INGIRIISKU MEESHA UU AWR MARINAAYO IRBADBUU KU DAYAA SIILAANYO-NA DEEGAAMEYNTII BERBERA WAXAY LA GASHAY MASAAJIDKII DEKEDA!

0
Tuesday April 16, 2013 - 10:21:41 in Maqaallo by Super Admin
  • Visits: 1566
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    INGIRIISKU MEESHA UU AWR MARINAAYO IRBADBUU KU DAYAA SIILAANYO-NA DEEGAAMEYNTII BERBERA WAXAY LA GASHAY MASAAJIDKII DEKEDA!

    Qormadii 3 aad: Maah maah soomaaliyeedbaa jirta oo tidhaahda marka aad nin doonayso ninbaa loogu sii gabadaa, masaajidka laga dhex dhisay dekeda berberana ee loo bixiyey magaca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qormadii 3 aad: Maah maah soomaaliyeedbaa jirta oo tidhaahda marka aad nin doonayso ninbaa loogu sii gabadaa, masaajidka laga dhex dhisay dekeda berberana ee loo bixiyey magaca INGIRIISKU MEESHA UU AWR MARINAAYO IRBADBUU KU DAYAA SIILAANYO-NA DEEGAAMEYNTII BERBERA WAXAY LA GASHAY MASAAJIDKII DEKEDA!




Ingiriisku Meesha Uu Awr Marinaayo irbadbuu Ku Dayaa Siilaanyo-na Deegaameyntii Berbera Waxay La Gashay Masaajidkii Dekeda!

Qormadii 3 aad:

Maah maah soomaaliyeedbaa jirta oo tidhaahda marka aad nin doonayso ninbaa loogu sii gabadaa, masaajidka laga dhex dhisay dekeda berberana ee loo bixiyey magaca siilaanyana waa mid ujeedada laga leeyahay ay tahay in masaajidku uu ahaado dhuuntii loo sii mari lahaa dekeda berbera oo ileyn wuxuu caqliga fayoobi ina siinayaa in aysan masaajidka iyo dekedu aysan laba magac kala yeelan Karin ee ay wada yeelanayaan hal magac oo kaliya magacaasina uu noqonayo magaca siilaanyo.


Hadaba shaki kuma jiro in arintan maanta fududi ay adkaan doonto mudo dhaw markaa kadib waxaan xasuustay qisadan soo socota.

Sanadkii 1974-kii markii ay abaartii daba dheer ka dhacday geyiga ay soomaalidu ay degto oo dhan nin waliba wuxuu miciinsaday sidii uu ugu tacabiri lahaa ama ugu dhoofi lahaa wadamada badroolka qaniga ku ah ee khaliijka carabta ee uu sucuudigu ugu horeeyo.

Hadaba waxaa dhacday in tuulo ka mid ah tuulooyibka ay soomaalidu degto uu nin ku lahaa jago banaan, hadaba ninkii jagada lahaa markii uu damcay in uu dhoofo ayaa nin ay xasabo ahaayeen uu ka codsaday in uu jagada sii deganaado inta uu maqan yahay marka uu yimaadana uu uga guuro, hadaba ninkii jagada lahaa wuxuu markiiba isku deyey in uu sugo xuduudaha ay jagadu ay leedahay si aysan iskugu dhicin dadka jiiraanka ah iyo ninka meesha ku meel gaadh ahaanta u sii degeni waxaanu ninkii markiiba soo qaaday afar qodin oo waaweyn waxaanu afarta koone ee jagada ka taagay iyada oo ay tuuladoo dhami ay arkayso kadiba wuu dhoofay, waxaase dhacday in markii uu mudo yar sii maqnaa ninkii jagada lahaa uu ninkii ku meel gaadhka u deganaa jagadu uu meeshii ka dhex dhisay guri daar ah oo laba maqsi ah waxaanu ku guursaday gabadh caruurna u dhashay mudo yar ka dibna wuxuu ka dhex qotay barkad afartii qodin ee uu ninkii jagada lahaa ka sii taagayna sidoodii ayuu u daayey.

Hadaba markii uu soo noqday ninkii jagada lahaa wuxuu ku yidhi meesha iiga guur daaradaydiiayaad bino ka dhex dhisatay markii ay labada nin ay is qabsadeen iyada oo ay isku haystaan mulkiga jagada waxaa arintii u baxday xeer beegti dhaqanka soomalida marka la eegana xeer beegtidu waxay wax ku kala xukuntaa wixii ay golaha kaga dooodaan dhinacyada is hayaa oo hadii nin gartiisa garan waayo xeer beegtidu xaq uma laha inay u toosiso garda soomaaliduna waa carab iyo wixii lagu hadlo oo kaliya.

Goobta la fadhiyaa waa jagada lafteedii waxaana hadalkii qaatay muducigii oo ahaa ninkii jagada lahaa oo inta uu kacay ayuu afartii qodin ee meesha ka taagnaa marba mid taabtay oo uu yidhi in aan afrataa qodin leeyahay oo ay kuwaygii yihiin muducibaan ahayn oo muduci markhaati lehbaan ahayn oo markhaati goob joogbaan leeyahay.

Intaa kadib waxaa hadalkii la wareegay ninkii jagada deganaa oo yidhi intaa uu sheegayba inay jirto markhaati iguma furo anaa furay markhaatigii loo watoowba iska kac , afarta qodina hadii uu imika la baxaayo anigu kuma haysto waxaanse ka hadlay in aan jagadan aynu fadhino leeyahay oo aan bino ka dhistay oo aan ubad ku dhalay oo aan wixii dhul lagu mulkiyi jiray aan ku mulkiyey isla markaana aanu goobta ka hadlin muduci dhulka igu haystaa sidaa darteed in dacwadaasi ay soo oodantay mudaceybaan ahay oo mudacelay markhaati leh baan ahay oo markhaati xeer beegtibaan leeyahay.

Hadaba markii uu ninkaasi uu xeer beegtidii uu marag u qabsaday ee ay gudidii gaar ay iskugu baxday waxaa u cadaatay in labadii nin uu midkood ku dooday afarta qodin kalena aanu ku qabsan kii kalena uu ku dooday jagadii sidaa darteed gudidu waxay u xukuntay nin waliba wixii uu ku dooday ee aanu kala ku qabsan.

Hadaba saaxiibayaal waxaan qisadan uga danleeyahay masaajidka dekeda berbera laga dhisay ee magaca siilaanyo loo bixiyey waa laabdii maqsin iyo markadii uu ninkaasi ka dhistay jaagdii uusan lahayn ka diba uu ku mulkiyey goorkasta ha noqotee marka uu arintaasi murankeedu soo baxana wuxuunbay noqon doontaa dhacdadaa aan ka soo waramay oo raga haga siilaanyo ka soo jeeda waxay odhan doonaan badh geel muran ma leh dekeda cida uu magaceedu uu ku baxay ayaa iska leh, dadka kale ee deegaankuna waxay leeyihiin afarta qodin ee dekeda hareereheeda ka taagan hadii ay la baxayaana kuma haysano.

Hadaba saaxiibayaal waxaan idinku dhaafayaa mid ka mid ah heesihii ku jiray riwaayadii shabeel naagood ee uu curiyey Abwaankii Xasan Sheekh Muumin codkoodana ay ku wada qaadaan Abdi Muxumed Aamiin iyo Hibo Maxamed( Hibo Nuura) oo khusaynaysa mwduucan aynu ka hadlayno iyo tayo la aanta xukuumada siilaanyo.







DAB DHAXMOODAY!!!

Doc kastoo la eego



Nolosha dunidu waa dabkee



Haddu dabkii dhaxmoodo



Maxaa lagu diiriyaa?



Waa tilmaan la daahoo



Degdeg kuma haboonee!



Adoo deggan u fiirsoo



Ujeedada ideeqsii.



Ruux haddii la doortoo



Darajada la saariyo



Xilkii daryeeli waayo



Dab dhaxmooday weeyee



Waa su aal da weynoo



Madaxa daalinaysee!



Wixii lagu diirinaayo



Dad weynahaa la weydiin



DUR DUR OOMAY !!!









Durdurkaa laga cabbaa



Biyihiis lagu dabaashaa



Hadduu harraad dareemo



Darkee laga waraabshaa?







Waa tilmaan la daahoo







Deg deg kuma haboonee







Adoo degan ufiirsoo







Ujeedada ideeqsii!







Ruuxa duunyo haystee







Dahabkana barkanayee







Wixiisii deeqi waayaa







Durdur oomay weeyee







Waa su aal da weynoo







Madaxa daalinaysee!







Darkii laga waraabin







Dadweynahaa la weydiin.







DAWO BUKOOTAY !!!







Qofkii cudur dilaayo







Dawadaa bogsiisee







Haday dawo bukooto







Maxaa lagu dabiibaa?







Waa tilmaan la daahoo







Degdeg kuma haboonee







Adoo degan ufiirsoo







Ujeedada ideeqsii.







Dalaalimada diintiyo







Distoorka iyo xeerka







Haddii dabool lasaaro







Dawo bukootay weeyee







Waa su aal da weynoo







Madaxa daalinaysee







Wixii lagu dabiibi







Dadweynahaa la weydiin







DUFAN BASAASAY !!!Subaga dufankiisa Dadku ku dhaashadaane







Hadduu dufan basaaso







Maxaa duxdii ka qaaday







Waa tilmaan la daahoo







Deg deg kuma haboonee







Adoo deggan ufiirsoo







ujeeddada i deeqsii







Isku soo wada duuboo







La Soco Taxanaha qormooyinka danbe.







Qalinka:C/risaaq Suudi Nuur







Tel:4425243







Email:suudi88@gmail.com







Hargeysa/Somaliland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured