Madaxweyne Xasan Sheekh”Tarsan Wuxuu La Mid Yahay Gudoomiyaashii Hore Waana La Badeli Karaa”

0
Tuesday January 21, 2014 - 22:14:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 982
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh”Tarsan Wuxuu La Mid Yahay Gudoomiyaashii Hore Waana La Badeli Karaa”

    Muqdisho(xogreebnews.com-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay is casilaad kazoo yeertay Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ah gudoomiyaa gobolka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho(xogreebnews.com-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay is casilaad kazoo yeertay Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ah gudoomiyaa gobolka Muqdisho(xogreebnews.com-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay is casilaad kazoo yeertay Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ah gudoomiyaa gobolka Banaadir, balse jimcihii lasoo dhaafay magaciisa lagu soo daray liiska wasiirka ku xigeennada, iyadoo loo magacaabay wasiir ku xigeenka Dhallinyarad iyo Ciyaaraha.
Tarsan ayaa maalintii xigtay habeenkii lagu dhawaaqay golaha wasiirada Soomaaliya shir jaraa’id oo kooban qabtay, wuxuuna sheegay inuusan xilkaas qabaneyn, islamarkaana aan lagala tashan.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qeybgalay barnaamij dood ah oo ka baxay TV-ga UNIVERSAL ayaa qaar ka mid ah ka qeybgalayaashu weydiiyeen arrinya Tarsan, wuxuuna sheegay in Tarsan ka mid yahay gudoomiyaasha soo maamulay gobolka Banaadir, islamarkaana la badeli karo.
“Maxamuud Axmed Nuur, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir nin shaqo soo qabtay waaye, nin dhowr sano Gudoomiyeyaashii waayahan dalka soo marayay kii ugu waqtiga dheeraa ayuu ahaa, wixii uu qabtay dadku wey qirayaan, dowladdu wey qireysaa, laakiin taas macnaheedu ma ahan darajada dowladnimadu oo ay mida Madaxweynenimada ugu weyn tahay boos 50 ber 50 oo qofka loo cabariyay oo ebedkiisa lahaanayo ma ahan” ayauu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.
“Gudoomiyaha waa la bedelayaa, midka berri imaan doona waa la bedelayaa kuwii isaga ka horeeyay waa la bedelay, wax isaga ku gaar ah ma ahan, naceyb gooni asiga loo qabo ma ahan, asigaa xor ah hadii uu yiri ma qabanayo, wax ku qasbayo ma jiraan waa laga deynayaa meeshii kale dowladnimada iyo dalka uga qaban karo, asiga naftiisa ku qanacsan tahay wuu qabanaya” ayuu sidoo kale yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa horay u jeediyey hadallo la sheegay iney dhibsadeen madaxda dowladda Soomaaliya taasoo keentay in loo magacaabo xil dadka qaar u arkeen mid loola jeeday Iskatag.
xogreebnews.com-Muqdisho Office



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured