Maareeyaha Tv-ga Qaranka Oo Ku Tilmaamay Been Abuur Digreeto Uu Soo Saaray Madaxwayne Siilaanyo iyo khilaafkii wasarada oo soo laba kacleeyay

0
Tuesday January 21, 2014 - 20:20:01 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1101
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maareeyaha Tv-ga Qaranka Oo Ku Tilmaamay Been Abuur Digreeto Uu Soo Saaray Madaxwayne Siilaanyo iyo khilaafkii wasarada oo soo laba kacleeyay

    Hargaysa(xogreebnews.com-Maareeyoaha Telefiishanka qaranka Somaliland, Khadar Cali Gaas, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay digreeto uu soo saaray madaxwayne Axmed Silanyo taasi oo dhawr Hay`adood oo uu ka mid ayahay Tv-ga qaranku uu hoos Geeyay was

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargaysa(xogreebnews.com-Maareeyoaha Telefiishanka qaranka Somaliland, Khadar Cali Gaas, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay digreeto uu soo saaray madaxwayne Axmed Silanyo taasi oo dhawr Hay`adood oo uu ka mid ayahay Tv-ga qaranku uu hoos Geeyay wasaarado markii hore Hargaysa(xogreebnews.com-Maareeyoaha Telefiishanka qaranka Somaliland, Khadar Cali Gaas, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay digreeto uu soo saaray madaxwayne Axmed Silanyo taasi oo dhawr Hay`adood oo uu ka mid ayahay Tv-ga qaranku uu hoos Geeyay wasaarado markii hore laga soo dheegay,Maareeyaha Tv-ga qaranka Somaliland, Khadar Cali Gaas, waxa uu sheegay in aanay jirin warqad uu Madaxwaynuhu soo saaray oo ka dambaysay tii uu Tv-ga qaranka ku madax-banaaneeyay.

Maareeye Gaas oo manta la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa warkaasi ku tilmaamay war aan sal iyo raad toona lahayn isla markaana ku dooday in hadii uu madaxwayne silanyo hoos gaynayo wasiirk Cukuse uu ku soo wargalin lahaa sida uu hadalka u dhigay waxanuu yidhi“Telefiishanka qaranka markii horeba waxaanu siyaasad ahaan iyo kormeer ahaanba aanu hoos tagi jirnay Wasiirka warfaafinta, laakiin xeer cusub oo Madaxwaynuhu soo saaray maalintii uu dhoofay hadduu jiro annaga ayaa lana soo gaadhsiin lahaa, wax alaale iyo wax ka jiraa ma jiraan arrintaasi” ayuu yidhi Maareeyuhu.
Maareeye Khadar Cali Gaas, waxa uu sheegay in warqadda warbaahintu qortay tahay mid si khaldan loo adeegsaday “Waxaan filayaa waa arrin si kale loo isticmaalay oo si khaldan loo adeegsaday” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Madaxwaynuhu markuu qoraalo soo saarayo nidaam buu leeyahay oo Madaxtooyada ayaa ku shuqul leh, xeer cusub oo Tv-ga ahina ma jiro”.
Warkan maareeyaha ka soo baxay ayaa muujinaya sida uu Maareeyuhu uga cararayo in uu hoos tago wasiir Cukuse oo todobaadyo ka hor ay khilaaf iskaga hor yimaadeen ka dib markii uu shaqada ka joojiyey Wasiirku,arrintan ayaa keeni karta in uu soo laba kacleeyo khilaafkii TV-gu .
Dhinaca kale qoraalka uu ku sheegay in uu yahay mid aanuu soo saarin madaxwaynuhu ayaa waxa wa ku yaalla saxeexa madaxwaynaha,waxayna warbahinta soo gaadhay maalintii uu dalka ka dhoofay Madaxwayne Silanyo.
xogreebnews.com-office- Hargaysa



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip


featured