Madaxweyne Ku Xigeenku Waa Gudoomiye Ku Xigeenkaygii 4aad, Waxa Awoodihiisa Sheegaya Godobka 44aad Xisbiguna Hoggaan Buu Leeyahay, Wasiirro Cabanayaana Way Jiraan”

0
Wednesday January 22, 2014 - 19:33:32 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 971
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ku Xigeenku Waa Gudoomiye Ku Xigeenkaygii 4aad, Waxa Awoodihiisa Sheegaya Godobka 44aad Xisbiguna Hoggaan Buu Leeyahay, Wasiirro Cabanayaana Way Jiraan”

    Hargaysa(xogreebnews.com-Guddoomiyah xisbigul xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in muddada madaxweyuhu u cayimay qabsoomida shirweynaha xisbiga ee bisha March 2014-ka inay ka horaysiiyaan mooyee aanu xilligaasi shirweynuhu dib uga dhaca

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(xogreebnews.com-Guddoomiyah xisbigul xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in muddada madaxweyuhu u cayimay qabsoomida shirweynaha xisbiga ee bisha March 2014-ka inay ka horaysiiyaan mooyee aanu xilligaasi shirweynuhu dib uga dhacaynin, waxaanu Hargaysa(xogreebnews.com-Guddoomiyah xisbigul xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in muddada madaxweyuhu u cayimay qabsoomida shirweynaha xisbiga ee bisha March 2014-ka inay ka horaysiiyaan mooyee aanu xilligaasi shirweynuhu dib uga dhacaynin, waxaanu tilmaamay in xisbiga Kulmiye uu leeyahay hogaan, isla markaana distoorka xisbigu awoodo iyo waajibaad uu kala siiyay isaga iyo madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici oo ah gudoomiye ku xigeenka afraad ee Kulmiye.

muuse iyo axmedGudoomiye Muuse Biixi ayaa sheegay in khilaaf kasta oo ka dhex taagan xisbigiisa loo raaci doono distoorka iyo xeer hoosaadka u yaala xisbiga Kulmiye, waxaanu xusay inay jiraan xubno ka tirsan golaha wasiirada oo ka cabanaya.
Gudoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo shalay warbaahinta faahfaahin kaga bixiyay asbaabaha dib u dhaca shirweynaha Kulmiye keentay ayaa isagoo ka hadlaya arrimahaasi waxa uu yidhi “Waxa dib u dhaca shirweynaha keenay madaxweynaha oo ah odaygii xisbiga ayaa shaqo dibadeed yeeshay, madaxweynuhuna codsi buu ii soo jeediyay in shirweynaha bisha March 2014-ka la qabto anaguna waanu ka aqbalay inaanu shirka bisha March ka horaysiino mooyee inaanu ka dambaynin xilligaasi shirweynuhu waa naga go’aan”

Axmed, Awr Liqe iyo Indho-buurGudoomiye Biixi oo la waydiiyay sida uu u arko khilaaflka ka dhex taagan garabka uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenku iyo garabka kale ee hogaanka xisbigooda ee uu isagu hogaamiyo waxa uu yidhi “Horta xisbigu hogaan buu leeyahay madaxweyne ku xigeenkuna waa gudoomiye ku xigeenka afraad ee xisbiga. Sidaa darteed haddii madaxweyne ku xigeenku wuxuu yahay gudoomiye ku xigeenkaygii waxa awoodihiisa sheegaya qodobka 44aad ee distoorka xisbiga, wayse jiraan wasiiro cabanayaa”.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured