa loogu aamini karaa inay ku sii jiraan hawlo la xidhiidha masiirka umadda?. Muxuu’se yahay waajibka ka saaran Goleyaasha Qaranka, Axsaabta Siyaasada iyo Shacbigaba masiirka umadda ee Mustaqbalka?. Jawaabta su’aalahan waxaanu u dhaafaynaa shacbiga iyo inta lexo-jeclada ka qabta Somaliland.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured