Madaxweyne Xasan Shiikh Muxuu Ka Yidhi Baydhabo, Juba, Puntland Iyo Somaliland?

0
Thursday January 23, 2014 - 20:42:10 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 974
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Shiikh Muxuu Ka Yidhi Baydhabo, Juba, Puntland Iyo Somaliland?

    Muqdisho(xogreebnews.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maalintii shalay soo xirey Kalfadhigii Baarlamaanka waxaana uu ka jeediyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maalintii shalay soo xirey Kalfadhigii Baarlamaanka waxaana uu ka jeediyey Muqdisho(xogreebnews.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maalintii shalay soo xirey Kalfadhigii Baarlamaanka waxaana uu ka jeediyey Khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa, waxyaabihii uu kaa hadley Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa maamulada dalka ka jira iyo xiriirka dowladiisu la leedahay, Madaxweynaha oo ugu hoereyntii ka hadley wada hadalada Dowladda iyo Somaliland ayaa yiri:
“Sidaad la socotaan wadahadaladii Dowladda Federaalka iyo Somaliland wey socdaan oo lagu ballamay in la sii joogteeyo kulamada oo 3dii biloodba mar la kulmo. Dowladda Federaalka wey ka go’antahay in la sii joogteeyo wadahadalada oo si nabad ah aan ku gaarno mideynta iyo midnimada umadda Soomaaliyeed. Wadahadladan waxaa ka dhalanaya kalsooni badan iyo isu soo dhowaasho. Waxaan u mahadcelinayaa Dowladda Turkiga iyo shacabkooda oo si joogta ah noo garab taagan”.

Inkasta oo wada hadalada Somaliland iyo dowladda aan looga hadlin arrimaha midnimada ayaa haddana madaxweynuhu markasta sheegaa in ugu danbenta ay tahay in la helo Soomaaliya oo mid ah hal calana hoostagta.
Madaxweynaha ayaa isla khudbaiisi shalay mar kale hanbalyo iyo duco u direy Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr.Cabdiweli Cali Gaas waxaana uu yiri

Waxaan jeclahay inaan fursadan ka faa’iideysto oo aan u hambalyeeyo Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, isla markaana u wada duceyno inuu EEBBE u fududeeyo xilka culus. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an inay si hagar la’aan ah ula shaqeyso Madaxweynaha iyo maamulkiisa, si aan u wada gaarno himilada aan hiigsaneyno ee ah Soomaaliya oo mid ah, isla markaana leh dowlad rasmi ah lehna xasilooni dhanka amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda. Puntland waxey hormuud ka tahay Federaalka iyo midnimada Soomaaliya, sidaas daraadeed, waxaa muhiim ah inaan ka wada shaqeyno dib u eegista dastuurka, dhaqan gelinta federaalka iyo sidii aan ku gaari laheyn doorashooyin ka dhaca dalka Soomaaliya.”
Maamulkii hore ee Puntland oo wax ka soo dhisey Dowladda federaalka ah isla markaana u ahaa laf dhabartiisa, ayaa wada shaqeyntoodu aad u xumeyd, waxaana ay isu jareen xiriirka, kadib markii maamulka Puntland uu tirsadey in jalaafooyin badan loo dhigey, sida Dastuurkii oo la beddalay.
Madaxweynaha cusub ee Puntland Dr.Cabdiweli Cali Gaas oo horey u soo noqdey Raysalwasaare Soomaaliya ayaa sheegey in Dowladda federaalka ah ay la shaqeynayaan, Puntland xaqa ay ku leedahayna ka doonayaan haddii taas aysan fulina labada dhinacba khasaaro ay u tahay wada shaqeyn la’aantu.
Madaxweyne Xasan Shiikh oo khudbaiisa sii wata ayaa ka hadley caleema saarka maamulka Juba ee dhawaan Kismaayo ka dhacay, waxaana uu ku bogaadiyey in la dhamaystiray maamulkaas, waxaana uu yiri: “Waxaan jeclaan lahaa inaan u hambalyeeyo Hoggaamiyaha Maamulka KMG ah ee Jubba Mudane Ahmed Maxamed Islaan (Ahmed Madoobe) oo dhowaan soo dhameystiray hay’adii fulinta ee maamulkaas, tanoo qeyb ka aheyd heshiiskii Addis Ababa. Waxaana u rajeynayaa in maamulka KMG ah ee Jubba uu ku guuleysto howlaha muhiimka ah ee horyaalla oo ay dowladda Federaalka kala shaqeeyaan xoreynta deegaanada maamulkaas, nabadeynta, xasilinta, adeegyada bulshada iyo xiriirka iyo wadashaqeynta maamulka Jubba iyo Dowladda Federaalka ah oo muhiim u ah midnimada iyo xasilinta dalka”
Ugu Danbeyntii ayaa Madaxweynuhu soo hadal qaadey shirka ka socda Baydhabo ee maamulka loogu dhisaayo saddex gobol inkasta oo uu hareeyey khilaaf ah in gobolada 6 laga dhigo laguna soo daro gobolo iyagu maamul samasytey, waxaan Xasan Shiikh Yiri:”Waxaad la socotaan in Baydhabo ay ka socdaan shirar wadatashi ah. Dowladda Federaalku waxey soo dhoweyneysaa dhiirigelineysaana in dadka Soomaaliyeed isu yimaadaan oo wadahadlaan oo dib-u-heshiisiinta waa astaan fiican oo shacabku ay aayahooda uga tashanayaan. Waxaan rajeynayaa inay ka soo baxdo talo iyo go’aanno maslaxad u ah xasilinta dalka. Dowladduna waxey kula talineysaa inay muhiim tahay in Dowladda ay kala shaqeeyaan sidii maamul loogu sameyn lahaa degaanada aan maamulka ka jirin, si ay noogu horseedo in dalka oo dhan ay ka hirgalaan maamulo shacabku ay horseed ka yihiin.
Gobolada oo dhan ayuu ka codsadey in ay u diyaar garoobaan maamul samaynta iyo hirgelinta Federaalka ah.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured