Akhriso: Khudbadii Madaxweynaha Somaliland U Jeediyay Jaaliyadda Faransiiska

0
Thursday January 23, 2014 - 19:06:31 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1057
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso: Khudbadii Madaxweynaha Somaliland U Jeediyay Jaaliyadda Faransiiska

    Hargaysa(xogreebnews.com--Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminayay oo ku sugnaa dalka Faransiiska, ayaa kulan la yeeshay jaalliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalkaas caasimaddiisa Paris, Madaxw

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(xogreebnews.com--Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminayay oo ku sugnaa dalka Faransiiska, ayaa kulan la yeeshay jaalliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalkaas caasimaddiisa Paris, Madaxweyne Somaliland, Hargaysa(xogreebnews.com--Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminayay oo ku sugnaa dalka Faransiiska, ayaa kulan la yeeshay jaalliyada reer Somaliland ee ku dhaqan dalkaas caasimaddiisa Paris, Madaxweyne Somaliland, ayaa jaalliyada Somaliland uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay u soo dhaweeyyeen waxaanu ku majeertay isku duubnidooda.
Madaxweynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo khudbad u jeediyay jaalliyada Paris ayaa uga xog waramay mawqifka madax-banaanida Somaliland, waxaanu tilmaamay inuu yahay mid aan dib looga laabanayn, isla markaana aan gorgortan cidnaba lagala galayn madal kasta oo la isku hor fadhiisto.

“Waxaynu ognahay Soomaaliya waxay ku doodaysaa in aynaan dal madax-banaan ahayn, waxaanay diidan tahay wixii halganka dheer loo soo galay ee ummada reer Somaliland u soo halgamaysay, inagoo markii horeba gooni ahayn oo xamaasadii 1960-kii markii la qaatay xorriyada ee aynu doonanay dalkii Talyaanigu xukumi jiray, tii Ingiriiska xukumayay, Soomaalida Itoobiya degan iyo ta Kiiniya degan inay isku yimaadaan, wixii wax suurtagala way noqon wayday, qolo waliba halkeedii ayay barakaysatay Kiiniya iyo Jabuuti halkeedii ayay barakaysteen way ka faa’iideen oo wax wayn bay ka noqdeen. Jabuuti waataas oo xorriyad ayay qaadatay madax-banaani ayay yeelatay si wanaagsan bay u hirgashay oo waxeedii ugu fiicnaadeen.” ayuu yidhi madaxweyne Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Madaxweynaha Somaliland waxa uu intaas ku daray isagoo cadeeyay in qaddiyada Somaliland ay tahay mid aan gorgortan gali karin, wada-hadalkana waxyaabo badan lagaga wada hadli karo, “Waxaanu leenahay Somaliland maanta haddii ummadeedu ay tashatay oo ficil xorriyadeedii kula soo noqotay halgan dheerna ay u soo martay mid ay ka noqonayso iyo mid ay ka laabanayso maaha. Anagu wada-hadal waanu raadinaynaa, inaanu nabad kuwada noolaano waanu raaadinaynaa, laakiin taas macnaheedu maaha meel kasta oo la iskugu tago dunida ama Yurub ha noqoto ama Istanbul waxyaabo badan ayaa laga wada-hadli karaa oo wax wada qabsi laga samayn karaa, sidii la iskaga kaashan lahaa budhcad-baddeeda iyo waxyaabo kale oo badan oo mandaqada ah, laakiin madax-banaanida Somaliland iyo gooni isku taageeda waa mid aan cidnaba gorgortan lagala galayn.”
Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo iyo waftigii uu hogaaminayay waxay kulan la qaateen masuuliyiinta shirkada Bollore oo casuumad ugu sameeyay markab dushii, halkaas oo ay kaga wada hadleen dib-u-casriyaynta marsada Berbera iyo xarrumaha maalgashiga iyo sidii xidhiidh wax wada qabsi ay u yeelan lahaayeen labada dhinac.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured