Murrashax Jamaal Cali Xuseen.“Wada-hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya Waxay Noqdeen Sii Soco Oo Soo Soco,Diyaarad La Sii Fuullo Iyo Diyaarad La Soo Fuulo,Wax Nuxura Oo Weynina Kamuu Soo bixin, Markaad Eegtid Qodobada”

0
Tuesday January 21, 2014 - 20:30:43 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 944
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Murrashax Jamaal Cali Xuseen.“Wada-hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya Waxay Noqdeen Sii Soco Oo Soo Soco,Diyaarad La Sii Fuullo Iyo Diyaarad La Soo Fuulo,Wax Nuxura Oo Weynina Kamuu Soo bixin, Markaad Eegtid Qodobada”

    Hargaysa(xogreebnews.com--Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay inaanu wax nuxura oo weyni ka soo bixin wada-hadali dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya marka loo eego qodobadii ka soo baxay shirkii Turk

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(xogreebnews.com--Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay inaanu wax nuxura oo weyni ka soo bixin wada-hadali dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya marka loo eego qodobadii ka soo baxay shirkii Turkiga, isla markaana Hargaysa(xogreebnews.com--Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay inaanu wax nuxura oo weyni ka soo bixin wada-hadali dhexmaray Somaliland iyo Soomaaliya marka loo eego qodobadii ka soo baxay shirkii Turkiga, isla markaana ku tilmaamay sii soco iyo soo soco iyo dayuurad la sii raaco iyo dayuurad la soo raaco.
Jamaal Cali Xuseen waxa uu sidaa ku sheegay mar uu maanta qolka nashada ee Madaarka Caalamiga ah ee Egal International Airport ee Magaalada Hargeysa kula hadlayey Warbaahinta,kadib markii uu ka soo noqday safar shaqo oo uu muddo todobaada ugu maqnaa dalka Jabuuti,

Murrashaxa Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen
Ugu horeyn waxa uu Jamaal Cali Xuseen waxa uu hadalkiisa ku bilaabay oo uu yidhi “Maanta waxaan safar shaqo kaga soo noqday magaalada Jabuuti,oo waxa diyaarada nala saarna Maydkii Marxuum Sheekh Cali Weerar, Waxaan ILAAHAY marxuumka uga barayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo,qoyskii, iyo guud ahaan umadda reer Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan ka siiyo. Waa Sheekh Weryn oo Somaliland ka baxay “
Mar uu Jamaal Cali Xuseen ka hadlayey qodobadii sagaalka ahaa ka soo baxay wada-hadala Somaliland iyo Soomaaliya markii afraad ku dhexmaray dalka Turkiga,ayaa waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa inaan ka hadlo wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee lagu soo gebo-gabeeyey dalka Turkiga,wada-hadaladu waxay noqdeen sii soco oo soo soco, iyo diyaarad la sii fuullo iyo diyaarad la soo fuullo,wax nuxura oo weynina aanu ka soo bixin marka aad eegtid qodobada ka soo baxay shirka, waxay arrintu ku fiican tahay in dadka loo sheego runta,in loo sheego xaqiiqda dhabta ah ee jirta, in loo sheego wada-hadalka rasmiga ah ee ay la galeen,sababta oo ah waxan dadka loo sheegayaa waa wax uu garaadku ka xishoodo”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Waxa wanaagsan in la soo sheego oo arrinku noqdo arrin ay dadka oo dhami wada og-soon-yihiin oo umadda oo dhami ay ka war-hayso, xukuumaddana waxaan uga digayaa inay ku talaabsadaan arrin aanay umaddu ogeyn,taasi haddii kale waxay Somaliland u keenaysa dhibaato,haddii ay xukuumaddu arrimo qarsoodiya ay la galaan……waad ogtihiin oo madaxweynaha Soomaaliya dhowr jeer ayuu sheegay inay wada-hadalo gaara oo hoose ay jiraan,oo waxa uu ka sheegay warbaahinta,oo kuweenuna way aamusan yihiin oo afkii ayey daboosheen,wax allaaliyo wax ay noo sheegaana ma jirto”.
“Waxaan marka horre leeyahay masiirka iyo qaddiyada Somaliland mid gor-gortan la gelin karo maaha,mid Huteelada haddii lagu faqo lagu goyn karayo maaha, waa mid ay umaddu go?aan ka gaadhay, waa mid u baahan haddii go?aan laga gaadhayo in si fiican looga wada-hadlo”Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Murrashax Jamaal Cali Xuseen waxa uu yidhi”Waxa kale oo aan ku raacsanay hadalkii uu ka hadlay guddoomiyahayaga (Faysal Cali Waraabe) ee ahaa xaalkii laga bixiyey inay tahay mid ay shacabku ku qancaan inay tahay,shacabkana waa la xasuuqay oo 50,000 (Konton kun) oo qof ayaa kudhintay magaalada Hargeysa oo kaliya oo dawladii dalka ka jirtey ee Siyaad Barre magaaladii ayey soo weerartay,?.markaa in wax xasuuqid ka yar lagu sheego runtii kamaanu filanayn,laakin waa la isaga iman doona wada-hadaladaasi Turkiga,laakin waxaan jecelay in dadka xaqiiqada iyo wixii dhabta ah ee jira loo sheego, ee xaga hoose lagaga hadlayo, ee maaha inuu mar walba inuu go?aanku noqdo inay wada hadaladu sii socdaan,markaad u fiir-satid dhowrkii jeer ee la kulmayba waxa la odhanayaa wada-hadaladu ha sii socdaan weeyaan”.
“Waxaan doonayaa inaan ka hadlo dad Tiifiiyada la soo fadhiisiyey dhawaan oo la yidhi waxay iska casileen Xisbiga UCID,hadaad isku soo duu-duubtid waa in umadda runta loo sheega,waar annaga waxa naga tagay sadex qof waxaanu nahay Xisbi ay u codeeyaan boqol iyo sodon kun in ka baddan. Sadex qof ee naga tageyna iyaguna way ku faraxsan yihiin inay naga tagaan oo dad mawqif leh oo marka hore-ba u jeedo gaara watay ayey ahaayeen,annaguna waanu ku faraxsanay inay sadexdaas qof naga tagaan halkaa ku dhaafi-maayo,……Waxaan leeyahay sadexdaa qof haddii aad na sii qod-qodaan oo aad weji ku macaash noqotaan idinkana banaanka ayaanu idin soo dhigayna waxaad tihiin, in wax la iska sheeg-sheegana ma jeclin”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi”Xisbiganina (UCID) waa Xisbi balaadhan oo maaha Xisbi dumaya, oo maaha Xisbi u dumaya hebel ayaa ka baxay, waana Xisbi ay umaddu dooratay oo weligii soconaya”.
Mar uu Jamaal Cali Xuseen la hadlayey Xukuumadda Madaxweyne Axmed-Siilaanyo waxa uu ka codsaday cashuurta ay danyarta ka uruuriyaan inay wax ugu qabtaan, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi “Xukuumadana waxaan leeyahay cashuurtan aad danyarta ka uruurinaysan ee aad mar-walba baadhiyada ugu sameynaysan hebel ayaa nagu soo biirey waa wax laga xishoodo, niman doogsin raaca ee kolba xisbi kale u bood-booda xoolaha umadda yaan lagu dhameynin, oo yaan la odhanin hebel ayaa nagu soo biirey iyo hebel ayaa nagu soo biirey, Somaliland way is-garanaysa oo dadku way is-garanayaan, KULMIYE-na in baddan ayuu ku soo macaashay UDUB ayaa laga tagay iyo hebel ayaa nagu soo biirey sheekadaasi ma shaqeynayso, imika shookaantiii ayaad haysaane maxaad umadda u qabateen ayaa la idinka doonayaa, waxa la idinka doonayaa wax-qabad dhaba inaad umadda u soo bandhigtaan”.
“Waxaanu umadda u haynaa oo aanu tusaynaa khaladaadkii aad sameyseen oo shaqadayadii weeyaan,oo ha nagu coleysanina oo kolba dagaal ha ka dhiganina, waanu idin sheegayna oo boqol wax ayaanu sheegaynaa, waanu soo wadnaa oo waanu faqeynaa, boobka iyo dhaca jira halkaas ayaanu soo dhigaynaa, yaan waxba lagu mashquulin hebel ayaa laga tagay wax shaqeynaya maaha waynu xisaabtamaynaa, oo waanu idinla xisaabtamayna oo umaddana waanu idin sheegaynaa, taas ku biya cabba, dad ku aamusaaya hebel ayaad ka saarteen oo dagaal ayaad ku qaadeen maaha,laakin waxa wanaagsan inay dadku wada-tashadaan, xukuumaddii hore dadka way la tashan jirtay, oo Daahir Rayaale uu u yeedhi jirey mucaaridka oo waxa uu odhan jirey maxaynu sameeynaa, idinkuna waxaad isleedihiin mucaaridkii bahdil iyo waxyaalaha qaarkood ku sameeya iyo dagaal hoose iyo way idiinka dareysaa uun,umadduna way idin aragtaa waxaad tihiin”.Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured